Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Casharka13

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

KITAABKA SIIRADA NEBIGA MUXAMMED SCW

ISLAAMIDDII CUMAR BINU KHADHAAB

Cumar wuxuu ka mid ahaa raggii markii hore islaamka iyo muslimiinta aadka u dhibi jirey, Sannadkii lixaad ee soo diriddii Rasuulka SCW ayuu maalin soo kacay isagoo raba inuu Rasuulka SCW dilo, goor uu dhexda marayo ayaa nin ka hor yimid oo ku yiri "Cumar xaggee u socotaa?", wuxuu yiri "waxaan rabaa inaan Maxammed soo dilo, maxaa yeelay dadkii buu kala geeyey", markaasuu ku yiri "ma waxaad u malaynaysaa haddii aad disho inaad reer binu Cabdimanaaf ka nabadgelaysid, haddiise aad wax tarayso walaashaa Faadumo iyo ninkeedii Siciid way islaameene maad iyaga wax ka qabatid!". 

Cumar ayaa markaa aaday gurigii walaashii isagoo xanaaqsan, markuu gurigii irriddiisii soo marayo ayuu maqlay qur'aan la akhrinayo waxaana guriga joogey walaashiis, ninkeedii iyo Khabaab oo qur'aan u akhrinayey. Albaabka ayuu tegey oo ku garaacay, dadkii guriga ku jirey markay ogaadeen inuu Cumar yahay ayaa Khabaabna dhuuntay, gabadhiina waraaqihii qur'aanku ku yiilley xaseysey (qarisay). 

Cumar markii guriga laga furay ayuu gabadhii ku yiri "keen wixii aad akhrineyseen", markey u diideenna Siciid ayuu la dagaallamay, markaasay gabadhii difaacday ninkeedii ilaa uu iyadii dakharro gaarsiiyey. Markii la dagaallamay oo nabarro la is gaarsiiyey, la iskuna xanaaqay ayey dheheen "waxaad doonto samee annagu Ilaah ayaannu rumeyney waannuna islaamnay". Cumar markuu arkay meeshay xaaladdu marayso iyo dhibkuu reerka u geystey siiba walaashiis, ayaa naxariis qabatay, markaasuu tartiib ula hadlay oo yiri "i tus waxaad akhrineyseen", waxay dheheen "waxaad tahay nijaas ee soo qubeyso haddaad rabtid inaan ku tusno", wuu soo meyrtay markuu soo taabtayna waraaqdii ay akhrinayeen oo ay ku taallay suuratu Dhah ayey u dhiibeen. Cumar markuu suuraddii akhireyey ayuu yiri "hadalkaan waa hadal cajiib ah".  

Khabaab oo dhuumanayey ayaa markuu maqlay hadalka Cumar iyo siduu u soo dabcay ayuu soo baxay oo ku yiri "Cumarow waxaan rajaynayaa iney kugu dhacday ducadii Rasuulka SCW kolkuu lahaa "Ilaahow laba Cumar (Cumar binu Khadhaab iyo Abii-jahal) midkaad kheyr ku og tahay islaamka ku xooji". Cumar intuu durba aad isu beddelay oo Ilahay qalbigiisa hanuun ku soo riday ayuu yiri "xaggee joogaa Nabigii?", markaas ayaa loo tilmaamay meeshuu joogo. Cumar isagoon weli hubkiisii iska dhigin ayuu meeshii tegey oo ku garaacay gurigii Rasuulka SCW iyo asaxaabtiisu ay joogeen. Asxaabtii markay arkeen Cumar, ayaa la yiri "waa Cumar", markaasaa Xamsa oo muddo yar ka hor sii islaamay meeshana joogey yiri "soo daaya, hadduu wanaag u socdana waan arkaynaa, hadduu xumaan u socdana seeeftiisaan ku dileynaa'. Cumar gurigii ayuu galay, ka dibna halkaa ayuu ku soo islaamay.  

Cumar iyo Xamsa markay soo islaameen Ilaahay wuxuu muslimiintii siyaadiyey Cissi iyo xoog, xaaladdii Makkana way is beddeshay. Cumar isla markiiba wuxuu qaadey tallaabooyin wuxuuna yri "waxaan is weydiiyey ninka dadka ugu neceb islaamak markaasaan xasuustay inuu Abii-jahal yahay, markaasaan gurigiisii ugu tegey oo ku garaacay, albaabka ayuu iga furay oo i soo dhoweeyey yirina "maxaad iigu timid Cumar", waxaan ku iri "waxaan kuugu imid inaan ku ogeysiiyo inaan islaamay oo rumeeyey Alle iyo Rasuulka SCW , waxaan haysan jirneyna aan beeniyey", Abii-jahal intuu naxay ayuu yiri "waxaad la timid baa xumaaday" gurigii buuna ku cararay. Sidoo kale wuxuu Cumar yiri "waxaan is weydiiyey ninka ugu warqaadka badan reer Makka oo dadka oo dhan hadalka gaarsiin kara, waxaan xasuustay inuu yahay Sumeyn ibnu Camar al-juhani", markaasaan u tegay oo ku iri "waan islaamay " markaasuu u qeyliyey isagoo leh "Cumar ibnu Khadhaab waa iishay" Cumarna wa ka daba hadlay isagoo leh "ma iilane waan islaamay". 

Waxaa kale oo Cumar sameeyey markuu islaamay ayuu Rasuulka SCW ku yiri "Rasuulkii allow sow xaq kuma taagnin, waa inaan baxnaa oo dhammaanteen aan kacbada ku soo tukannaa", Rasuulkuna SCW waa ka yeelay, markaasaa waxaa soo baxay asxaabtii oo laba saf ah oo safna Cumar ku jiro safna Xamsa. Qureysh talo ayaa ku caddaatay waxayna ka caroodeen waxyaalaha uu Cumar sameeyey, waxay markaa ku tashadeen ineyba dilaan hase yeeshee waxaa arrintaa is hor taagay Cumarna gaarsiiyey Caas ibnu Waa'il.  

Allaah wuxuu u soo hooyey dadkii muslimiiinta ahaa cissi waxayna bilaabeen in waxyaalo badan oo ay la dhuuman jireen ay bannaanka soo dhigaan siduu Bukhaari ka weriyey Cabdullaahi ibnu Mascuud inuu yiri "kama aannaan suulin cissi intuu Cumar islaamay".

Back Home Next

admin@alimuse.com

Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:21