Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Khayr Isugu Yeeridda

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

CUTUBKA 20

KHAYR ISUGU YEERIDDA, IYO XAALKA KII KHEYR JIDEEYA AMA XUMAAN HORSEEDA

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

78. " Ugu yeer (dadka) xagga Rabbigaa". Suuradda: Al-Qasas: Aayadda 87.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

79. " Ugu yeer jidka Rabbigaa si xigmad iyo waano wanaagsan leh". Suuradda An-Naxal: Aayadda 125.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

80. " Isu kaalmaysta samaanta iyo ilaalinta xilka iyo arrimaha Alle waajibiyey". Suuradda Al-Maa'idah: Aayadda 2.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

81. " Ha idinku jireen dad khayrka wax ugu yeera" Suuradda Aali-Cimraan: Aayadda 104.

173. Abuu Mascuud Cuqbah ibn Camar al-Ansari Al-Badri (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: " Qofkii khayr dadka tusaa kii falaa ajarka uu heli mid la mida baa loo dhigi". (Muslim)

174. Abuu Hurayrah (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Qofkii dadka hanuun ugu yeeraa wuxuu leeyahay ajarka ay leeyihiin oo kale wixii isaga raaca ee samaha fala; iyadoo aan iyagana ajarkooda waxba laga nusqaamin. Sidaa oo kale qofkii dadka habow ugu yeeraa wuxuu leeyahay ciqaabta iyo dembiga ay leeyihiin wixii isaga raaca iyadoo aan waxba laga nusqaaminayn ciqaabta ay leeyihiin iyana ee dambigaa la xiriira". (Muslim)

175. Abuu Cabaas Sahal ibn Saacidi (A.K.R.) wuxuu yiri: Intaan dagaalka la qaadin maalintii Khaybar nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: " Berri waxaan calanka u dhiibayaa nin Alle guusha siin doono oo jecel Alle iyo Rasuulkiisaba, Alle iyo Rasuulkiisuna jecel yihiin. Habeenkii oo dhan baa la isla lahaa talow yaa loo dhiibi doonaa calanka. Markii uu waagii baryey baa Nebigii (S.C.W.) loo jarmaaday iyadoo nin walbaa is leeyahay adigaa lagu siinayaa. Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Mee Cali bin abii Daalib? waxaa loo sheegay in indhahu xanuunayaan. Nabigu (S.C.W.) wuxuu dadkii faray in loo cid diraa. Markii uu yimid, buu rasuulkii Alle indhah kaga tufay oo u duceeyey; markaasaa xanuunkii ka ba'ay. Markaa buu rasuulkii Alle u dhiibay calankii. Wuxuu yiri Cali (A.K.R.): Nebi Alloow dagaalka ma aan ku wadayaa jeer ay muslim noqdaan innagoo kale ah? Nabigu (S.C.W.) Wuxuu ku jawaabay : tag adigoo ku socda orodkaaga caadiga ah illaa aad ka gaartid meel ku dhow carrigooda markaana ugu yeer inay Islaamka qaataan oo u sheeg waxa ay diinta fareyso oo uu ku waajib yeelay Alle. Waxaan ku dhaaran Alle, Xitaa haddii Alle dartaa hal qof keliya ku soo hanuuniyaa, taa baa wax badan kaaga wanaagsan oo kuu dhaanta tiro dhan oo aad qayb u yeelato oo geel gadgaduudan ah (halo geel oo qaali ah). (Bukhaari iyo Muslim)

176. Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nin dhallinyaro ah oo ka tirsan qabiilka Aslam baa u yimid nebiga (S.C.W.) oo ku yiri: Rasuulkii Alloow, Waxaan doonayaa inaan ka qayb qaato jihaadka, wax aan ku diyaar goroobana ma heysto oo qalab iyo hub ah (aan jihaadka ugala qayb galo). " Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: U tag hebel, wuxuu u sameeyey diyaargaroob dhan jihaadka, waase bukooday. Ninkii dhallinyarada ahaa wuxuu u tegey ninkan loo sheegay oo yiri: Nebigii Alle waa uu ku soo salaamayey wuxuuna ku soo faray inaad i siiso wixii aad ku diyaar garowdey ood jihaadka ugu tala gashay. Wuxuu ninkii faray xaaskiisa inay siiso qalabkiisii oo dhan uu jihaadka ugu tala galay ninkaa dhallinyarada ah oo ay waxba ka reebin. Alle baan ku dhaaran, Haddii aadan la harin waxba, Alle barako iyo kheyr buu ku siin falkaasi awgi." (Muslim)

Back Home Next

 

admin@alimuse.com

Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:14