Home Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Saddeda Asal

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home

kitaabka Usuulu thalaathah

الأصول الثلاثة وأدلتهاباللغة الصومالية

Ogow Alle hakuu naxariistee in ay korkeena ku waajibayso in aan baranno afar arrimood:

Cilmiga, oo ah barashada Alle, barashada Nabigiisa, iyo barashada diinta islaamka iyo adiladeeda.

Cilmigaas aan barannay in aan ku camal falno.

Iyo in aad dadka ugu yeerto.

Iyo in lagu sabro dhibka kaa soo gaaraya. waxaa daliil u ah hadalka Alle:

 

oo uu macnihiisu yahay: " Casarka ayaan ku dhaartay, dadkii qasaaro ayay ku jiraan, kuwii Alle rumeeyay mooyee, oo haddana camal wanaagsan sameeyay, xaqana isku dardaarmay, sabarkana isku dardaarmay". (Al-Casr:103)

Imaam Shaafici wuxuu yiri: haddii uusan Alle ku soo dejin lahayn khalqigiisa xujo aan suuraddan ahayn way ku fillaan lahayd. Bukhaari wuxuu yiri: (kan wuxuu u baab yahay in Cilmigu ka horreeyo hadalka iyo samaynta camalka), waxaana daliil u ah hadalka Alle:

  [سورة محمد]

oo uu macnahiisu yahay: {ogow in Alle xaq lagu caabudo uusan jirin Alle maahee, dambi dhaafna waydiiso}. Wuxuu Alle ku billaabay aayadda cilmiga, hadalka iyo camalka kahor.

Ogow Alle ha kuu naxariistee in nin kasta iyo haweeney kasta oo muslin ah ay waajib ku tahay in ay saddex arrimood bartaan, kuna camalfalaan saddexdaas arrimood waa:

1.      Alle in uu na abuuray, oo uu na arsuqay, uussana Alle sidaas nooga tagin ee wuxuu noo soo diray Rasuul, qofkii aan raacin Rasuulkaas naarta ayuu galayaa, waxaana taas daliil u ah hadalka Alle:

[سورة المزمل]

oo uu macnahiisu yahay: {waxaan idiin soo dirnay Rasuul idinku marqaati furaayo sidii aan ugu soo dirnay Fircoon Rasuul, Fircoon wuu caasiyay Rasuulkii, waana qabannay Fircoon qabasho adag oo aad u daran}.

Alle raalli kama aha in qof  kale lala caabudo, ha noqdo qofkaas lala caabudayo malak dhaw ama nabi la soo diray, waxaana daliil u ah hadalka Alle:-

[سورة الجن]

oo uu macnahiisu yahay: {Masaajidda Alle ayaa iska leh ee Alle la jirkiisa wax kale ha ku caabudina}.

2.    Qofkii rasuulka raaca, Allana kali yeela uma bannaana in uu xiriiriyo qof Alle iyo rasuulkiisa gooyay oo la dagaalamay, haddii uu rabo qofkaas ha ahaado qofka kuugu dhaw qaraabo ahaan. Waxaana daliil u ah hadalka Alle:

[سورة المجادلة]

oo uu macnahiisu yahay: {ma helaysid dad rumeeyay Alle iyo maalinta qiyaamaha haddana jecel Qof Alle iyo rasuulkiisa gooyay, haba ahaadaan kuwaas Alle iyo rasuulkiisa gooyay aabbayaalkooda ama carruurtooda ama walaalahooda ama qaraabadooda, kuwaas aan jeclaanaynin dadka Alle gooyay wuxuu Alle ku qorey qalbiyaalkooda Iimaan, Allana wuxuu ku xoojiyay xujo, nuur iyo hanuun oo iimaanka xaggiisa ka timid, Alle wuxuu galiyaa kuwaas jannooyin ay hoostooda dareeraayaan wabiyaal, ayaga oo ku waaraya jannooyinkaas, kuwaas Alle waa ka raalli noqday, ayagana way ka raalli noqdeen Rabbigood, kuwaasi waa xisbiga Alle, Xisbiga Alle asaga ayuun baa liibaanaaya}.

Ogow Alle ha kugu hanuuniyo daacadiisee "cibaadadiisa" Diinta Xaniifiyada nabi Ibraahiim waa in aad Alle kaligii caabuddo, adigoo diinta u kali yeelaya oo aan wax kale la wadaajinaynin, sidaas ayaana Alle faray dadka oo dhan una abuuray sida uu Alle yir:

{[سورة الذاريات]

oo uu macnaheedu yahay: {Uma aannan abuurin Jinniga iyo Insaanka inay i caabudaan mooyee}, macnaha i caabudaan waa i kali yeelaan. Waxa ugu wayn ee uu Alle faray waa Towxiidka, waana in Alle loo kali yeelo cibaadadiisa, waxa ugu wayn ee uu Alle reebayna waa Shirkiga waana in aad Alle “cibaadadiisa” wax la wadaajiso, waxaana daliil u ah hadalka Alle:

} [سورة النساء]

oo uu macnahiisu yahay: {Alle caabuda waxna hala wadaajinnina}.

Haddii lagugu yiraahdo maxay tahay saddaxda asal ee waajibka ku ah in uu Insaanku barto? Waxaa tiraahdaa: waa in uu barto Rabigiisa, Diintiisa, iyo Nabigiisa Maxamed r.

Haddii lagugu yiraahddo ka aad caabuddaa waa kuma? Waxaad tiraahdaa waa Rabbigayga rabbigaasoo aniga igu barbaariyay, kuna barbaariyay dadka oo dhan nicmadiisa, waana Allihii aan caabudayay, iimana sugnaan Alle aan asaga ahayn, waxaana daliil u ah hadalka Alle:

[سورة الفاتحة]

oo uu macnahiisu yahay {waxaa mahad oo dhan ay u sugnaatay Alle, Allahaasoo makhluuqaadka Rabbigooda ah}, wax kasta oo Alle ka soo hara oo dhan waa caalam, anigana caalamkaas ayaan qeyb ka ahay.

Haddii lagugu yiraahdo: maxaad Rabbigaaga ku garatay? Waxaad tiraahdaa: waxaan ku gartay calaamooyinkiisa iyo makhluuqaadkiisa, calaamadaha tusinayana waxaa ka mid ah: habeenka, maalinta, qorraxda iyo dayaxa, makhluuqaadkiisana waxaa ka mid ah: toddobada cir iyo toddobada dhul iyo waxa ku dhex jira iyo inta u dhaxaysa,

Home

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:11