٢-
باب توبة
TOOBADA
Culimadu waxay yidhaahdeen: Waa waajib in dembi walba laga toobad keenaa,
waxayna toobadu leedahay shuruudo dhowr ah, oo marna seddex ah,
marna afar ah. Mar waa seddex oo waa markii uu dembigu yahay wax
addoonka iyo Rabbigiis ka dhexeeya, markaasna waxay shuruudu tahay inuu
qofku dembigii ka fuqo iyo inuu ka qoomamoodo, iyo tan seddexaad oo ah inuu
qofku go'aansado inuu san dembigaas u noqon dib dembe. Marka kale oo ay
shuruuddu afarta tahayna waa markii uu dambigu lug ku leeyahay xaq Aadane,
oo waa in xaqaas Aadane la gudo oo laga xalaaloobo, hadduu maal yahay la
gudo, hadduu qadaf ama qaan yahay qofkii oo la isu dhiibo, gudayayaa iyo
cafiyayaaba, iyo haduu xan yahay oo iyadana laga codsado cafis, waxaa
iyaduna waajib ah in dambiyada oo dhan laga toobad keeno, haddii uu qofku
qaar ka toobad keenana waa ka ansaxaysaa toobadu, oo qaarkaas waa laga
cafinayaa, dembigii uusan ka toobad keeninna way ku hadhayaan oo laga cafiyi
maayo, jeer uu ka toobad keeno. Toobadu inay waajib tahay Qur'aanka iyo
sinnahaa caddeynaaya, ummaduna waa ay isku raacsan tahay.
Alle kor ahaaye wuxuu yiri:
4. "
Alle u wada toobad keena kuwa xaqa rumeeyow, aad liibaanteene." (Suuradda
an-Nuur:Aayadda 31)
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:
5. (Waxaan idin leeyahay oo idin kugu yeeri):
Rabbigiin cafis iyo dambi dhaaf weydiista, oo u noqda Alle idinkoo toobad
keenooyin ah." (Suurada Huud:Aayadda:3)
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:
6. " Kuwa xaqa rumeeyow! Alle u toobad keena
toobad san." (Suurada at-Taxriim:Aayada:8)
13. Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan maqlay rasuulkii Alle (S.C.W.)
oo leh: "Wallaahi maalintii waxaan Alle dembi dhaaf waydiistaa oo u toobad
keenaa wax toddobaatan jeer ka badan." (Bukhaari)
14. Aqirr ibn Yasaar al-Muzani (A.K.R.) wuxuu sheegay inuu Rasuulku (S.C.W.)
ku waanin jiray asxaabtiisa: Alle u toobad keena dadyahow, oo dambi dhaaf
weydiista, anigu maalintii boqol jeer baan toobad keenaaye." (Muslim)
15. Anas ibn Maalik (A.K.R) oo adeege u ahaa nabiga (S.C.W.) wuxuu yiri:
Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Wuxuu Alle ugu farxaa toobada addoonkiisa si ka
daran sida midkiin ugu farxo awrkiisii oo inta hayjad kaga lumay uu markaas
helay." (Bukhari iyo Muslim)
Weedha Muslimka waxay intaa raacinaysaa: Wuxuu Alle ugu farxaa markuu
adoonkiisu u toobad keeno, sida midkiin rakuub u watey oo hayjad marayey oo
ay raashinkiisa iyo biyihiisuba saaraayeen, dabadeed uu halkaas rakuubkii
kaga lumay biyihii iyo baadkiina kala tagay, dabadeedna doondoonay oo waayey,
oo markaas uu geed iska hoos jiifsaday isagoo quustay, oo isagoo saas ku
sugan markaas indhaha kala qaaday mise waa rakuubkiisii oo kor taagan,
markaasuu yiri: inta hoggaankiisa qabsaday oo farixii ka batay: Alloow
addoonkaygii baad tahay, aniguna Rabbigaagii, wuxuu ugu dhacay carrab
taraaraxaas farxad darteed iyo isagoo doonayey inuu u mahad noqo Rabiggii,
una qiro abaalka iyo fadligaa.
16. Abuu Muusa al-Ashcari (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri:
" Alle SWT habeenkii buu gacantiisa soo fidiyaa, si uu u toobad keeno qofkii
maalintii dambaabay, maalintiina gacantiisuu soo fidiyaa si uu u toobad
keeno qofkii habeenkii dambaabay, jeer ay qorraxdu bugux (yacni galbeed) ka
soo baxdo (maalinta qiyaame)." (Muslim)
17. Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Rasuulkii(S.C.W.) wuxuu yiri: "
Alle waa ka toobad aqbalaa addoomahiisa inta aysan qorraxdu bugux (galbeed)
ka soo bixin (maalinta qiyaame)." (Muslim)
18. Cabdullaah ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri:
" Alle, Rabbiga cisada iyo maamuuska, toobada adoonka waa uu ka aqbalaa inta
uusan dhuun yeeris (geerida) gaadhin." (Tirmidi, waana xadiis xasan ah)
19. Zirr ibn Xubaysh (A.K.R.) wuxuu yiri: waxaan u tegey Safwaan ibn
Cassaal (A.K.R.) anigoo raba inaan ka wareysto masaxa kabaha buudka gacmaha
la kor mariyo marka la weeysaysanayo. Wuxuu i weydiiyey: Ziirrow, maxaad
doonaysaa? Waxaan ku jawaabay, 'Cilmi doon baan ahaa.' Wuxuu yiri:
Malaa'igtu garbahay u raaricisaa qofka cilmi doonka ah, raali ayay ka tahay
waxaa uu doonayo awgeed. Waxaan u sheegay inuu wareer iga galay arrinta ku
saabsan marinta gacmaha dusha sare uu ka mariyo kabaha buudka qofka
weeyseysanaya, kaadi ama saxaro kaddib. Addigaana arrintaas kuu soo aadey oo
asxaabtii Nabiga (S.C.W.) ka mid ah, ee wax ma ka maqashay nabiga arrintaas
la xirriirta ? Wuxuu yiri: Haa, Wuxuu na odhan jirey markaan safar nahay ha
siibina buudkiinna seddex maalmood iyo habeennadooda, inaad isku junuubtaan
maahee oo ha u siibina hurdo iyo saxaro iyo kaadi dartood.
Waxaan idhi: Ma ka maqashay isagoo ka hadlaaya wax jeclaanta? Wuxuu yiri:
Haah, annagoo musaafir ah oo Nabiga (S.C.W.) la soconna baa maalin nin reer
miyi ahi Nebiga (S.C.W.) tannaaago dheer Wuxuu ku yiri: Muxammadoow. Wuxuu
yiri: Nabigu (S.C.W.) sidiisi oo kale buu ugu dhawaaqay oo yiri: Heeh, waa i
kane. Waxaan ku idhi ninkii reer miyiga ahaa: Balaayo ha kugu dhacdee; Ha u
hadlin kor markaad Nebiga (S.C.W.) la joogtid. Sidaas buu Alle ina faraye (yacni
inaan kor loo hadlin markaan nebiga la joogno). Isagoo ii jawaabaaya wuxuu
yiri: Uma dhigaayo hoos codkeyga, haddana isagoo hadalka u wada nabiga (S.C.W.)
mar labaad wuxuu yiri: Ka warran qof jecel qoon uusan weli ka soo mid noqon
muxuu xaalkiisu yahay? Wuxuu yiri Nebigu (S.C.W.): Maalinta qiyaame qofka
wuxuu ka mid noqonayaa qoonka uu jecel yahay. Dabadeena hadalkii uu inoo
waday buu meeshi ka sii waday ilaa uu ii sheegay irrid bugux jirta kan wax
fuushani balleeceeda u socdo afartan ama todobaantan sano. Sufyaan oo dadka
xadiiska weriyay ka mid ahi wuxuu intaas raaciyey: Waa irrid xagga Suuriya
jidha . Wuxuuna Alle abuuray maalintii uu cirarka iyo dhulalka abuuray.
Wuxuu bu furan yahay toobada, lamana xirayo jeer ay qorraxdu ka soo baxdo
xagga galbeed". (Tirmidi iyo kuwa kale baa weriyey, wuxuuna yiri: waa xadiis
saxiix ah)
20. Abuu Saciid al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu
yiri: ‘ Nin ka mid ahaa ummadahii idinka horreeyey, oo diley sagaal iyo
sagaashan qof, baa dadkii weydiiyey yaa u aqoon badan dunida? Waxaa loo
tilmaamay nin suufi ah (oo adduun iska nacay). (Dilahii is keenay isagoo
ictiraafsan dambigiisa) baa u tegay suufigii oo ku yiri: waxaan diley sagaal
iyo sagaashan qof, ee wax toobad ah ma leeyahay? Suufigii wuxuu ku jawaabay:
‘ Maya’. Ninkii wuxuu dilay suufigii sidoo kale oo boqol kaga dhigay.
Dilihii baa misna weydiiyey dadkii: Yaa u cilmi roon dadka aduunka? Waxaa
loo tilmaamay nin caalim ah. Markaa buu u tegey oo ku yiri: Waxaan diley
boqol qof ee toobad ma leeyahay? Wuxuu yiri: caalimkii: ‘ Haah, waxba ma
jiraan kala dhex gali kara adiga iyo toobada: Tag oo aad dhulkaa. Waxaa ku
nool dhulkaa dad dhowrsoon oo suubbanayaal ah oo Alle caabuda ee Alle la
caabud hana ku soo noqon dhulkaaga waayo waa dhul shar badan. Ninkii dhulkaa
buu aaday. Markuu kala bar marayaa mawdkii u yimid. Muran iyo dood baa wuxuu
ka dhex billowday malaa’igtii cadaabta iyo malaa’igtii naxariista la xiriira
cidda nafta ka qaadeysa. Malaa’igtii naxariistu waxay tiri: Marba haduu soo
toobad keenay oo qalbigiisu Alle u soo jeedsaday (annagaa nafta ka saareyna
oo xilkiisu nasaaran yahay): malaa’igtii cadaabtuna waxay tiri: weligiisba
ma uu sameyn wax khayr ah (sidaas awgeed annagaa xilkiisa leh). Waxaa
markaas u yimid malag suurad Aadane leh, waana u gar dhigteen, wuxuu yiri
malagii: Cabbira inta labada dhul u dhaxaysa, tii u xigaa leh. Markaasay
cabbireen mise dhulkii uu u socdey buu xigaa.
Waxaa xilkiisii markaa qaaday malaa’igtii naxariista.”
(Bukhaari iyo Muslim)
Warein kale baa waxay odhaneysaa: “Dhulkii dadka fiican buu taako u
dhawaadey, markaasaa dadkaas laga mid yeelay”.
Werin kale waxay ahayd: “Allaa labada dhul midna fogow yiri, midna soo
dhowow yiri, wuxuu Alle yiri markaas: Qiyaasa inta u dhexaysa, mise tan (
dhulka dadkii fiicnaa) bay taako u dhowdahay oo wuu u dambi dhaafay”. Xadiis
kalena wuxuu ahaa: Wuxuu ugu soo dhowaaday dhulkii uu u socday laab ku socod
iyo xamaarasho.
21. Cabdullaah ibn Kacab ibn Maalik (A.K.R.) oo aabihii Kacab hagi jirey
markuu indha beelay, wuxuu yiri: waxaan maqlay aabbahay Kacab ibn Maalik oo
ka sheekaynaaya waagii uu nabiga (S.C.W.) ka haray oo aheyd duullaankii
Tabuuk. Wuxuu yiri Kacab: Ma jirin duullaan aanan Nabiga (S.C.W.) kala qayb
gelin duullaankii Tabuuk ma ahee iyo kii Beder oo aan isaga cidna lagu
canaanan maxaa yeelay Nabiga (S.C.W.) iyo raggii Beder raacay waxay doonteen
safarkii Qureysh ee badeecad siday, iyagoo aan dooneyn inay la dagaalamaan,
saa Allaah falay si aysan ku tala gelin, colkii Quraysheed iyo iyagiina wada
kulmiyey. Waxaan Nabiga (S.C.W.) la joogey habeenkii togga Caqabah markii
aan kor yeelidda diinta islaamka axdiga kula galeyney in Beder habeenkaas la
iigu badalana u shallaayi maayo, inkastoo ay dadku badiyaan hadal haynta
Beder.
Duullaankii Tabuuk oo aan Nebiga (S.C.W.) ka haray haddaan xaalkeyga ka
warramo siduu ahaa, waxaan markaas ahaa markii aan u xoog iyo xoolaba roonaa,
waxayna ahayd markii iigu horreysey laba rakuub oo aan yeesho, Nabiga (S.C.W.)
markii uu duullaan qaadayo waxaa caado u ahaan jirey inuusan daaha ka qaadin
arrimaha la xiriira oo dhan waqti dambe maahee. Laakiinse markaas qorraxdu
aad bay u kululeyd, safar dheer iyo dhul dhib badan oo bah gooyo ahna waa la
marayey, col weyn oo xoog lehna waa loo socdey.
Sidaa awgeed buu rasuulkii Alle (S.C.W.) Daboolka uga qaaday meesha loo
socdo, si loogu diyaar groobo. Waxaa baxay col weyne aad u culus, oo aan wax
la diwaan gelin karo ahayn, ninkii damco inuu maqnaado kama uu baqayn in la
ogaado, haddaan waxyi ka soo dagin.Dullaankaas wuxuu Rasuulku (S.C.W.)
qaaday goor ay mirihii soo go’ayaan, hooska geedahuna macaan yahay, anigana
sahlashaa I gashay. Rasuulkii (S.C.W.) waa uu diyaar garoobey,
muslimiintiina waa diyaargaroobeen, aniguna inaan diyaar u kallahaa, anoo
aan waxba qabanna waa soo noqdaa, waxaan is leeyahay waxba ma ahoo waa kuu
fududahay markii aad doonto iska daba wareeg ma aan deyn jeer ay Nebigii (S.C.W.)
iyo muslimiintii dhaqaaqeen anigoo aan waxba diyaarsan. Duullaankii
caaradkuu la baxay oo waa tegey, wax weli ii diyaar ahina ma jirin, waxaan
is iri alleylehe raro, oo gaar, la iimase qadarin, magacay ba;ye bal maan
falo, markii uu Nebigu (S.C.W.) tegey yaan calool xumo iyo murugo bilaabay
markii aan dadka soo dhex galo laguma arko qof aan ku dayan karo, oo
weheshan karo ragga joogaa waa nin munaafaqnimo lagu yiqiin iyo nin jihaadka
aan awood u lahayn oo Alle ka cafiyey. Nabigii (S.C.W.) ima uu xusuusan ilaa
uu Tabuuk gaarey, markii uu Tabuuk tegey buu wuxuu yiri isagoo fadhiya:
Kacab ibn Maalik muxuu falay? Wuxuu yiri nin reer banii Salamah ahi
dharkiisii baa reebay iyo hadba gees is ka dhugasho. Mucaad ibn Jabal wuxuu
ku yiri ninkii reer Salaamha: wax daran baad ku hadashay! Wallaahi rasuulkii
Alloow kuma aannu ogin waxaan khayr hayn, rasuulkii Alle (S.C.W.) waxba ma
oran oo waa iska aamusay.. Nin bidhaamaya oo wirwiraayaa meel fog ka soo
muuqday, wuxuu yiri rasuulkii Alle (S.C.W.): Abuu Khaysama noqo, mise waa
abuu Khaysama laftigiisii oo ahaa ninkii suuska timirta ah sadaqaysan jirey
oo ay munaafiqiintu ku durayeen. Markii aan maqlay inuu Nabigii (S.C.W.) soo
laabtay oo soo socdo yaa walwalkii iga batay oo been inaan sheegaa igu soo
dhacday, waxaan is weydiinaayey sedee Nebiga (S.C.W.) uga maslaxdaa arrintaa
manta. Wixii wax garaayey oo ehelkkayga ahaa baan kala tashaday, markii aan
maqlay in uu Rasuulkii (S.C.W.) soo ogog yeeshay, yaa tashwiishkii oo dhammi
iga ba’ay oo waxaan go’aan saday inaan runta sheego.
Mar haddaanan haysan wax aan kaga badbaadi karo. Nabigii (S.C.W.) waa
yimid Sidii ay caadadiisu ahaydna kolkuu safarada ka yimaado masjidkuu ku
soo hormaray oo laba racadood ku tukaday, oo dabeed fariistay si uu dadkii
ugu qaabilo, markii sidaa yeelay baa waxaa u yimid raggii haray oo dhowr iyo
siddeetan nin gaaraya, waa u cudur daarteen waana dhaarteen, waana uu ka
yeelay oo u dembi dhaaf dalbay waxooda u qarsoonna Alluu u daayey.
Markaasaan anna imid oo salaamay suu inta dhoolbiray buu wuxuu yiri isagoo
caro laga dareemayo: Kaalay, waa u imid oo hor fariistay. Wuxuu yiri (S.C.W.):
“Maxaa ku reebay?” soo Alle kama aadan gadan rakuubkaaga?” Waxaan iri:
Rasuul Alloow (S.C.W.) wallaahi haddaan manta cid kale oo adduun ag joogi
lahaa cudur daar aan kaga fakado ma waayeen waana doodi aqaan laakiinse
waxaan ogahay, haddaan manta kuu sheego been aan kugu raalli gelinaayo,
waxaan halis u ahay in Alle iigu caroodo, haddaan run kuu sheegana iyadaan
xag Alle aayaha dambe ku rajo fiicanahay. Waa sidaase wallaahi baanan wax
cudur daar ah haysan, wallaahi baysan jirin mar aan ka xoog iyo xoolo roonaa
markaan kaa haray. Markaan sidaas iri buu wuxuu yiri Rasuulkii Alle (S.C.W.):
Kanu run buu sheegay. Haddaba iska tag inta Alle xaalkaaga wax ka oranaayo.
Rag reer banii Salimah ah baa inta i soo raacay i yiri: waxaanu ognahay
inaadan hadda ka hor wax aadan bi’in ma waxaad kari weyday inaad Nebiga u
cudur daaratid sidii ay raggii kale oo kaa horeeyeyba ugu cudurdaarteen?
Nebiga oo kuu dembi dhaaf dalba baa qaladkaaga oo dhan ku filayde, waa igu
celceliyeen oo sidaas wadnaha iiga qabteen ilaa aan ku fakarey tolow nebiga
ma ku noqotaa oo hadalkaagii hore ma beenisaa. Waxaan weydiiyey: Cid sidaan
yeelay oo kale yeeshay ma garanaysaan? Waxay yirahdeen: Haah, labo nin baa
sidaada oo kale yiri oo sidaada oo kale lagu yiri: waxaan iri: oo waa
labadee? Waxay yiraahdeen waa Muraara bin Rabiic al-Camri iyo Hilaal bin
Umayyah al-Waaqifi, mise waa laba nin oo wanaagsan oo Beder ka qayb galay,
oo lagu dayan karo markii ay ii sheegeen baan ku sii adkeystay mowqof kaygii
hore. Wixii rag haray Nebigu (S.C.W.) Seddexdayadii buu amray inaan dadku
nala hadlin, markaasaa dadkiiba naga cararay oo dhulkii nagu yaraaday oo nin
qalaad aan noqday. Konton habeen baan sidaas ku jirney. Labadayadii saaxiib
ceeb iyo calool xumo bay guriga la fariisteen. Aniguse dhalinyaraan ahaa
firfircoon oo salaaddaan dadka la tukan jirey, carradaydana waa aan mari
jirey, wax ila hadlana ma jirin.
Rasuulkuna (S.C.W.) intaan u tago baan salaami jirey markuu inta tukado
fadhiyo, markaasaan is oran jirey tolow bishimaha ma dhaqdhaqaajiyey oo
salaanta ma kaa qaaday. Intaan ku agtukadaan isha ku xadi jirey markaasuu
markaan ka jeedsadana i fiiriyaa, markaan eegana iga jeedsadaa. Arrintii waa
igu dheeraatay, goyntii ay muslimiintu igu sameeyeen waa i dhibtay. Waxaan
gaarey inaan fuulo derbigii Abu Qataadah oo aan ilma adeer ahayn, dadkana
aan ugu jeclaa, waa salaamay, salaantiina waa iga qaadi waayey. Waxaan ku
iri abuu Qataadow Alle baan kugu dhaariyeye, ma igu ogtahay inaan Alle iyo
Rasuulkiisa jeclahay? Waa iga aamusey, waa ku celiyey oo dhaariyey, waa iga
aamusay, haddana waa ku celiyey oo dhaariyey, kolkuu i yiri: Alle iyo
rasuulkiisaa og. Markaasay ilmo iga soo qubatay, derbigiina aan ka soo degey.
Suuqii baan u soo baxay mise nin reer Shaam ah oo raashin gasac ah wataa baa
dadka i weydiinaaya oo leh: yaa Kacab ibn Maalik i tusaaya waa la ii soo
tilmaamay. Waa ii yimid wuxuu ii dhiibay waraaq uu iiga wadey boqorkii reer
Qassaan. Waxaan ahaa qoraa saa waan akhristay, mise waxaa ku taal; waxaa
nasoo gaarey saaxiibkaa inuu ku gooyey, Allena kuma badin dulli, iyo darxumo
ee noo imow annagaa ku wanaajinayne’e. Markaan akhriyey baan waxaan iri:
tanna waa imtixaan kale, markiiba waxaan ku riday tinnaarka oo ku gubey.
Kontankii markii ay afartan maalmood tagtaywaxyina uusan soo deign baa nin
uu Nabigu (S.C.W.) soo dirayii yimid oo yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu ku soo
faray inaad haweenaydaada ka tagtid. Ma furaa mise maxaan falaa? Wuxuu yiri:
Mayee ha taaban oo keliya labadaydii saaxiibna sidaasoo kaluu u faray. Sidaa
awgeed baan xaaskaygii ka codsaday inay reerkoodii la joogto bal inta
arrintaan Alle si ka oranaayo. xaaskii Hilaal ibn Umayyah baa iyaduna Nebiga
(S.C.W.) u tagtay oo tiri Rasuul Alloow Hilaal ibnUmayyah waa sheyb aan
tabar lahayn, aan daryeeli karin naftiisa kaligii, adeegena ma leh, marka ma
aad diideysaa inaan u adeego? Wuxuu yiri: Maya, laakiinse yuusan kuu dhowaan,
waxay tiri: Dan kama leh dumar, tan iyo maalintii uu arrinkaanu billowday
ilaa haatanna, waa uu ooyayey. Ehelkaygii baa qaarkood igu yiraahdeen: Maad
Nebiga (S.C.W.) weydiisatid inuu xaaskaaga kuu idmo. Hilaal bin Ummayaba waa
u idmay xaaskiisu inay u adeegto’e? waxaan iri: Kuma dhibayo Nabiga (S.C.W.)
weydiisiga idan kaa oo kale ah, saa wuxuu oranayo ma garanayo’e, aniguna
waxaan ahay nin dhalinyaro ahe (Hilaal oo kale ma ahi). Sidaasna toban beri
baan ku jirnay oo kontonkii habeen ay noogu buuxsameen, tan iyo markii nala
gooyey. Waxaan tukadey salad subax, waxay ahayd habeenkii kontonaad
subaxiisii dambe, anigoo fadhiya gurigeyga, naftaydiina ciriiryoontey oo
dhulkii balaarnaa sidii Alle naga sheegay igu yaraaday, baan waxaan maqlay
nin buur korkeeda ka dhawaaqaya oo leh: Kacab ibn Maaligoow bishaarayso.
Markaasaan sujuud shugri la dhacay, oo waxaan gartay in faraj yimid.
Rasuulku (S.C.W.) markii uu salaaddii subax tujiyey dadkii buu dadkii u
sheegayin Alle naga toobad aqbalay, markaasaa dadkii noo soo kala orday
iyagoo noo bishaaraynaaya. Labadaydii saaxiib dad baa aaday. Anigana ninbaa
faras xaggayga u soo fuulay, nin kale oo reer Aslam ah baa isna xaggayga u
soo ordday oo buur dhaladeed fuulay oo iiga dhawaaqay. Saa dhawaaqiibaa
faraskii ka soo hor maray markuu ii yimid ninkii aan codkiisa maqlay oo ii
bishaareeyay baan labadaydii go’ siiyay, bishaaradiisii darteed. Ilaahay
baan ku dhaartay maalintaa dhar kale ma haysan, sidaa awgeed baan laba go’ u
soo deyntey oo maalintaas wax kale ma aan haysan Dabadeedna Nabigii (S.C.W.)
baan aadey si aan qaddirinta iyo tixgelinta iyo mahadda aan u hayo ugu
jeediyo. Intaan u socdayna rasuulka dadku waxay iila kulmayeen koox, koox
iyagoo toobad aqbalka iigu tahniyaday-naya. Masjidkii baan soo galay, waxaan
arkay nebigii (S.C.W.) oo fadhiya dadkiina hareero fadhiyaan waxaa soo kacay
oo igu soo orday Dalxag bin Cubeydullaah waana i salaamay oo ii tahniyadeyey,
isaga keliyaana muhaajirintii iiga soo istaagay – Kacab Dalxah ma illoobi
jirin. Waxaan salaamay Nebigii (S.C.W.) oo wajigiisu farxad la ifayo, wuxuu
yiri: bishaarayso waa maalintii kuugu khayr badnayd oo ku soo marta tan iyo
markii hooyadaa ku dhashay. Waxaan iri: Rasuul allow ma xaggaaga mise waa
xag Alle? Wuxuu ku jawaabay: Mayee waa xag Alle.
Nabigu (S.C.W.) markuu farxo waxaad moodi jirtey in wejigiisa gabal dayax
ahi inay saran tahay, siduu u dhalaalayo, oo aan uga garanayo. Markii aan
hortiisa fariistey baan waxaan iri: Nebi Alloow maalkayga oo dhan hor alle
ma u sadaqaystaa toobada la iga aqbalay awgeed? Wuxuu yiri: maalkaaga wax ka
hayso sidaasaa ku fiican. Waxaan iri: saamigii aan Khaybar ka helay baan la
harayaa. Waxaan iri: Rasuul Alloow runtii baa Alle igu badbaadiyey,
toobadkeenkaygana waxaa ka mid ahaanaya, inaanan sheegin waxaan run ahayn
inta aan noolahay. Wallaahay garanmaayo muslimiinta imtixaanka Alle i
mariyey mid ka wanaagsan qof uu mariyey, ilaa maalintii aan hadalkaas nebiga
u sheegay tan iyo maanta uma qastin inaan been sheego, inta cimriga iiga
hartayna in Alle iga dhawraan rajeynayaa. Wuxuu Alle soo dejiyey aayadahan:
“ Alle waa ka
toobad aqbalay Nabiga iyo Muhaajiriintii iyo Ansaartii raacay saacaddii
dhibaatada, markii qaar ka mid ah qalbiyadoodu ku sigteen inay qalloocdaan,
kadib; dabadeedna waa ka toobad aqbalay, waa u turid iyo naxariis badan
yahaye iyo seddaxdii dib loo dhigay jeer dhulkii ku yaraaday wuxuu
ballaarraa. Naftoodiina ku ciriiryoontay ayna yaqiinsadeen inaan Alle meel
looga irkadaa jirin isaga maahee, dabadeedna uu toobadii ka yeelay si ay u
toobad keenaan, Alle isagaa toobada Aqbalaha naxariista badan ahe. Kuwa xaqa
rumeeyoow dhowra waajibka iyo xilka uu Alle idin saaray oo run sheegyada ka
mid ahaada” Suurada at-Towbah:117-119.
Wuxuu yiri: Kacab: wallaahi garanmaayo nicmo Alle ii galay intii uu
diinta igu hanuuniyey kaddib oo ka weyn runtii aan Nabiga (S.C.W.) u sheegay,
maxaa yeelay haddaan maalintaas been u sheegi lahaa, waa aan halligmi lahaa
sidii ay u halligmeen kuwii beenta u sheegay oo Alle ka soo dejiyey wax cid
lagu sheego wixii ugu xumaa. Wuxuu yiri Alle weyne:
“ Waa
idiin dhaaran doonaan markii aad u noqotaan si aad isaga deysaan, ee iska
daaya waa qurune, hoyaadkooduna waa Jahannama oo jasadii wixii ay kasbadeen
ah, waa idiin dhaaranayaan, si aad uga raalli noqotaan, haddii aad ka raalli
noqotaanna Alle raalli kama noqdo qoon faasiqiin ah.”
Suurada at-Towbah:Aayadaha:95-96.
Wuxuu yiri Kacab (A.K.R.): Seddexdayada waa na loo kaadiyey, kuwaasna
nebiga (S.C.W.) waa uu ka yeelay markii ay u dhaarteen, waana u dembi dhaaf
dalbay, axdina waa uu la galay, ilaa Alle arrimaha sidaas aan soo sheegnay u
kala xugmiyey. Marka Alle leeyahay: (Seddexdii dib loo dhigay) dib u
dhigaasi ma aha hariddii aan duulaanka ka harnay, ee waa dib u dhigiddii
Nebigu (S.C.W.) nala sugayey in xaalkayaga Alle wax ka yeelo, markii uu
iyaga dhaartii ka aqbalay.
Werin kale oo xadiiska wuxuu sheegayey inuu Nabigu (S.C.W.) Tabuuk u
duuley maalin Khamiis ah, jeclaana inuu khamiisaha baxo. Xadiis kalena wuxuu
lahaa: “Safarka wuxuu ka imaan jirey nabigu maalintii, weliba barqadii,
wuxuuna ku soo hormari jirey masjidka oo inta labo rakcadood ku tukado
fariisan jirey”.
22. Abuu Nujayd Cimraan bin Xusayn (A.K.R.) wuxuu yiri: Haweeney reer
Juhayna ah baa Nebiga (S.C.W.) u timid iyadoo ilmo garac ah (Wacal ah)
uurkiisa leh oo tiri: Rasuul Alloow (S.C.W.) waxaan galay dambi ee sida
Qur’aanku dhigaayo ha layga yeelo. Nabigu (S.C.W.) markaasuu wuxuu u cid
diray waligeedii oo faray inuu wanaajiyo una keeno kadibb markii ay dhasho.
Ninkii mas’uulkeeda ahaa Sidii buu yeelay, oo wuxuu u keenay nebiga (S.C.W.)
wuxuuna amray nabigu in la dhagaxyeeyo illaa ay ka dhimato amray. Waana la
dhagaxeeyay ilaa naftii ka baxday. Dabadeedna rasuulkii Alle (S.C.W.) waa uu
ku tukadey. Cumar (A.K.R.) baa yiri: oo rasuul Alloow ma intay dhilleysatay
baad ku tukanaysaa? Rasuulkii Alle (S.C.W.) Wuxuu yiri: Haah, waxay toobad
keentay toobad keen deeqi lahaa hadii laqaybsho toddobaatan qof oo dadka
reer Madiina ah. Towbad keen tani ka wanaagsan oo ka darajo badan ma jirto,
bal eeg arrinteeda waxay dooratay inay runta sheegto iyadoo og inay nafta
sidaa ku weyneyso iyadoo Alle raalli gelintii sidaa u yeeleysa”. (Muslim)
23. Ibn Cabbaas iyo Anas ibn Maalik (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in
Nebiga (S.C.W.) yiri: “ Ina Aadane hadduu leeyahay tog dahab ah, wuxuu
jeclaan lahaa inuu labo sii yeesho, afkiisana (damaciisa) waxaa oo kaliya
buuxin kara ciidda qabriga (taasi waa markuu dhinto) Allena waa ka toobad
aqbalayaa kii toobad keena”. (Bukhaari iyo Muslim)
24. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Alle
weyne kor ahaaye, wuxuu ku qoslaa laba nin oo midkooda hore kan kale dilay
labaduna Jannada wada gali doonaan (dhimashadooda kadib) midkood oo horay
loo dilay isagoo jidka Alle u diriraaya jannadii buu galal. Markaa kadib,
Buu Alle u naxariisanayaa kii wax dilay kaa oo gali Islaamka, oo u diriri
jidka Alle oo loo dilayana (sidaana isna jannada ku galaya) (Bukhaari
iyo Muslim)