Ka Baro Diinta
Islaamka
Live online Islamic courses |
Sideebay Gudida Shuuradu u Dooranayaan Hogaamiyaha Cusub? Waxaa jira afar shardi oo ay waajib tahay in la helo si ay gudida shuuradu si sharciya u doortaan hogaanka cusub.
Culimada qaarbaa aaminsan beecada waxaa lagali kara laba markhaati oo qudha halka kuwa kalena aaminsan yihiin ilaa marka khaliifka la dooranaayo waa in arrintu noqoto wax umada oo dhami wada ogtahay. Marka gudida shuuradu u codeeynayaan khaliifka waa inay ka soo doortaan musharaxiinta mid ka mida. Gudidu shaqsiga ay soo doortaan ee iyagu isla gartaan inuu hogaamiye noqon karo, daliil cadna u hayaan inuu shuruudihii laga rabay buuxiyey waxa waajib ah in la adeeco oo anay jirin wax diidmo ah oo lagaga soo horjeedo. Hadaba waxaa jirta in culimada islaamku ay fikrado kala duwan ka qabaan tirada loo baahan yahay Majlisu Ashuura ee ka soo dooran karta Hogaamiyaha cusub musharaxiinta dhexdooda.
Doorashada Khaliifka oo Xoog Loo Isticmaalo Habka kale ee hogaamiyaha islaamka lagu dooran karaa waa in xoog la isticmaalo. In badan oo culimada islaamka ka mid ahi waxay leeyihiin: Hadii uu marka horeba jiro qof maamulka gacanta ku haya waa in la aqbalo madaxnimadiisa oo aan xoog lagu isticmaalin si looga hortago dhiig daata, mar hadii uu masuuliyada u hayo sida khaliifada umada muslimka ah oo kale. Micnaha uu umada ku maamulaayo Qur’aanka iyo Sunada Rasuulka SCW.
Sidaad aragto dhamaan culimada islaamku waxay isku raacsanyihiin inay wax reeban oo madnuuca tahay in xoog lagu qabsado oo xilka lagaga wareejiyo khaliifada islaamka ee talada umada haya kol hadii uu masuuliyada iyo waajibka saaran gudanaayo. Culimada xaga sare ku xusani waxay daliil u soo qaadanayaan oo u cugsanayaan figradahooda axaadiistan:.
Khilaafida iyo Ridida Khilaafada Islaamka Inbadan oo culimada islaamka ka mid ah ayaa ka rayi bixiyey marka la ogolyahay ama ay banaan tahay in hogaamiyaha islaamka la khilaafi karo ama la ridi karo oo xilka laga xayuubinaayo. Khilaafida ama xilka qaadida khaliifada islaamka oo caadiyan ah wax madnuuc ah mar hadii hogaamiyaha islaamku xilkiisa ka soo baxaayo oo sharciga islaamka oo khaasa wax ku maamulaayo waxna ku xukumaayo.
Hadaba waxa lagaga hor imanaayo khaliifka muslimiinta ama lagula dagaalamayaa waa inay noqoto xaalad halisa, oo uu si toosa uga baydhay jidkii toosnaa ee Rasuulkii Alle (S.C.W.) umadan u jideeyey kaas oo ah Qur’aanka iyo Sunada. Haduu falal kaafirnimo ah la yimaado sida:. Salaada iyo Soonka uu ka tago, Qur’aanka iyo Sunada oo uu wax gaboobay oo aan dunidan casriga la jaanqaadeyn ku sheego waxyaalahaas oo dhami waa calaamadaha muujinaaya inuu dambi weyn oo kaafirnimo ah la yimid marka laga hadlaayo khilaafada islaamka dhexdeeda. Xaaladaha noocan oo kale ah haduu khaliifka ama madaxa dalka islaamka ahi layimaado, inagoo hadalkeena dulucdiisuna tahay waxa laga yeelaayo madaxda hada ka jirta wadamada islaamka oo dhan. Marka hore waxaa haboon bay culimada islaamku leeyihiin in loo digo waliba siyar oo qaboow oo aan xamaasad iyo dagaal midna ku jirin. Hadaba marka hogaamiyaha umadu aanu ahayn kaafir ee laakiin u yahay mid xumaan, dulmi, dagaal iyo gardarro jecel, tusaalo ahaan mararka qaarkood dhulka iyo hantida guud ee umada cadaalad daro ku qaadanaaya dadku xaqbay u leeyihiin inay ku qayliyaan oo ka xumaadaan cadaalad daradiisa laakiin waa inaanay wax gacan ah kor u qaadin iyagoo ka hor tagaaya dhiiga muslimka oo dhulka lagu daadiyo. Waxaa la gudboon inay samraan, cibaadada badiyaan oo ilaahay baryaan oo inuu cadaalad iyo xuquuqdooda siiyo uguna badalo khaliifa caadila. Yaa Awooda Xilkaqaadista Hogaamiyaha Xun Leh? Marka umada Islaamka ah hogaamiye xumi madax u noqdo hadii ay islaamka oo dhan tahay iyo hadii ay wadan qudha tahayba, waxaa loo baahan yahay in Majlisu Ashuuraa noqdo golihii umada oo dhan matalaayey cod koodana hayay. Markaas waa in Majlisu ashuuraa uu amro inuu xilka ka dago iyagoo marka hore uga digaaya dambiyadiisa inuu joojiyo haduu diidana waa inay ku qasbaan inuu xilka ka dago. Hadii aanu jirin majlisu ashuuraa sida xaaladu maanta tahay oo kale, waxaa waajib ku ah dadka shicibka ah inay magacaabaan cidii samayn lahayd Majlisu ashuuraa. Cidaasina waa inay magacaabaan Majlisu Ashuuraa , ilaa masjlisu shuuraa la sameeyo majirto cid loo ogolyahay inay la dagaalanto ama mudaharaadyo samayso waayo! Hogaamiye daalina ma fududa xaalkiisu mana suurowdo inuu aayar iskaga dago waana xaalad keeni karta inuu dhiig badani qubto. Mawduucan culimada islaamku aad bay uga hadleen oo u sharaxeen. · Al-Juwayni wuxuu qoray: Hadii khaliifka umada islaamku uu talaabooyin xun-xun ku dhaqmo oo aan caadi ahayn waa inaanay umadu marnaba u ogolaanin in shakhsi ama koox gaar ahi isyidhaahdaan wax ka qabta waayo! Arrinta noocan ahi waxay umada u hogaaminaysaa boqor tooyo iyo qabiilaysi jaahilnimo ah. Waxaa waajiba in talaabo kasta oo la qaadaayo ay ka fusho Majlisu ashuuraa. · Al-Mindaad wuxuu aaminsan yahay: Qof dulmi ku dhaqma ma noqon karo Khaliifa, Xaakiim, Imaamka Salaada dadka tujiya iyo markhaati midna. Markaas hadii uu hogaamiye dulmi ku socda uu xilka hayo waa in Majlisu Ashuura xilka ka qaado oo qof ku haboon u dhiibo. · Ash-Shahastani isna wuxuu qabaa: Madaxa Umada Islaamka ahi aad buu muhiim u yahay, markaas lacala hadii uu khilaaf dhex maro isaga iyo dadka, waa inaanu shakhsi qudhi isku dayin inuu kalidii wax ka qabto khilaafka ama anuu abuurin mudaharaad iyo wax kasta oo xaalada sii murgin kara. Dadka Islaamka ah waa in wax walba sii maraan majlisu ashuuraa, · Al-Ash'ari wuxuu yidhi: Fidnadii u horeysay ee muslimiinta ku timaada Geeridii Rasuulka (S.C.W.) kadib waxay ka kacday Khalifa cidii noqon lahayd. Markaas waa in mar walba laga taxadiro arintyaas. · Ibn Taymiya wuxuu qoray: Hogaamiyaha Dulmiilaha ah waa inaan markiiba lala dagaalamin ee waa in loo daayo arinta Majlisu ashuura waxay go’aamiyaana lagu dhaqo. · An-Nawawi wuxuu qoray: Madaxa umadu hadii u la yimaado dambiyo xun-xun iyo dulmi waxaa waajib ah in Majlisu ashuura markiiba xilka ka qaadaan. Laakiin hadii xilka qaadista Madaxa (khalifa) ay keenayso in dhiig badan ay Muslimiinta dhexdeedu iska daadinayaan waa in aan laladagaalamin, waayo! Madax xun oo ku haysta waxaa ka daran muslimiinta oo is dila dhiigna iska daadiya. Umada waxaa la gudboon inay tab iyo xeelad kale layimaadaan oo aanay dhiig iskaga qubayn dhexdoodu. · Ghazali wuxuu aamin sanyahay: Madaxweynaha xun xil ka qaadistiisu hadii ay keenayso dhimasho badan oo muslimiinta dhexdooda ahi waa in aan lala dagaalamin ee loo dulqaato iyadoo laga hortagaayo muslmiinta oo dhiig iska daadsha dhexdooda. Majlisu Ashuura waa inay digniin siiyaan Hogaamiyaha Umada marka hore, markaas hadii uu digniintaas waxba ku qaadan waayo waa in umadu qiimayn ku sameeyaan dhibaatada kaga imanaysa ladagaalankiisa iyo faa’iidada ku jirta, iyagoo ka cararaaya dulmi. Hadii khasaaraha iyo dhimashadu badato waa in layska daayo ee farsamo kale looga wareego, loona dulqaato dulmigiisa. Xilka Qaadista Madaxa Umada Majlisu Ashuuraa ayaa leh awooda xilka qaadista madaxa umada waa marka uu xilkiisa ka soo bixi waayo ama uu ka leexdo dariiqa Islaamka (Quraanka iyo Sunaha). Marka hore waa inay talo wanaagsan siiyaan oo u sheegaan inuu joojiyo dulmiga iyo wixii dhibaato ah ee uu umada ku hayo dariiqa xaqaana ku tooso. Hadii uu markaas diido hadana waa inay digniin kama dambaysa siiyaan, hadii uu waxba iska badali waayo oo iska dhago tiro waa in Majlisu Ashuuraa u sheegaan inuu xilka ka dago si bilaa shuruuda oo aan dhib lahayn. Hogaamiyuhu hadii uu diido inuu xilka ka dago ama uu isku dayo inuu xoog ku haysto umada isagoo isticmaalaaya askarta iyo ciidamada xooga, markaas Shicibka Muslimka ah waxaa la gudboon seddex arrimood inay mid yeelaan:. 1. In lala dagaalamo oo xoog wax lagaga qabto sida culimada qaar qabaan. 2. In layska samro oo layska daayo si looga hortago dhiiga muslimiinta ee daadanaaya ama sababaaya muslimiin iyagu isdila. Figradani waa mida ugu adag ee Culimada islaamka iyo Ehlu Cilmiga axaadiista badidoodu isku raacsanyihiin sida: Maaliki, Ashaafici iyo Axmed binu Xambal. 3. In xaalada qiimayn lagu sameeyo oo laysku miisaamo qaladaadka uu samaynaayo madaxa umadu iyo mushkilada ka iman karta xilka qaadistiisa maraka la eego (sida culimada qaar kamidii qabaan) Su’aasha iswaydiinta u baahani waxaa weeye: Goorma ayey tahay in umadu la dagaalanto Hogaamiyaha xun ee dulmiga layimaada ama wax aan diinta islaamku ogalayn? Dhamaan culimada Islaamku way isku raacsanyihiin inay waajib tahay in lala dagaalamo qofka umada u madaxdaa hadii uu bilaabo inuu badalo sharciga islaamka cadaystana arintaa, sharciga islaamka oo uu ka baydho una arko wax gaboobay oo aan dunidan casrigaa la jaan qadayn ayaa ah waxa muujinaaya inuu yahay kaafir aan rumaysnay diinta islaamka si dhaba. Xataa shaqsi kasta oo islaam ahi hadii uu qawado Quraanka iyo Sunada Rasuulka (s.c.w.) oo ka doorto wax kale sida dimuqraadiyada iyo iwm waa kaafir ka baxay diinta islaamka. Culimada qaarbaa leh waa in lala dagaalamo khalifada xataa hadii uu noqdo faasiq tusaalo ahaan: wuu aamin sanyahay salaada in la tukado laakiin uu ka tago oo aanu tukan, waliba culimada qaarbaa qaba hadii qofku uu ka tago salaada waa kaafir sida imaam Shaafici oo kale. Marka la eego sababaha qofka islaamka ah diinta lagaga saaraayo xaga madaxtinimada culimada Islaamku arrintan labo qaybood ayay ku kala yihiin.
Allaahu Aclam Ilaahay baan dambi dhaaf ka dalbaynaa wixii qalada ee naga dhaca. Qore: Cali Muuse Jaamac
|
Islamic Links
|
|