Ka Baro Diinta
Islaamka
Live online Islamic courses |
Sabarka iyo Adkeysiga Alle kor ahaaye wuxuu yiri: (يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ اصْبِرُواْ وَصَابِرُواْ وَرَابِطُواْ وَاتَّقُواْ اللّهَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ) 7. Kuwa xaqa rumeeyoow sabra, oo sabarka ku tartama, oo heegan ahaada iyo kuwo adkeysi badan, xilka Alle idin saarayna dhowra aad liibaantaane”. Suurada aali Cimraan:Aayada 200. Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: (وَلَنَبْلُوَنَّكُمْ بِشَيْءٍ مِّنَ الْخَوفْ وَالْجُوعِ وَنَقْصٍ مِّنَ الأَمَوَالِ وَالأنفُسِ وَالثَّمَرَاتِ وَبَشِّرِ الصَّابِرِينَ) 8. “ Waxaan idinku imtaxaani doonaa wax cabsi la yiraahdo iyo gaajo iyo nusqaan naf iyo maal iyo miroba leh, ee sabrayaasha u bishaaree.” Suuradda al-Baqarah:Aayada 155. Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: (إِنَّمَا يُوَفَّى الصَّابِرُونَ أَجْرَهُم بِغَيْرِ حِسَابٍ) 9. “Sabrayaasha waxaa la siin ujuuradooda xisaab la’aan.”Suuradda az-Zumar:Aayadda 10. Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: (وَلَمَن صَبَرَ وَغَفَرَ إِنَّ ذَلِكَ لَمِنْ عَزْمِ الْأُمُورِ) 10. “Kii sabra oo iska cafiya, taasaa arrimaha tooda la go’aansado ah”. Suuradda ash-Shuuraa:Aayadda 43. Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: (يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ اسْتَعِينُواْ بِالصَّبْرِ وَالصَّلاَةِ إِنَّ اللّهَ مَعَ الصَّابِرِينَ) 11. “Kuwa xaqa rumeeyoow! kaalmaysta Samirka iyo Salaadda. Alle wuxuu la jiraa kuwa Samree”. Suuradda al-Baqarah:Aayada 153. Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: (وَلَنَبْلُوَنَّكُمْ حَتَّى نَعْلَمَ الْمُجَاهِدِينَ مِنكُمْ وَالصَّابِرِينَ وَنَبْلُوَ أَخْبَارَكُمْ) 12. “Waa idin imtixaanaynaa jeer aan soo saarno kuwiinna jihaadaya iyo kuwa sabraya”. Suuradda Muxammad:Aayada 31. Waxaa jira Aayado badan oo ka hadlaaya wanaaga sabarka iyo ajarkiisa iyo inay isfaraan muslimiintu. 25. Abuu Maalik Xaaris ibn Caasim al-Ashcari (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Daahirnimadu (naddaafadu) waxay u dhigantaa imaanka barkiis. Inaad tiraahdo’ Alxamdu Lillaah’ oo macnaheedu yahay (ammaan iyo mahad oo dhan Alle baa leh) waxay ka qayb qaadataa miisaanka camalka qofka inuu cuslaado; ku dhawaaqidda’ Subxaanal-laah (Alle baa ceeb iyo nusqaan ka hufan oo kaamil ah) iyo Alxamdu Lilaah (Ammaan oo idil waxaa leh Alle) baa ku filan inay buuxiyaan cirarka iyo dhulka inta u dhexeysa (ookhayr iyo barako ka buuxiyaan). Salaadduna waa nuur, sadaqaduna waa cadeyn (muujineysa iimaanka qofka) in aad sabartana waa wax wanaagsan sida iftiinka, Qur’aankauna waa kuu xujo. Qof kasta wuxuu subaxa ugu baryaa isagoo u diyaar ah inuu naftiisa iib geeyo markaasay noqdaan mid soo xoreeya, iyo mid soo halliga”. (Muslim) Firo gaar ah: Waagu markuu baryaba qofku wuxuu ku mashquuli maalintiisaasi shaqooyinkeeda hadii uu xusuusnaado Alle oo labadiisa indhood hor dhigo maalinta qiyaame markuu wax qabanayaba, oo xumaha ka dhowrsado, samahana u dheereeyo. Markaa wuxuu ka xoreynayaa cadaabta maalintaa; haddii uu ka doortana danahiisa adduunka (iyo kasabkeeda) tan aakhiro, markaa waa shaki li’I kan khasaaray ee nafti haligga ah. 26. Abuu Saciid Sacad bin Maalik bin Sinaan al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yiri: Dad ka mid ah ansaarta baa waxay ka codsadeen Nebiga (S.C.W.) inuu wax siiyo, wuuna siiyey; haddana way weydiisteen mar labaad wuuna siiyey jeer ay ka dhamaadeen wixii uu hayey. Dabadeedna wuxuu yiri nabigu: Hadii aan wax hayoba, kama labo laabaynayo inaan idin siiyo. Ogaadase: Qofkii isdhawraba Allaa dhawra; qofkii isdeeqtoonsiiyana Alle waa deeqtoonsiiyaa, qofkii sabrana Alle waa sabarsiiyaa. Qofnana lama siin gallad ka wanaagsan oo ka khayr badan sabarka iyo isu dhiibidda Alle’. (Bukhaari iyo Muslim) 27. Abuu Yaxyaa Suhayb ibn Sinaan (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “ Arrinta qofka mu’minka ahi waa wax wanaagsan oo la yaab leh. Waa u kheyr wax waliba. Sifada iyo tilmaantaana waxaa iska leh mu’minka oo keliya cid kalena lama wadaagto. Hadii uu helo wax wanaagsan’ wuxuu ku shukriyaa Alle taana waa u kheyr; haddii ay dhibaato la soo gudboonaatona waa sabraa, qaddarka iyo qadaha Allena raalli ka noqdaa, taasina sidoo kale waa u khayr”. (Muslim) 28. Anas (A.K.R.) Wuxuu yiri: Markuu xanuunka nabiga (S.C.W.) ku batay oo uu gaaray heer uu mar la miyir beelo. Faadumo (A.K.R.) waxay kor u tiri: Aah, Daranaa xanuunka haya aabahay. Aabihii sharafta iyo darajada badnaa wuxuu ku yiri: Dhibaato kale ma arkaayo aabahaa manta dabadeed. Markii uu dhintay bay waxay tiri: Aah, aabahay! Wuxu maqlay yeeritaanka Rabigii; Aah’ aabbow! Waxaynu u sheegeynaa malag Jabriil geeridaada. Markii qabriga la dhigayna waxay tiri: Sidee bay naftiinnu idiin siisay inaad rasuulkii Alle ciid ku rogtaan (macnaha aastaan)? (Bukhaari) 29. Usaamah bin Zayd bin Xaarisah (A.K.R.) oo ahaa addoon nebigu xoreeyey saxaabi uu aad u jeclaa rasuulku (S.C.W.) baa wuxuu yiri Usaamah: gabadh uu dahalay nebiga (S.C.W.) baa u soo cid dirsatay nabiga wiilkeedii oo sakaraad ahaa oo dhimasho ku dhow darteed. Wuxuu u diray nabigu gabadhiisaas salaam iyo fariin ah: ‘Alle isagaa leh wixii uu bixiyo oo galad ah, isagaana leh wixii uu qaato. Wax walbaana muddo go’an bay u leeyihiin. Ee u sheeg inay u sabarto (qaddarka Alle) rajeysana naxariista iyo ajarkiisa? Mar labaad bay u soo cid dirtay iyadoo ku adkaynaysa ( oo ku baryyesa wejiga Alle) inuu u yimaado. Markaa buu kacay oo aaday gurigeeda isagoo ay weheliyaan Sacad ibn Cubaadah (A.K.R.) Mucaad ibn Jabal (a.k.r.) Ubayya ibn Kacab (A.K.R.) Zayd bin Thaabit (A.K.R.) iyo rag kale. Markii uu gaaray halkii ay joogeen, baa wiilkii yaraa loo dhiibay nebiga (S.C.W.) Wuxuuna saaray dhabtiisa, Markuu arkay nafta oo ka sii gurmaysa iyo siduu sakaraad u yahay wiilku, waxay indhahii nabigu (S.C.W.) bilaabeen inay sii daayaan ilmo. Markaasuu yiri Sacad (A.K.R.) Nebi Alloow waa maxay waxakani? Nabigu (S.C.W.) wuxuu ku jawaabay: “waa naxariis Alle geliyey quluubta addoomahiisa” werin kalena waxay oraneysaa: (qulluubta ciddii oo doono oo addoommahiisa ka mida) Allena wuxuu u naxariista addoomahiisa kuwa naxariista leh.’) (Bukhaari iyo Muslim)
Cutubkani wali muu dhamaan ee lasoco qaybaha dambe hadii Eebe idmo.
|
Islamic Links
|
|