Home Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Xadiiss

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home

Dhawrista Sunnada iyo Habkeeda

Alle Subxaanahu Watacaalaa wuxuu yiri:

1.“ Wixii uu Rasuulku idin siiyo ama idin faro qaata, wixii uu idinka reebana ka hadha, Alle na  waa in laga dhowrsado, maxaa yeelay Ciqaabtiisu waa darantahay”. (Suurada Al-Xashar:Aayada:7).

 Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:

2. “ Hawadiisa ku hadli maayo ee waa waxyi loo waxyoodey”. (Suurada An-Najam:Aayada:3-4).

 Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:

3.“ Ku dheh (Muxammadow S.C.W., dadka) hadii aad Alle jeceshihiin I soo raaca: Alle wuu idiin jeclaan oo idiin dembi dhaafiye”. (Suurada Al-Cimraan:Aayada:31).

 Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:

4.“ Rasuulka Alle ku dayasho wanaagsan baa idiinku sugnaatay, waa qofkii ay ku weyn yihiin Alle iyo maalinta Aakhiro, Eebana xusa in badan”. (Suurada Al-Axsaab:Aayada:21).

 Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:

5. “ Waa igu Rabbigaaye rumayn maayaan jeer ay kuugu yimaadaan xugminta wixii ay isku qabtaan, dabadeedna wixii aad go’aamiso ku qancaan oyan wax dhibsi iyo culeys ah iska dareemin, hoggaansamidna u hoggaansamaan wixii aad go’aamiso”. (Suurada An-Nisaa:Aayada:65).

 Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:

6.“Kuwa Xaqa Rumeeyow Adeeca Ilaahay oo Adeeca Rasuulka iyo kuwa Amarka leh, oo idinka mid ah. Hadii aad ku doodaan Arrin (wax isku qabataan) Ula noqda Alle iyo Rasuulkiisa (yacni u bandhiga Qur’aanka iyo sunnada), haddaad tihiin kuwo Rumeeyey Alle iyo Maalinta Aakhiro (Qiyaamada), sidaasbana khayr roon oo wanaag badan Xagga Abaalmarinta”. (Suurada An-Nisaa:Aayada:59).

 Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:

7.“ Qofkii Rasuulka Adeecaa wuxuu Dhab u Addeecay Alle, Qofkii jeedsadana kuugu maanaan dirin Ilaaliye ”. (Suurada An-Nisaa:Aayada:80).

 Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:

 

8.“ Adiguna Nabiyoow (Muxammadow S.C.W.) Waxaad wax ku hanuuninaysaa Jid toosan”. (Suurada Ash-Shuuraa:Aayada:53).

 Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:

 

9.“ Ha iska jireen kuwa amarkiisa khilaafaya inay fidmo, ama cadaab xanuun badani ku dhacdo”. (Suurada An-Nuur:Aayada:63).

 Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:

10.“ Jooga guryihiinna (dumarka muslimka ahoow, oo waxaan dan weyn ahayn ha u bixina) oo ha u muujinnina quruxda iyo bilicdiinna ( intii la banneeyey inaad u muujin kartaan maahee) oo ha ku dayannina dumarka jaahilka ah ee jirkooda u muujiya ( ragga gayaankooda ah ), Daa’imana dumarka muslimka ahoow oogida salaadda oo bixiya sakada, addeecana oo maqla Alle iyo rasuulkiisa oo waxay idin fareen maqla, waxay idinka reebeenna ka reebtooma, xusana oo barta waxa guryihiinna Aayado Alle iyo xigmad lagu akhriyaayo.Ilaahayna waa wax walba oge Xeeldheer”. (Suurada:Al-Axaab;Aayada:34).

1. Abu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “ Ha igu dhibina weydiimo la xiriira waxyaalo aan ka hadlin,maxaa yeelay umadihii idinka horeeyey waxaa rogay su’aal badnidoodii(iyo weydiintoodii weydiimo badan oo aan loo baahnayn, bar faa’iido ahna lagu arag)  iyo ku dhiiranaantoodii inay khilaafaan nebiyadoodii. Sidaa awgeed wixii aan idinka reebo ka fogaada, wixii aan idin farana fuliya intii karaankin ah”. (Bukhaari iyo Muslim)

2. Abuu Najiix Cirbaad bin Saariyah (A.K.R.) wuxuu yiri: “ Nebigaa (S.C.W.) wuxuu na wacdiyey wacdi ilmo naga keenay oo cabsi gelisay qalbiyadeenna. Waxaan ku niri waxaad mooddaa wacdigan inuu yahay dardaarankii u dambeeyey, ee noo dardaaran waxabadan oo wanaag iyo waano ah. Markaas buu wuxuu yiri: Waxaan idinkula dardaarmayaa cabsida Alle iyo ( dhowrista xilalka iyo waxyaalaha uu indinku waajibiyey iyo ka fogaanshaha wuxuu idinka reebay) iyo is maqal iyo is addeecid xitaa hadii addoon madax la iddiinkaga dhigo. Tankale qofkiinnii sii noolaadaa wuxuu arki doonaa iskhilaaf tira badan ee waxaan idinku ogahay sunnadayda iyo sunnada hogaamiyeyaasha hanuunsan ( Abuubalar, Cumar, Cusmaan iyo Cali), gows dambeedyada ku qabsada, arrimaha gadaal ka imaadka ahna (ee bidcada diinta lagu kordhiyo ama laga nusqaamiyo ah) iska jira, maxaa yeelay bidca kastaa baadi bay salka ku heysaa oo ay kugu hogaamin”. ( Abuu Daawuud iyo Tirmidi oo yiri: waa xadiis xasan saxiix ah)

3. Abuu Hurayrah (A.KR.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “ Ummadeyda jannaday wada gelaysaa kuwii igu tacadiya maahee oo diida jannada. Waxaa la weydiiyey: Rasuulkii Alloow (S.C.W.) oo waa kuwee kuwaasu? Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu ku jawaabay: Qofkii I adeecaa jannaduu geli doonaa, qofkii caasi igu noqdaana waa qof taxaddi igu sameeyey oo janada ma gali doono.      (Bukhaari)

4. Nucmaan bin Bashiir (A.K.R.) wuxuu yiri: "Waxaan maqlay nebiga (S.C.W.) oo leh: Waa inaad toosisaan oo sintaan safafka (kolka salaadda) haddii aydaan sidaa yeelinna Alle dhexdiinna coolaad iyo khilaaf buu dhigayaa ( macnaha taa waxay idinka dhex abuureysaa cadaawad iyo khilaaf". (Bukhaasri iyo Muslim)

Werin kalena oo Muslim dhigayo waxay ahayd Nabigu (S.C.W.) safafkuu simi jirey sidii isagoo isku cabiray. Sidaa buuna yeeli jiray jeerou arakay inan garowsannay fahamnayna ahmiyadda iyo qiimaheeda. Maalin buu wuxuu yimid masjidka si uu inoo tujiyo, isagoo ku dhawaaqi raba takbiiratdii ixraamka ee salaadda lagu galo buu wuxuu arkay nin laabtiisu soo baxsan tahay, markaa buu yiri isagoo arrintaa ka hadlaaya: Addoomma Alloow, safafka sinta oo toosiya, haddii kale Alle wuxuu abuuri colaad iyo khilaaf dhexdiina". (Muslim)

161. Abuu Muusaa (A.K.R.) wuxuu yirir: Guri baa habeen madiina gubtay, dadkii lahaana ku gubteen. Markii dhacdadaas loo sheegay Nebiga (S.C.W.) wuxuu yiri: "Dabku waa cadowgiina ee marka aad seexanaysaan iska bakhtiiya".
(Bukhaari iyo Muslim)

5. Abuu Muusaa wuxuu kaloo yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Hanuunka iyo Cilmiga Alle ii soo dhiibay (si aad ileys iyo iftiin uga heshaan oo jahligu idinku daayo) waxay lamid yihiin, Roob ku da'ay dhul meel fiican tahay oo biyaha cabbeyso oo naq doog ah ka soo baxayaan; meelna adag tahay oo biyaha celinayso oo Alle dadka ku anfacaayo oo ay ka cabbayaan, beerahana ku waraabsanayaan. Biyaha roobkaas oo sidoo kale gaaray meel kale oo gabaahiir ah aan biyana celinayn baadna ka soo baxayn. Sidaas waxaa la mataal ah: Qof diinta Alle fahmay oo intifaacsaday waxa Alle iigu soo dhiibay (dadka) iyo kuwa bartay oo qaaruun kale sii baray. Tusaalaha dambena waa sida qofka aan u soo jeedsan, barana xikmadda iyo sunnadeyda, aan sidoo kalena aqbalin hanuunka Alle iigu soo dhiibay.'
(Bukhaari iyo Muslim)

6. Jaabir (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: " Aniga iyo idinku waxaan la metal nahay nin intuu dab shitay; ay markaas balanbaalistii iyo cayayaankii bilaabeen inay ku soo ordaan kuna soo daataan dabka, isaguna ninkii dabka shitay ka celinaayo. Anigu ninkaa baan la mid ahay waxaan isku dayaaya inaan guntiga idin qabto ( si aan idiinka badbaadiyo ) naar, idinkuna waad ka fakaneysaan gacanteyda".
(Muslim)

7. Jaabir (A.K.R.) wuxuu kaloo yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu amray muslimiinta in faraha la leefo, la nadiifiyana weelasha ( marka raashinka laga cuno kadib) wuxuuna yiri:" Ma garan kartaan qaybtee baa cunnadu barakadu ku jirtaa". (Muslim)
 

Allaahu Aclam

Lasoco Mawducyada dambe hadii Eebe Yidhaahdo.

Who's Online Now:

Home

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:12