Ka Baro Diinta
Islaamka
Live online Islamic courses |
SIIRADA RASUULKA MUXAMMED SCW CUNAQABATAYNTII REER HAASHIM IYO REER MUDHALIB Odeyaashii qureysh markay arkeen in aan Nabiga SCW marna u soo dabcayn, boqortooyo iyo wax walba oo loo ballanqaadana uusan doonayn, diintiisiina ay soo xoogeysanayso, rag khatar ahna ayba raaceen, hadday sidaa ku sii socotana ay rag badan oo kale raaci doonaan, ayey ku laabteen ficilkoodii hore oo kordhiyeen dhibkii ay Nabiga SCW ay u geysanayeen gacanna ula tageen. Abii-dhaalib markuu arkay waxay qureysh samaynayso iyo go'aanka ay gaareen oo ah iney Nabiga SCW dilaan, wuxuu isugu yeeray reer Haashim iyo reer Mudhalib wuxuuna ku yiri "xaal meeshuu marayo waad aragtaan iyo in la rabo Maxammed la dilo, Maxammedna idinkuu idinka dhashay cid kale oo difaaceysaana ma jirto haddaba waa inaan difaacnaa dhammaanteen". Go'aankii Abii-dhaalib waa la qaatay oo labadaas reer waxay go'aan ku gaareen in kooda muslimka ah iyo kooda gaalka ahi ay difaacaan Nabiga SCW Abii-lahab oo diidey maahee. Qureysh markay go'aanka labadaas reer ay wadajirka u qaateen oo ah iney Nabiga SCW difaacaan waxay isugu yimaadeen shir ay arrintaa ku falanqeynayaan, ugu dambayntiina waxay soo saareen go'aan adag oo ah in cunaqabatayn lagu soo rogo labadaas reer, warqado ayeyna go'aammadii ku qoreen kuna dhejiyeen kacbada. Go'aammadaa waxaa ka mid ahaa: inaan wax laga gadan karin lagana iibin karin, inaan loo guurin karin lagana guursan karin, inaan lala macaamaloon karin lana caawin karin. Labadii reer waxay iyaguna go'aansadeen in aan loo jixinjixin arrimahaas ay qureysh soo saartay, mowqifkoodiina waxba ka beddelin, Abii-dhaalibna wuxuu go'aamiyey in la dego kayntii uu degganaa iyo in la ilaaliyo Rasuulka. Abii-dhaalibna wuxuu sameyn jirey, habeenkii Rasuulka SCW ayuu gogoshiisa ku seexin jirey, gogosha Rasuulka SCW qof kale ayuu seexin jirey. Cunaqabatayntan oo bilaabatay bilowgii sannadki 7aad ee soo diriddii Rasuulka SCW waxay socotay saddex sano ilaa laga gaaray sannadkii 10aad. Waxaa labadaas reer la soo gudboonaatay dhibaato iyo baahi aad u daran ilaa ay caleenta iyo haragga ka cuneen, dhawaqa carruurtuna uu guryahooda ka baxayey. Sannadkii 10aad horraantiisii ayey cunaqabataytii dhammaatay oo laga takhalusay. Habka looga takhalusayna wuxuu ahaa, nin la oran jirey Hishaam ibnu Camar ayaa markuu arkay dhibaatada iyo dulmiga lagu hayey reerahaasi meesha ay gaartey iyo inaan loo dulqaadan karin waxay qureysh samaynayso ayuu is xilqaamay oo u istaagay siduu arrintaa ku tirtiri lahaa, wuxuuna uu ugu horreyntii u tegey nin la oran jirey Suheyr ibnu abu Ummaya oo ay dhashay Caatika bintu Cabdimudhalib markaasuu ku yiri "waxa aan samaynayno ma wax loo dulqaadan karayo ayey kula yihiin, mase ku raalli noqotay inaad dheregto abtiyaashaa iyo habaryarahaana ay meeshaa ku gaajoodaan." Markaasuu Suheyr yiri "Anigaa nin keliyaan ahaye maxaa samayn karaa." Hishaam wuxuu yiri "Anigaa kula jira cid kalena waa raadineynaa". Wuxuu u tegey saddex nin oo kale oo arrintii ka dhaadhiciyey dabadeedna shantoodii ayaa tashaday. Subixii dambe markii kacbada la isugu yimid ayaa Suheyr intuu si fiican u soo lebbistay oo kacbada dawaafay ayuu yiri "warqaddaas xunta ah oo daallimadda ah dadkana baabi'isay bari baan ka nahay." Abii-jahal baa soo boday oo yiri "been baad sheegtay lamana baabi'inayo", shantoodii mid kale oo ka mid ah ayaa ka daba hadlay oo ku yiri Abii-jahal "adigaa ka been badan " intuusan Abii-jahal weli hadlin ayaa midkii saddexaad yiri "labadaas nin ayaa run sheegay wax kale ninkii ku jawaabaana been ayuu sheegay, kii shanaad ayaa sidoo kale u hadlay. Abii-jahal markuu arkay intaas oo nin oo iska daba hadashay oo weliba xamaasadaysa, wax kale oo ka dambeeyana uusan garanayn ayuu yiri "arrinkaan meeshaan meel aan ahayn ayaa lagu soo qaatay xalay baana loo soo dhiray" sidaa ayaa warqaddii kacbada ku dhegganayd oo qodabbadii cunaqabtayntu ay ku qornaayeen loo baabi'iyey, cunaqabatayntiina ku dhammaatay. Waqtigaasu wuxuu ahaa bishii Muxarram sannadkii 10aad marka laga soo bilaabo soo diriddii Rasuulka SCW. |
Islamic Links
|
|