Alimuse.com
Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Dhawrista Sunnada

Home
Up

CUTUBKA 16

Dhawrista Sunnada iyo Habkeeda

Alle Subxaanahu Watacaalaa wuxuu yiri:

59.“ Wixii uu Rasuulku idin siiyo ama idin faro qaata, wixii uu idinka reebana ka hadha, Alle na  waa in laga dhowrsado, maxaa yeelay Ciqaabtiisu waa darantahay”. (Suurada Al-Xashar:Aayada:7).

 Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:

60. “ Hawadiisa ku hadli maayo ee waa waxyi loo waxyoodey”. (Suurada An-Najam:Aayada:3-4).

 Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:

61.“ Ku dheh (Muxammadow S.C.W., dadka) hadii aad Alle jeceshihiin I soo raaca: Alle wuu idiin jeclaan oo idiin dembi dhaafiye”. (Suurada Al-Cimraan:Aayada:31).

 Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:

62.“ Rasuulka Alle ku dayasho wanaagsan baa idiinku sugnaatay, waa qofkii ay ku weyn yihiin Alle iyo maalinta Aakhiro, Eebana xusa in badan”. (Suurada Al-Axsaab:Aayada:21).

 Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:

63. “ Waa igu Rabbigaaye rumayn maayaan jeer ay kuugu yimaadaan xugminta wixii ay isku qabtaan, dabadeedna wixii aad go’aamiso ku qancaan oyan wax dhibsi iyo culeys ah iska dareemin, hoggaansamidna u hoggaansamaan wixii aad go’aamiso”. (Suurada An-Nisaa:Aayada:65).

 Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:

64.“Kuwa Xaqa Rumeeyow Adeeca Ilaahay oo Adeeca Rasuulka iyo kuwa Amarka leh, oo idinka mid ah. Hadii aad ku doodaan Arrin (wax isku qabataan) Ula noqda Alle iyo Rasuulkiisa (yacni u bandhiga Qur’aanka iyo sunnada), haddaad tihiin kuwo Rumeeyey Alle iyo Maalinta Aakhiro (Qiyaamada), sidaasbana khayr roon oo wanaag badan Xagga Abaalmarinta”. (Suurada An-Nisaa:Aayada:59).

 Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:

65.“ Qofkii Rasuulka Adeecaa wuxuu Dhab u Addeecay Alle, Qofkii jeedsadana kuugu maanaan dirin Ilaaliye ”. (Suurada An-Nisaa:Aayada:80).

 Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:

 

66.“ Adiguna Nabiyoow (Muxammadow S.C.W.) Waxaad wax ku hanuuninaysaa Jid toosan”. (Suurada Ash-Shuuraa:Aayada:53).

 Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:

 

67.“ Ha iska jireen kuwa amarkiisa khilaafaya inay fidmo, ama cadaab xanuun badani ku dhacdo”. (Suurada An-Nuur:Aayada:63).

 Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:

68.“ Jooga guryihiinna (dumarka muslimka ahoow, oo waxaan dan weyn ahayn ha u bixina) oo ha u muujinnina quruxda iyo bilicdiinna ( intii la banneeyey inaad u muujin kartaan maahee) oo ha ku dayannina dumarka jaahilka ah ee jirkooda u muujiya ( ragga gayaankooda ah ), Daa’imana dumarka muslimka ahoow oogida salaadda oo bixiya sakada, addeecana oo maqla Alle iyo rasuulkiisa oo waxay idin fareen maqla, waxay idinka reebeenna ka reebtooma, xusana oo barta waxa guryihiinna Aayado Alle iyo xigmad lagu akhriyaayo.Ilaahayna waa wax walba oge Xeeldheer”. (Suurada:Al-Axaab;Aayada:34).

156. Abuu Hurayrah (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Ha igu dhibina weydiimo la xiriira waxyaalo aan ka hadlin, maxaa yeelay ummadahii idinka horreeyey waxaa rogey suÕaal badnidoodii (iyo weydiintoodii weydiimo badan aan loo baahneyn, bar faa’ido ahna aan lagu arag) iyo ku dhiirranaantoodii inay khilaafaan nebiyadoodii. Sidaa awgeed wixii aan idinka reebo ka fogaada, Wixii aan idin farana fuliya intii karaankiin ah”. (Bukhaari iyo Muslim)

157. Abuu Najiix Cirbaad bin Saariyah (A.K.R.) wuxuu yiri: ‘Nebigaa (S.C.W.) wuxuu na wacdiyey wacdi ilma naga keenay oo cabsi gelisay qalbiyadeenna. Waxaan ku niri waxaad mooddaa wacdigan inuu yahay dardaarankii u dambeeyey, ee inoo dardaaran wax badan oo wanaag iyo waano ah. Markaa buu wuxuu yiri: Waxaan idinkula dardaarmayaa cabsida Alle iyo (dhowrsita xilalka iyo waxyaalaha uu idinku waajibiyey iyo ka fogaanshaha wuxuu idinka reebay) iyo is maqal iyo is addeecid xitaa addoon haddii madax la idiinkaga dhigo. Tan kale qofkiinnii sii noolaadaa wuxuu arki doonaa iskhilaaf tira badan ee waxaan idinku ogahay sunnadayda iyo sunnada hoggaamiyeyaasha hanuunsan (Abuubakar, Cumar, Cusmaan iyo Cali), goos dambeedyada ku qabsada, arrimaha gadaal ka imaadka ahna (bidcada ah diinta lagu kordhiyo ama laga naaqusiyo) iska jira, maxaa yeelay bidca kasta baadi bay salka ku heysaa oo kugu hoggaamin”.

(Abuu Daawuud iyo Tirmidi oo yiri: waa xadiis xasan saxiix ah)

158. Abuu Hurayrah (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘Ummadeyda jannaday wada gelaysaa kuwii igu tacaddiya maahee oo diida jannada. Waxaa la weydiiyey: Rasuulkii Alloow (S.C.W.) oo waa kuwee kuwaa? Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu ku jawaabay: Qofkii i adeeca jannaduu geli doonaa, qofkii caasi igu noqdaana waa qof taxaddi igu sameeyey (oo jannada ma gali doono). (Bukhaari)

159. Abuu Muslim waxaa la oran jiray sidoo kale Abuu Ayaaz Salamah ibn Camar (A.K.R.) Wuxuu yiri: Ninbaa billaabay inuu wax ku cunaa gacantiisa bidix isagoo la jooga nebiga (S.C.W.) nabigana wuxuu faray inuu gacantiisa midig wax ku cuno. Wuxuu yiri ninkii: Ma karo inaan yeelo sidaa. Waxay aheyd oo keliya kibirkiisa waxaa u diiday inuu adeecaa amarrada nabiga (S.C.W.) Sidaa awgeed buu wuxuu nabigu ku yiri: Ha awoodin. Wixii markaa ka dambeeyey waxaa dhacday in ninkaasi uusan kor u soo qaadi karin gacantiisa oo uusan gaarsiin karin afkiisa”. (Muslim)

160. Nucmaan bin Bashiir (A.K.R.) wuxuu yiri: “ Waxaan maqlay nebiga (S.C.W.) oo leh: Waa inaad toosisaan oo sintaan safafka (kolka salaadda) haddii aydan yeelinna Alle dhexdeenna colaad iyo khilaaf buu dhigayaa (macnah taa waxay idinka dhex abuureysaa cadaawad iyo is khilaaf ”. (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kalena oo Muslim dhigayo waxay ahayd Nabigu (S.C.W.) safafkuu simi jirey sidii isagoo isku cabiray. Sidaa buuna yeeli jiray jeeruu arkay inaan garowsannay fahamnayna ahmiyadda iyo qiimaheeda. Maalin buu wuxuu yimid masjidka si uu inoo tujiyo, isagoo ku dhawaaqi raba takbiiradii ixraamka ee salaadda lagu galo buu wuxuu arkay nin laabtiisu soo baxsan tahay, markaa buu yiri isagoo arrintaa ka hadlaya: Addoomma Alloow, safafka sinta oo toosiya, haddii kale Alle wuxuu abuuri colaad iyo khilaaf dhexdiinna.” (Muslim)

161. Abuu Muusaa (A.K.R.) Wuxuu yiri: ‘Guri baa habeen Madiina gubtay, dadkii lahaana ku gubteen. Markii dhacdadaas loo sheegay Nebiga (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒDabku waa cadowgiinii ee markii aad seexanaysaan iska bakhtiiya’. (Bukhaari iyo Muslim)

162. Abuu Muusaa wuxuu kaloo yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒHanuunka iyo cilmiga Alle ii soo dhiibay (si aad ileys iyo iftiin uga hesahaan oo jahliga idinku daayo) waxay la mid yihiin Roob ku daÕay dhul meel fiican tahay oo biyaha cabbeyso oo naqdoog ah ka soo baxayaan; meelina adag tahay oo biyaha celinayso oo Alle dadka ku Anfacayo oo ay ka cabbayaan, beerahana ku waraabsanayaan. Biyaha roobkaas oo sidoo kale gaaray meel kale oo gabaahirig ah aan biyana celinayn baadna ka soo baxayn, sidaas waxaa la mataal ah; qof diinta Alle fahmay oo intifaacsaday waxa Alle iigu soo dhiibay (dadka) iyo kuwa bartay oo qaaruun kale sii baray. Tusaalaha dambena waa sida qofka aan u soo jeensan, baranna xikmadda iyo sunnadeyda, aan sidoo kalena aqbalin hanuunka Alle iigu soo dhiibayÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

163. Jaabin (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Aniga iyo idinku waxaan la matal nahay nin inta dab shitay; ay markaas balanbaalistii iyo cayayaankii bilaabeen inay ku soo ordaan kuna soo daataan, isaguna ninkii dabka shitay ka celcelinayo. Anigu ninkaa baan la mid ahay waxaan isku dayayaa inaan guntiga idin qabto (si aan idiinka badbaadiyo) naar, idinkuna waad ka fakaneysaan gacanteyda". (Muslim)

164. Jaabir (A.K.R.) wuxuu kaloo yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu amray muslimiinta in faraha la leefo, la nadiifiyana weelasha (marka raashinka laga cuno kaddib) wuxuuna yiri: "Ma garan kartaan qaybtee baa cunnadu barakadu ku jirtaa". (Muslim)

Werin kalena waxay ahayd oo Muslim ku taal: "Haddii ay midkiin ka dhacdo waslad, waa inuu soo qaadaa, ka nadiifiyaa wixii gaaray oo boor iwm ah. oo markaas cunaa, oo waa inuusan uga tegin shaydaanka. Waa inuusanna qofku marin gacantiisa istiraashada isagoo aan ka leefin (cuntada haraaga ku ah) farahiisa, maxaa yeelay ma oga qofku qaybtee baa cuntada barakeysan - macnaha ay barakadu ku jirtaa".

Werin kale oo Muslim ku taal baa waxay leedahay: "in Nabigu (S.C.W.) uu sheegay in sheydaanku mar iyo munaasabad kasta xaadir yahay xitaa markii aad wax cunaysid. Sidaa awgeed, haddii ay qofkiin ka dhacdo waslad (ama rudmad) waa inoo qaataa, ka nadiifiyaa boorka iwm., oo markaas cunaa uusanna uga tegin shaydaanka."

165. Ibn Cabbaas (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigaa (S.C.W.) mar naga dhex istaagey, si uu innogu khudbeeyo oo wuxuu yiri: ‘ Dadoow waxaa la idin soo bixinayaa oo la idiin soo kulmin Alle weyne xaggiisa idinkoo cagacad oo qaawan oo buurya qab ah. Siduu yiriba sare ahaaye: ÔSidii aan u billownay oo ay ahaayeen abuurkoodii hore, sidaa baan ku soo bixineynaa, waan ballan qaadnay, sidaa baynuna yeeli doonnaa. Suuradda. Al-Anbiyaa: Aayadda 103.

Dadkana maalinta qiyaamaha Nebi Ibraahiim baa dhar loo hor siinayaa. Waxaana la keeni doonaa rag ummaddayda ah, waxaa la marinayaa xagga bidix, oo naarta u dhow. Waxaan oranayaa: Rabbiyoow kuwani waa asxaabtaydii. Markaa baa waxaa laygu oran doonaa: Ma ogid dabadaa waxay la yimaadeen oo bidca ah, hal abuureenna. Markaasaan oranayaa sidii uu addoonkii suubbanaaba Ciise, wiilkii Maryam, yiri: ‘ Intii aan dhexdooda joogey baan u war hayey, markii aad i oofsatayna Adaa Adigu ahaa kan ilaalinayey, Adaana wax walba markhaati ka ah. Haddii aad cadaabaysana waa addoommadaadii, haddii aad u dhaafaysana Adaa Adigu ah awood badnaha xigmadda badan. Suuradda Al-Maa’ida: Aayadaha 117-118.

Waxaa haddana la ii sheegi doonaa in tan iyo markii aan ka tagay (dhimashadeyda kaddib) inay ku jireen xaalad ah inay ka noqdaan diinta iyo waxyaalaha ay fareyso’. (Bukhaari iyo Muslim)

166. Abuu Saciid Cabdullaah bin Muqaffal (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) Wuxuu reebay farganka, wuxuuna yiri: ÒShiishka noocan ah kuuma dilo ugaar kaama ceshana cadowga, waxayse dhaawac gaarsiisaa indhaha, jebisaana ilig’. (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kalena waxay ahayd: Nin ay qaraabo dhow yihiin Cabdullaah bin Muqaffal baa fargan qof ku tuuray. Markaa buu Cabdullaah bin Muqaffal ka reebay oo yiri: Nebigu (S.C.W.) farganka waa reebay wuxuuna yiri: Ugaar ma dilo. Ninkii ma uusan maqlin oo dan uma gelin hadalkii lagu yiri oo wuxuu halkii ka sii waday fargan tuurkii. Markaa buu Cabdullaah bin Muqaffal ku yiri: waxaan kuu sheegay inuu Nebigu (S.C.W.) reebay fargankan adiguna waad sii tuuraysaa, weligay kulama hadli doono mar kale.

167. Caabis bin Rabiicah (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan arkay Cumar bin Khaddaab oo Xajarul aswadka dhunkanaya (Kacbada dhexdeeda) oo leh: Waa aan ogahay inaad dhagax tahay oo aadan dhib iyo dheef toonna lahayn, haddii aanan arag Rasuulkii Alle (S.C.W.) oo ku dhunkanayana, marnaba kuma dhunkadeen’. (Bukhaari iyo Muslim)

Fiiro gaar ah:Dhowrista iyo ilaalinta sunnada nabiga (S.C.W.) iyo inaad adoo raalli ah, aad aqbashaa waa waajib iyo xil saaran qof kasta oo Muslim ah goor iyo waa walbaba, sida ay ku dhawaaqeen aayadaha Qur’aanka, Alle weynaa oo kor ahaaye ma saarin rususha xil ah oo keliya inay diinta dadka gaarsiiyaan, bal wuxuu ka yeelay macallimiin, hanuuniyayaal, toosiyayaal, iyo tusaale lagaga daydo dhaqanka suubban, si falalka iyo hadalladooda ileys looga dhigto mugdiga lagu iftiinsado, iyo dhabbo la raaco. Taasina waa lagama maarmaan si ay dadku u ogaadaan in adeecidda rasuulka Alle ay tahay cibaado. Alle wuxuu yiri: ‘ Kii rasuulka adeecaa, wuxuu adeecay Alle’.

Back Home Next

 admin@alimuse.com

Hit Counter


Home
Up

Qur'aan Self-Study

Islamic Media Share, Alimuse.net

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Islamic Media Share

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Abubakor Islamic

Duruus

SomaliQuraan.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu. Fadlal waxaad nagala soo xidhiidhikartaa info@alimuse.com
                                              
Copyright© 2014 Alimuse.com/                                                                  
13/01/2015 01:33:34