Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Isgaadhsiints

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

ISGAADHSIINTA

Hababka ilma aadamku uwada hadlo

Isgaadhsiintu waxa weeye waxa ilma aadamka iyo xaywaankuba isku af gartaan, waanay badan tahay nocyada loo isticmaalo, ma aha oo kaliya hadal afka laga yidhaahdo ee habab badan oo kala duwan ayaa laysku fahmaa layskuna afgartaa. waxanay noqotay wakhtiyadan danbe wax maalin walba sii kordhaysa oo nooc cusub oon hore loo aqooni soo baxaayo

.

Qaybaha isgaadhsiintu ka koobantay:

1.Hadal toosa

2.Farra ku hadal

3.Qoraal

4.Dhawaaq

5. Isgaadhsiin aan hadal afka layska yidhaahdo ahayn

Hadaba Marka lawada xidhiidhayo waxa jira afar wax oo isgaadhsiinta muhiim u ah, waxana weeye: Dire, Hele, Fasire, Jawaabcelin. Diruhu marka uu fariinta diro noockastba ha ku gudbiye waxa uu ubaaahanyay in uu helo jawaab celin (feedback) taas oo u cadaynaysa in fariintisii lahelay iyo in kale, isaga oo u gudbinkara fariinta nocyada kala duwan ee tusaalo ahaan: Hadal uu qofka hortiisa ka yidhaado, teleefan, qoraal, boosto, farra kuhadal ama seenyalayn, farraha iwm. Markaas runtii qofku hadaanu ogaan in fariintisii lahelay kama warwer baxaayo ilaa uu ogaado in lafahmay waxii uu qofka kale ugudbiyay. Helehuna waxa uu isticmaalaya wax layidhaahdo fasire oo ah hadba nooca uu fariinta utimid u fahmo, hadii anay fariintu Qayaxnay (cadayn) waxa dhici karta inuu si qaldan u fahmo oo aan ahayn noocay ahayd.

 

Waxyaabaha Fariinta xanibi kara

1.Dhibaato Luuqada ah ( Language problem)

2. Codka oo hoos loo dhigo

3. Xannuunka

4. Isdhagaysi la'aan ( iyada oo labada qof hadalka marwada bilaaban isna dhageysan)

5. Khamro ama ddaroogo qofku isticmaalo

6.Qiirrada ( qofka oo qiiro kujirto oo mashquulsan)

7. Buuqa (Dabayl, Mashiino iwm)

Isgaadhsiinta waxa lagu cabiray inaytahay kalmad 7% Dhawaaq 38% Aan hadal caadiya ahayn 55% Waana xisaab ka timid Reer yurubka.

 

Sidaas daraadeed waxa aynu fahanay inay luuqada lagu wada hadlaa muhiimada isfahanka tahay kala duwan tahayna qaababka loo isticmaala. Boqalkii 75% na waxa khilaafka iyo dagaalku ka dhasha isfahan la'aan ay qolaba siqaldan hadlka u qaadato iyo iyada oo xaga xun looqaato hadalka, inta badana waxa dhacda marka aan ujeedada lacadayn tuhun iyo xaga xun wax ka eeg innuu yimaado.

Isgaadhsiinta hadii aynu sikale u micnayno waxa weeye hadalka aad ku hadlayso marka aad dadka la hadlaysid ama aad sheekaynayso, siyaabo kala duwana waad u gudbin karta hadalkaaga tusaalo ahaan taleefan, qoraal, seeyaalayn, farraha, indhaha iwm. Marka aad lakulanto qof aanad aqoon hore u lahayn danina isku kiin keentay sida guurka ama wax kale oo muhiima cid garanaysa oo aad wax ka waydiisana meesha joogin habka kaliya ee aad wax kaga ogaan karta waxa weeye inaad qiimayn ku samaynso hadalkiisa kaas oo aad si fudud uga garankarto qaabka uu ufikiraaayo, shakhsiyadiisa, waxa uu jecelyahay ama ku wayn waxa uu diidanyahay iyo tariikhdiisa iyo xaga uu ka yimid, marka aad intaas heshana go'aan baad ka gaadhikarta waxa aad ka damac santahay inuu yahay qof aad aamini karto ama anu ahayn.

Saaxiibtinimada

Hadii 3 qof ay meel iskugu yimaadan oo aan hore isku aqoon sida meelaha shaqada oo akale deedna laba had iyo jeer si xiiso leh u sheekaystaan kan kalana dhinac uun shaqada ka galo marka nusasaacahana (Break time) meel gaara fadhiisto halka labada kale meel wada fadhiistan waxna wada cunaan iyagoo sheeko macaan wata shaqadana ay jecelyihiin inay meel kawada shaqeeyaan, arintaasi ma'aha in kan gooni socodkii dabeecad xun yahay oo anu dadka lasocon karin ee waxa weeye qaabka isgaadhsiinta oo ay ku kala duwan yihiin oo kan gooni socodkii anu xiisayn waxa ay ka hadlayaan amaba hadalkooda sikale u qaato oo aan ahayn siday u jeedan gaaar ahaan marka ay kaftamayaan, labadan kalana had iyo jeer sifiican isku fahmaan isku waxna ka wada sheekeyaan isku qaabna u fikirayaan. sidaas daraadeed ayay dadku ugu kala duwanyihiin xaga aragtida, mabaadida, fahanka, figradaha intaba deedna daka kolba intii isku figradii ay isku fahamaan isku sina u dhaqmaan

 


For More Information Contact:

Alimuse.com

Internet: admin@alimuse.com

 

Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:16