Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Xunkunka Salaada

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

KU SUGNAANTA IYO DHOWRISTA OOGIDDA SHANTA SALAADOOD EE FARALKA AH IYO GOODDIGA DARAN EE LOO GOODIYEY QOFKII DAYACA SALAADDA

Allaah baa mahad iska leh allahaasoo ah barbaariyaha uunka oo dhan (kawnka), naxariis iyo nabad galyana rususha imaamkoodii korkiisa ha ahaato oo ah nabigeenii Muxammad iyo eheladiisii iyo asxaabtiisa dhammaantoodba, Ilaahay baa Mahad leh ii suuro galiyey inaan Axaadiistan saxiix ah ee ku saabsan Dhowrista Shanta Salaadood iyo Cidii dayacdda ciqaabta weyn ee diinta Islaamku ku xukuntay iyo Khasaaraha uu Aakhiro la kulmaayo. Intaas kaddib:

Allaah, kor ahaaye wuxuu yiri:

" Xafida shanta Salaadood ee faralka ah (si gaar ahna u sii ogaada) Salaadda dhexe ( salaadda Casarka)." (2:238)

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

" Haddiise ay toobad keenaan oo oogaan salaadaha oo bixiyaan sekada, markaa u banneeya jidkooda oo faraha ka qaada." (9:5)

1073. Abuu Cabdur Raxmaan Cabdullaah ibn Mascuud (A.K.R.) wuxuu sheegay inuu weydiiyey Nebiga (S.C.W.): Alle agti camal keebaa camallada u wanaagsan oo loo jecel yahay?  Wuxuu ku jawaabay: Salaadda oo waqtigeeda la tukado. Waxaan weydiyey misna kee? Wuxuu yiri: Labada waalid oo baari loo noqdo. Dabadeedna waxaan iri: Misna kee? Wuxuu yiri: Jidka Alle (kor yeelida diinta) oo loo halgamo ama loo diriro. (Bukhaari iyo Muslim)

1074. Cabdullaah ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Islaamku wuxuu ku dhisan yahay shan tiir. 1. Ashahaadada oo ah in la qiro inuusan jirin ilaah xaq ah aan aheyni Allaah, iyo in Muxammad yahay Rasuulkii Alle, 2. Oogidda salaadda. 3. Bixinta Sekada, 4. U xajinta beydka Alle (eek u yaal Makkah), 5. Soomidda bisha Ramadaan. (Bukhaari iyo Muslim)

1075. Ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Waxaa la iga faray (xag Alle) inaan wado jihaadka iyo la halganka dadka ilaa ay qiraan inuusan jirin cid mudan in la caabudo oo laga dambeeyo oo loo hogaansamo Alle maahee, iyo in Muxammad (S.C.W.) uu yahay rasuulkiisii, Salaaddana oogaan, sakadana bixiyaan (xaqa saboolka ah iyo baahnaha). Markii ay sidaas falaanna, iyaga iyo xoolahoodauba waa iga dhacsan yihiin oo ammaan bay iga helayaan, loomana raacan karo (qofkii taasi qira oo ku dhawaaqa shahaadada) wixii aan waajibaadka diinta ahayn, wixii uu qarsoonna Allaa ku shaqo leh.  (Bukhaari iyo Muslim)

1076. Mucaad ibn Jabal (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) baa wuxuu ii magacaabay (Gudoomiyaha Yaman) oo wuxuu igu yiri: Xusuusnow! Waxaad u tegi doontaa qoon ehlu kitaab ah (Yuhuud iyo Kirishtan) ee waxaad ugu yeedhaa inay qiraan ilaah xaq ah aan Alle ahayni inuusan jirin, iyo inaan anigu Rasuulkii Alle ahay. Markii ay aqbalaan taa, u sheeg in Alle ku waajibiyey shan Salaadood maalintii iyo habeenkii, Markii ay aqbalaan tani markaa u sheeg in Alle ku waajibiyey Sako, kuwooda wax leh laga qaadayo oo la siinayo kuwooda aan wax haysan ee saboolka ah. Markii ay kaa ogaladaan taa, ha ka qaadin hantidooda kuwa u wanaagsan ee isha lagu hayo sako ahaan. Iskana jir habaarka qofka dulman, maxaa yeelay lagama soo ceshoxag Alle. (Bukhaari iyo Muslim)

1077. Jaabir (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Nebiga (S.C.W.) oo leh: Waxaa ka xiga qofka muslimka ah gaalnimada iyo Mushrignimada ka tsgidda salaadda. (Muslim).

1079. Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Waxaa ugu horreeya ee addoonka camalkiisa laga weydiin doono Maalinta Qiyaamaha waa Salaadda. Haddii ay hagaagto waa uu guuleystey oo liibaaney, haddii ay xumaatana waa uu khasaaray oo hoogey, haddii ay wax ka nusqaamaanse Alle SWT wuxuu yiraahdaa fiiriya haddii addoonkeyga sunne tukan jirey si loogu kabo wixii ka nusqaamay salaadahiisa faralka ah. Dhamaan camalladiisa kalena sidaas baa loo fiirin doonaa. (Tirmidi oo yiri waa  xadiis xasan ah).

1080. Shaqiiq bin Cabdullaah Allaaha u naxariistee oo taabici ahaa (cilmigiisa iyo aqoontiisa dhan iyo fadligiisa ay wada qireen dhamaan culimada) wuxuu yiri: Asxaabtii Nebiga uma arag ka tegidda wax waajib oo keenaya gaalnimo Salaadda ma’ahee. (Tirmidi baa ku soo weriyey sened saxiix ah).

FIIRO GAAR AH: Xadiisyadan waxay muujinayaan in ka tegidda shanta salaadood ee faralka ahi ay tahay denbi weyn. Xadiisyadan waxay caddeynayaan in qofkii ka taga salaadaha ee aan tukan uu yahay gaal. Asxaabi Dawaahir waxaa qabaan in qofkii sidaa ah ee ka taga salaadaha faralka ah uu yahay gaal oo uusan Muslim aheyn. Imaam Maalik iyo Imaam Shaafici waxay qabaan in qudh goynta iyo xad u dilka qofkaa oo kale ay waajib tahay. Imaam Abuu Xaniifa wuxuu qabaa in xidhidda iyo garaacidda qofkaa oo kale ay waajib tahay jeer uu toobad keeno oo billaabo oogidda saadaha.

Halkan ka dhagayso Muxaadaroyin kan ku saabsan Taarikul-Salaadka ee Culimadeenu si faahfaahsan uga hadleen.

Xukunka Taarikul Salaadka

Sh. Muxammad Axmed Rooble (Boqolsoon)

Salaadda iyo Xukunkeeda

Sh. Muxammad Sh. Cumar Dirir

 Ali Muse

admin@alimuse.com


Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:17