Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Waalid Caasiyada

Home
Up

 

RIYAADU SAALIXIIN CUTUBKA 41

WAALID CAASIYADDA IYO QARAABA GOYNTU WAA XAARAAN

 

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

134. "Oo ma waxaad ku dhaqaaqi laheydeen, haddii aad madax noqotaan, inaad dhulka fasahaadisaan, qaraabadiinnana goysaan. Waa kuwaasoo kale kuwa Alle naclado, markaasna uu dhego tiro, indhahana ka rido". Suuradda Muxammad: Aayadaha 22-23.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

135. "Kuwa axdiga Alle jebinaya adkaysiintiisii kaddib, goynayana wixii Alle faray in la xiriiriyo (sida qaraabada) oo dhulka fasahaadinaya, kuwaasu nacalad bay leeyihiin, daarta xumaantana waa leeyihiin". Suuradda Ar-Racad: Aayadda 25.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

136. "Rabbigaa wuxuu guddoonshey inaydaan caabudin waxaan isaga ahayn iyo wanaajinta labada waalid, haddii ay waayeelnimo agtaada ku soo gaarto midkood ama labadoodaba uf ha ku oran hana canaanan. qawl wanaagsan ku dheh una raarici garab nugul naxariis darteed, dhehna; Rabbiyoow u naxariiso sidii ay ii soo koriyeen". Suuradda Al-israa: Aayadaha 23-24.

336. Nufayc bin Xaaris (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: " Ma idiinka warramaa dembiyada waaweeyn? (seddex jeer buu ku celceliyey) Waxaynu niri: "Haa" Rasuul Alloow'. Wuxuu yiri: waa Alloo loo shariig yeelo iyo caasi waalidnimada (xusul baana u mudnaaye inta fariistay buu yiri) iyo been sheegidda iyo inaad markhaati been ah gasho". Aad buuna ugu celceliyey ilaa aan jecleesannay inuu joojiyo. (Bukhaari iyo Muslim)

337. Cabdullaah ibn Camar ibn al-Caas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Waxaa ka mida dembiyada kabaa'irta ee waaweyn ee halista ah Alloo wax loo shariig yeelo, iyo waalidkoo lagu caasiyoobo, iyo naf la gooyo, iyo inaad been ku dhaarato". (Bukhaari)

338. Cabdullaah ibn Camar ibn al-Caas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Inuu caayo qofku waalidki waa dambi weyn oo halis ah oo lagu halaagsamo". Dadkii waxay yiraahdeen: Rasuul Alloow! ma nin baa waalidkii caayi kara? Wuxuu ku jawaabay: Ă’Haah, Haddii uu caayo qof kale aabihii, qofkii aabihi la caayey baa isna aarogoosasho ahaan caayaya kii wax caayey aabigii; haddii uu caayona qof kale hooyadi, qofkii la caayey hooyadii baa isna caayaya kii cayda billaabay hooyadii". (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale baa waxay leedahay: " dunuubta waaweyn ee halista ah waxaa ka mida in ninku waalidki naclado. Nin baa wuxuu weydiiyey: Rasuul Alloow! Sidee buu qofku waalidkiis u nacladayaa? Wuxuu yiri: " Kolkuu caayo qof kale aabihii, kii aabihii la caayey baa isna markiisa kii wax caayey aabihii caayaya, markuu qofku caayona ruux kale hooyadi, ruuxii hooyadi wax laga shegay baa isna caayaya kii kale hooyadiis".

339. Abuu Muxammad Jubayr ibn Mudcim (A.K.R.) wuxuu yiri: Qaraabo goys Janno ma gali doono. (Bukhaari iyo Muslim)

340. Abuu Ciisaa al-Muqiirah ibn Shucbah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: " Alle kor ahaaye wuxuu idinka xaaraanshey in hooyooyinka lagu caasiyoobo, bakhiilnimada, Boobka iyo Booliyenta (Dhaca iyo xoog ku qaadashada hanti iyo xoolo dad kale) iyo in nolol la xabaalo gabdhaha yaryar ee dhasha, raallina kama aha oo ma jecla ku tiri kuteenta iyo hadalka faa'ida la'aanta ah, su'aalaha badan iyo ku ciyaaridda maalka (ku bixintiisa waxaan faa'ido laheyn ama xaraan ah sida sigaarka, qaadka iwm.). (Bukhaari iyo Muslim)

Back Home Next

 

Home
Up

Baro Qur'aanka

Buuga Martida

Dadka Isqarxiya

Baro Diinta Live Macalin Adoo Gurigaaga jooga

Islamic Links

Islamichomeacademy.com

Altaqwaa

Aflax

Ahidaaya

Alxuseyni

Abubakor Islamic

Boqolsoon

Duruus

Daarulcilmi

Qardhaawi

Islamliveone

Maxamed Umal

Maktabad

Naseexo

Nasiixa

Somal Islam.net

Somali Sunah

Warfawebsite

Quranmp3.net

Islam Web

Islam Way

 

 

free-website-hit-counters.com
Website Visitors
Home / Up
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.                                               
Copyright© 2007-2009 Alimuse.com/                                         
06/01/2010 12:09:03