Alimuse.com
Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Usamafalka Waalidka

Home
Up

RIYAADU SAALIXIIN CUTUBKA 40

WANAAJINTA IYO USAMA FALKA WAALIDKA IYO XIRIIRINTA QARAABADA

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

128. "Alle u adeeg oo mididin u ahow. Waxbana ha u shariig yeelin.(una muuji) naxariis iyo samaan waalidkaa, iyo qaraabada, iyo agoonta,iyo baahnaha, iyo deriska qaraabada kula ah, iyo deriska aan qaraabada aheyn iyo saaxiibkaa safarka, iyo tub ku joogga (masaafurka) iyo (addoomaha) ay gacantiinnu hanato". Suuradda An-Nisaa: Aayadda 36

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

129. "Dhab u tixgeli xilka iyo waajibka Alle korkaada uu yeelay, iyo guud ahaan arrimahuu ku faray, Allaahaasoo aad (xuquuqdiinna) mid kiinbakan kale ku weydiisto, sidoo kalena dhowra xuquuqda qaraabada".Suuradda An-Nisaa: Aayadda 1.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

130. "Kuwa xiriirinaya waxa Alle faray in la xiriiriyo".Suuradda Ar-Racad: Aayadda 29.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

131. "Aadanaha waxaan kala dardaarannay wanaajinta waalidkiis iyo inuu naxariis u muujiyo iyo samaan". Suuradda: Al-Cankabuut:Aayadda 8.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

132. "Rabigaa wuxuu guddoonshey inaydaan caabudin waxaan isaga ahayn iyo (iyo inaad u muujiso) naxariis iyo samaan labada waalid. Haddii ay waayeelnimo agtaada ku soo gaarto midkood ama labadoodaba uf ha ku oran, hana canaanan ee qowl wanaagsan oo naxariisi ku dheehan tahay ku dheh. una raarici garab nugul naxariis darteed dhehna: Rabbiyoow u naxariiso,sidii ay yaraantayda ii soo koriyeen". Suuradda Al-Israa: Aayaddaha23-24.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

133. "Aadanaha waxaan kala dardaarannay waalidkiis, hooyadiis waxay ku qaadday tabar yari tabar yari loo geeyey. Ka gurintiisuna naaska waa laba sano dhexdood igu shukri aniga iyo labadaada waalidba".Suuradda Luqmaan: Aayadda 14.

312. "Abuu Cabdur Raxmaan Cabdullaah ibn Mascuud (A.K.R.) wuxuusheegay inuu weydiiyey Nebiga (S.C.W.): Alle agti camalkeebaa camalladau wanaagsan oo loo jecel yahay? Wuxuu ku jawaabay: "Salaadda oowaqtigeeda la tukado". Waxaan weydiiyey: Misna kee? Wuxuu yiri: "Labada waalid oo baarri loo noqdo'. Dabadeedna waxaan iri: Misna kee? Wuxuu yiri: Jidka Alle (kor yeelidda diinta) oo loohalgamo ama loo diriro'. (Bukhaari iyo Muslim)

313. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Wiil ma jiro u abaal gudi kara aabihi (wuxuu wanaag iyo jaceylu galay awgeed) inuu helo maahee aabihi oo addoon ah oo uu soo iibsado oo markaas xoreeyo."

314. Xadiiskan waxaan horay ugu soo marnay cutubka 39, eeg xadiiskatiradiisu thay 309.

315. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Alle kor ahaaye markuu uunka oo dhan abuuray baa riximkii istaagay oo yiri: Halkan ma meeshii qofku kaa magansan lahaaba goynta (macnaha waa waxaan ku weydiisanayaa magangal). Alle wuxuu yiri: Haah, sow raalli kumanoqoneysid inaan u naxariisto kii ku xiriiriya, kana gooyo wanaagga iyo naxariista kii ku gooya? Riximkii wuxuu yiri: Raali baan ku ahay. Alle wuxuu yiri: Taas baad leedahay. Dabadeedna nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Haddii aad rabtaan akhriya:  "Ma la idiinka yaabaa, haddii aad madax noqotaan inaad dhulka fasahaadisaan oo qaraabadiinna goysaan. Waa kuwaas kuwa Alle nacaladayo, uu markaana dhega tirayo, indhahana karidayo." Suuradda Muxammad: Aayadaha 22-23. (Bukhaari iyo Muslim)

Werinta Bukhaari waxay leedahay, Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri, Kiiku xiriiriyaa waan xiriirinayaa, kii ku gooyana waan goynayaa."

316. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nin baa Nebiga (S.C.W.) u yimidoo weydiiyey: Rasuul Alloow dadka kee u mudan inaan samaan iyo wanaag kuladhaqmo oo si fiican ula rafiiqo? Wuxuu ku jawaabay: "Hooyadaa". Ninkii baa weydiiyey: Misna kee? Wuxuu yiri: "Hooyadaa". Iyada kaddibna? Wuxuu yiri: "Hooyadaa". Iyada kaddibna? Wuxuuyiri: "Aabahaa". (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale baa waxay leedahay: Rasuul Alloow, dadka kee baa u mudan inaan wanaajiyo oo si fiican ula rafiiqo? Wuxuu ku jawaabay 'Hooyadaa', misna hooyadaa, misna hooyadaa, misna Aabahaa, misna sida laguugu kalaxigo.'

317. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: " Duf ha ku baxo, oo duf haku baxo, oo duf ha ku baxo, qof soo gaaraylabadiisii waalid ama midkood oo sheyb ah oo Jannada geli waayey". (Muslim)

318. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nin baa wuxuu yiri: Rasuul Alloow,waxaan leeyahay qaraabo, waa xiriiriyaa, iyana waa i gooyaan; waa wanaajiyaa,iyana waa i xumeeyaan; waa u dul qaataa iyana waa igu jaahil falaan. Nabigu(S.C.W.) wuxuu yiri: "Haddii aad tahay sidaad sheegtay, waa adigoo raran (ciid kulul) siinaya oo kale (waa tilmaan waxa dambi soo gaarayaqoladaas xaqiisii ay ka gaabiyeen awgeed iyo dhibaatada kala soo gudboonaata),Inta aad sidaas tahayna (buu ku yiri ninkii nebiga), Allaa mar walba kuu hiillinaya oo kuu gargaari, oo kaa dhowraya xumaanahooda". (Muslim)

319. Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qofkii jecelin in risaqa loo fidiyo, iyo in cimrigiisa loo dheereeyo, qaraabadiisa haxiriiriyo". (Bukhaari iyo Muslim)

320. Xadiiskan horay baynu u soo marnay. eeg xadiiska tiradiisu tahay297. cutubka 37.

321. Cabdullaah ibn Camar ibn al-Caas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nin baa inta Nebiga (S.C.W.) u yimid ku yiri: Waxaan rabaa inaan axdi kugula galo inaan haajiro jidka Allena ku diriro, anoo Alle kaga ajar dooni. Nabigu (S.C.W.) wuxuu weydiiyey: "waalidkaa mid nool ma jiraa? Ninkii wuxuuyiri: labadiiba waa nool yihiin. Nabigu (S.C.W.) wuxuu weydiiyey: "Alle ajar ma ka rabtaa? Ninkii wuxuu yiri: Haah, mudane. Nabigu (S.C.W.)wuxuu yiri: Haddaba iyaga ku noqo oo si fiican ugu adeeg". (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale baa waxay leedahay: Nin baa yimid oo idan u weydiistay jihaad (u dirirka jidka Alle). Nabigu (S.C.W.) wuxuu weydiiyey ninkii:' Labadaadii waalid ma nool yihiin? Ninkii wuxuu yiri: Haah, Nabi Alloow. Wuxuu yiri: Haddaba waxaa jihaad kuu ah u adeeggooda: macnaha waa u khidmeyntoodaad ka heli ajarkii aad ka heli laheyd jihaadka oo kale".(Bukhaari iyo Muslim)

322. Cabdullaah ibn Camar ibn al-Caas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.)wuxuu yiri: "Qofka wanaagga ku guda wanaag ma aha kaasi qof wanaag iyo kheyr u gala qaraabadiisa oo xiriiriya; qaraabo xiriirshe waa qofka xiriiriya qaraabadiisa xitaa markii ay gooyaan. (Bukhaari)

323. Caa'isha (A.K.R.) waxay tiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Qaraabanimadu carshigay ku dhaggan tahay oo waxay tiraahdaa: Alle waa xiriirinayaa oo gacan qaban qofkii i xiriiriya oo i gacan qabta; Allana wuu goynayaa qofkii i gooya". (Bukhaari iyo Muslim)

324. Ummul Mu'miniin Maymuunah bint Xaaris (A.K.R.) (oo xaaskii Nebiga S.C.W. ahayd waxaa laga soo xigtay inay xoreysey addoomad iyadooaan nebiga (S.C.W.) la socodsiin. Markuu u yimid maalintii dowrkeeda ahaydbay waxay ku tiri: Ma ogtahay Rasuul Allow inaan addoontaydii xoreeyey? Wuxuu yiri: "Haddii aad abtiyaashaa siin lahayd baa kuu khayr iyo ajar badnaan lahayd". (Bukhaari iyo Muslim)

325. Asmaa bint abii Bakar as-Sadiiq (A.K.R.) waxay tiri: Hooyaday baaMadiina timid oo Makka ka timid si ay ii soo booqato, iyadoo weli markaamushrikad ah (gaalad). Waxay u timid inay wax i weydiisato. MarkaasaanNebiga (S.C.W.) u tegey oo iri: Nebi Alloow hooyaday oo ii socotaa ii timidwaxbayna iga fileysaa ee ma xiriirin karaa? Wuxuu yiri: ÒHaah, wanaajihooyadaa oo xiriiriÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

326. Zaynab as Saqafiyya (A.K.R.) xaaskii Cabdullaah bin Mascuud waxaytiri: Nebigu (S.C.W.) isagoo u khudbeynaya koox dumar ah wuxuu yiri: Sadaqal a baxa, dumarkoow, waxaad isku qurxisaanba ha ahaatee' Markaan taa maqlay baan u tagay ninkeygii kuna iri: Waxaad tahay nin sabool ahoo aan wax heysan, Nebiguna (S.C.W.) inaan wax la baxno buu na faray, ee inta u tagtid soo waydii inay adigu taydu kugu baxayso sadaqo ahaan, haddii kale aan cid kale siiyee. Cabdullaah bin Mascuud wuxuu yiri: Adigu shakhsi ahaan u tag oo arrintaa weydii. Markaa baan aadey mise haweeney Ansaariyad ah oo sidayda oo kale ah baa irridkii Nebiga joogta oo arrinteyda oo kale wadata. Waxaan ka baqnay inaan galno xishood awgi iyo darajeyn rasuulka(S.C.W.) markaasaa waxaa noo soo baxay Bilaal (A.K.R.) waxaananu ku niri:Fadlan u tag Nebiga (S.C.W.) oo u sheeg in laba dumar ah oo irridka taaganay doonayaan inay ogaadaan inay sadaqadu noogu baxayso nimankayaga iyo Agoonta ku hoos nool cid aan nahayna ha u sheegin. Bilaal (A.K.R.) wuxuuu tegey Nabiga (S.C.W.) oo arrintayadii u bandhigay, wuxuu weydiiyey NebiguS.C.W. waa kuwama? Bilaal (A.K.R.) wuxuu yiri: waa haweeney ansaar ah iyo mid kale oo Zaynab la yiraahdo. Wuxuu weydiiyey Zeynab badane waa Zeynabtee? Bilaal (A.K.R.) wuxuu yiri: Waa xaaskii Cabdullaah (A.K.R.) Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Waxay leeyihiin oo loo qori doonaa laba ajar, ajarkiiqaraaba xiriirinta, iyo ajarkii sadaqada". (Bukhaari iyo Muslim)

327. Abuu Sufyaan Sakhar bin Xarb (A.K.R.) wuxuu sheegay in markii uu lakulmay Hiraqle, madaxweynihii Roomaanka, inuu Hiraqle weydiiyey: Muxuu nabigiinnu idin faraa inaad fashaan? Waxaan iri: "Wuxuu ina faraa inaan caabudno Alle oo keliya, waxbana aan Alle u shariig yeelin, iyo inaannu raacin oo ka tagno caadooyinkii iyo dhaqankii aabbayaasheen; wuxuu sidoo kale ina faraa inaan oogno Salaadda, sheegno runta, ku dadaalno oo daa'imno dhowrsoonida (yacni ka fogaanno dhilleysiga iyo waxa u horseeda qofka),iyo inaan xiriirinno oo wanaajino qaraabadayada". (Bukhaari iyoMuslim)

328. Abuu Darr (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Waxaad qabsan doontaan dal qiiraadka laga magacaabo".

Werin kale baa waxay leedahay inuu yiri: waxaad qabsan doontaan muddodhow Masar halkaasoo ay ku taal carro laga magacaabo Qiiraad. Ee dadkiisa wanaajiya, si fiicanna ula dhaqmo oo naxariis leh, maxaa yeelay qaraabannimoiyo xurmaa naga dhexeysa. (Muslim)

Werin kale baa waxay leedahay: Markii aad qabsataan, degaankeeda siwanaagsan oo suubban ula dhaqma, maxaa yeelay waxaa inoo dhexeeya xurmo iyo xididnimo". (Muslim)

Imaam Nawawi isagoo ka hadlaya riximnimada Masaarida la lahaa nabigu wuxuu sheegay inay tahay tilmaan dhacdada taariikhiga ah oo ah in Haajira,nebi Ismaaciil hooyadi ay Masaari aheyd, iyo Maariya al-Qibdiyya Ibraahiim hooyadi, wiilkii nabiga (S.C.W.) inay iyana aheyd Masaari.

329. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Markii ay soo degtey aayaddan: "U dig qaraabadaada ku xigta".

Nebigu (S.C.W.) wuxuu isugu yeeray (qabiilkii) Quraysh, iyaguna dhammaan way yimaadeen, caamo iyo madaxba, markaasuu guud ahaan iyo gaar ahaanba u xusay, Wuxuu ku yiri: "Reer Cabdi Shamsiyoow! Reer Cabdi Luwayoow, Naftiinna naar ka badbaadiya; reer Cabdi Manaafow naftiinna naarka badbaadiya,Ilmo Haashimow naftiinna naar ka badbaadiya, Reer Cabdul Muddallibow naftiinna naar ka badbaadiya, Faadumooy naftaada naar ka badbaadi, malinta qiyaamo xag Alle waxaan idiinka tari karo lama arko, xiriirin qaraabinnimo uunbaad igu leedihiin iyada waa aan idiinku xiriirinayaa". (Muslim)

Fiiro gaar ah: Imaam Nawawi wuxuu yiri xadiiskan goynta qaraabada waxaalagu shabbahay dab kulul, dabkana waxaa lagu baqtiin karaa biyaha, naartauu qofku ku mudan goynta qaraabadana waxaa looga badbaadi karaa xiriirintaqaraabada iyo gudashada xuquuqda ay qofka ku leeyihiin qaraabadiisa, yacnidabku waa kuleyl iyo naar waxaana baqtiiya biyaha, qaraabo goyntuna waxaalaga mutaa dab iyo naar waxaana lagaga hortegi karaa xiriirinta iyo gudashadaxuquuqda qaraabada.

330. Abuu Cabdullaah Camar ibn al-Caas (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Nebiga (S.C.W.) oo si cad u leh aan sir aheyn: "Reer hebel iyo reer hebel ma aha saaxiibbaday iyo gacalkay; saaxiibbaday iyo gacalladay waa Allaah, iyo muslimiinta wanaagsan. Shaki li'i waxaa innaga dhexeeyaa reer hebel iyo reer hebelkaa oo keliya xiriir qaraabbannimo oo aan ku xiriirinayo, xaqeedana dhowrayo". (Bukhaari iyo Muslim)

331. Abuu Ayuub Khaalid ibn Zayd (A.K.R.) wuxuu yiri: Nin baa Nebiga(S.C.W.) wuxuu ku yiri: Nebi Alloow waxaad ii sheegtaa camal aan jannadaku galo nartana iga fogeeya. Wuxuu ku jawaabay Nabigu (S.C.W.): "Allecaabud oo waxba ha u shariig yeelin, oogna Salaadda; bixina sekada; xiriirinaqaraabada". (Bukhaari iyo Muslim)

332. Salmaan ibn Caamir (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:"Markii uu qofkiin afurayo timir ha ku afuro, maxaa yeelay barakaa ku jirta, haddii aadan helin timir, ku afur biyo, maxaa yeelay biyuhu waxbaydaahiriyaan. Intaa wuxuu raaciyey: Sadaqada la siiyaa miskiinka waa sadaqokeliya; tan qaraabada la siiyaana labo samaanood bay wadataa; oo marna waa sadaqo, marna waa xiriirin qaraabo oo laba ajar buu qofku halkaa kaheli". (Tirmidi baa weriyey) oo yiri; waa xadiis xasan ah.

333. Ibn Cumar (A.K.R) wuxuu yiri: Waxaan lahaa afo (xaas) aan jeclahay, hayeeshee Aabbahay uu necbaa. Sidaa awgeed buu wuxuu i faray inaan furo, arrintaa oo aan anigu diiday. Cumar (A.K.R.) arrintaa buu nabiga u sheegay oo hor dhigay nabiguna (S.C.W.) wuxuu i yiri: "Fur". (Abuu Daawuud iyo Tirmidi baa weriyey) Tirmidina wuxuu yiri waa xadiis xasanah oo saxiix ah.

334. Abuu Dardaa (A.K.R.) wuxuu yiri: waxaa ii yimid nin, wuxuu i yiri: Waxaan leeyahay xaas, hooyadayna waxay i tiraahdaa fur. Abuu Dardaa (A.K.R.) wuxuu u sheegay ninkaa inuu maqlay nabiga (S.C.W.) oo leh: (U samafalkaiyo ku adeecidda waalidka wixii aan dambi aheyn) waa (furaha) irrid dhexaadka jannada, ee haddaad rabto irridkaas furahiisa xafido ama iska dayac".(Tirmidi baa wariyey ) oo yiri waa xadiis xasan ah oo saxiix ah

335. al-Baraa ibn Caasib (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuuyiri: "Hooyo walaasheed (habaryar) waxay la siman tahay oo la midtahay hooyo. (Tirmidi baa wariyey) oo yiri: waa xadiis xasan oosaxiix ah.

Camar ibn Cambasa (A.K.R.) xadiis dheer wuxuu ku sheegay inuu mar booqday nebiga (S.C.W.) maalmahii ay risaaladu horta laheyd ee Makka la joogey. Wuxuu yiri: Waxaan weydiiyey maxaad tahay? Nabigu (S.C.W.) wuxuu ku jawaabay: "Nebi" Markaa baan haddana weydiiyey : Nebi waa maxay? Wuxuuku jawaabay: "Allaa i soo diray" Haddana waxaan sii weydiiyey:Oo muxuu wax (fariin) ah Alle ku la soo diray? Wuxuu ku jawaabay "In qaraabada la xiriiriyo oo la wanaajiyo, sanamadana iyo mabaadida dalliganee Aadanahu sameystay (wixii khilaafaya Islaamka) la baabi'iyo,Allena la waaxido oo aan waxba loo shariig yeelin".

Fiiro gaar ah:

U khidmeynta waalidka iyo adeeciddooda waa waajib iyo xil saaran carruurta.Dhab ahaantii makaanada waalidka aad bay ugu weyn tahay diinta Islaamka,oo kaalin weyn buu ka siiyey xiriirka dadka dhexdiisa ah, cid iyaga kaxaq badanna ma jirto Alle iyo rasuulkiisa kaddib. Adeecidda Alle waxaamar walba ku lamaananan adeecidda iyo maqlidda waalidka sida ku cad Qur'aankaiyo sunnaha nabiga (S.C.W.) Waa dad nasiib badan kuwa guta waajibkooda xagga waalidiintood, xuquuqdoodana u oofiya, si wanaagsan oo naxariis lehna ula dhaqma, maqla oo adeeca, dadkaa sidaas ah wuxuu Alle ka cafiyaa dambiyadooda, waxayna muteystaan abaal marin xaggiisa ah iyo raallinimadiisa, iyo kheyr iyo samaan aan la koobi karin.

Back Home Next

Home
Up

Qur'aan Self-Study

Islamic Media Share, Alimuse.net

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Islamic Media Share

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Abubakor Islamic

Duruus

SomaliQuraan.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu. Fadlal waxaad nagala soo xidhiidhikartaa info@alimuse.com
                                              
Copyright© 2014 Alimuse.com/                                                                  
13/01/2015 01:33:35