Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Qof Walbow waa Dadaalkaa

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

RIYAADU SAALIXIIN

CUTUBKA 11

Qof Walbow waa adiga iyo Dadaalkaa

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

42. " Kuwa daraadayo u dadaaley waxaan hubaashii ku hanuuninaynaa jidadkayaga, Allena wuxuu la jiraa samaanfalayaasha". Suuradda al-Cankabuut: Aayadda 69.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

43. " Rabbigaa Caabud jeer ay yaqiintu(geerida) kuu timaaddo". Suuradda al-Xijr: Aayadda 99.

Wuxuu kaloo Alle yiri kor ahaaye:

 44. "Xus magac Rabbigaa, xaggiisana go'id u go' ". Suuradda al-Muzammil: Aayadda 8.

Wuxuu kaloo yiri Alle weyne kor ahaaye:

45. " Qofkii fala waxsaxar le'eg oo khayr ah waa uu Arkayaa'. Suuradda al-Zalzalah:Aayadda 7.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

46. " Wixii aad Naftiinna u hormarisaanoo khayr ah, Alle agti baad ka helaysaan isagoo sii weyn oo sii khayr badan". Suuradda al-Muzammil: Aayadda 20.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

 47. " Wixii aad bixisaan oo khayrahba Alle waa og yahay'. Suuradda al-Baqarah: Aayadda 273

95. Abuu Hurayrah (A.K.R.) waxaa lagaa soo xigtay in nabigu (S.C.W.)yiri: Alle kor ahaaye wuxuu yiri: Qofkii qof mu'min ah colaadiya,waa ruux dagaal aniga igula jira. Mana jiraan wax addoonkaygu iigu soodhawaado oo aan ka jeclahay wixii aan ku waajibiyey, mar kasta oo uu addoonkaygusunnooyinka iigu soo dhawaadana (faralka kaddib) waa aan ku sii jeclaadaa.Markii aan jeclaadona waxaan noqdaa maqalkiisa uu wax ku maqlayo iyo araggiisauu wax ku arkayo iyo gacantiisa uu wax ku qabanayo iyo lugtiisa uu ku soconayo.Haddii uu wax i weydiistana waa siinayaa, haddii uu i magan galana waamagan gelinayaa'. (Bukhaari)

96. Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:' Alle kor ahaaye wuxuu yiri: Addoonku markii uu taako ii soo dhowaado,dhudhun baan u soo dhawaadaa, markii uu dhudhun ii soo dhawaadana, baac( dhererka labada gacmood marka la fidiyo in le'eg) baan u soo dhowaadaa,markii uu iigu yimaadana soo socod waxaan ugu imaadaa orod'. (Bukhaari)

97. Ibn Cabbaas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ' Dadbadan baa ku hodan oo aan waxba ka faa'idin labo nicmo; oo kalaah caafimaad qabka iyo kansho (fursad) haysashada, (markaas bayan u caabudinAlle sida uga badan ee waajibka ah inay u caabudaan). (Bukhaari)

98. Caa'isha (A.K.R.) waxay tiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu caadeystayin uu taagnaado in badan waqtiga uu tukanayo Salaatu laylka habeenkii illaacaguhu jeex jeexmeen; markaasaan waxaan ku iri: Rasuul Alloow, maxaad sidaasu yeelaysaa, maadaamuu Alle kuu dhaafay dembigaagiiba mid iyo hore iyomid dambaba? Wuxuu yiri: ' Sow ma aha inaan addoon shukriya ahaado?' (Bukhaari iyo Muslim)

99. Caa'isha (A.K.R.) waxay tiri: Markii ay tobanka maalmoodee dambe ee bisha Ramadaan soo galaan nabiga (S.C.W.) waxaa caado u aheydinuu habeenkii oo dhan cibaado iyo salaad ku soo jeedo, ehelkiisana islaujeedadaa u kiciyo, Salaada buuna badsan jiray oo ku dadaali jirey, guntiganau adkaysan jirey' (Bukhaari iyo Muslim)

100. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:Alle wuxuu in badan jecel yahay mu'minka adag oo ka jecel yahaykan jilicsan, midkood walbana waa fiican yahay. Ku dadaal oo dalab wixiiwax ku taraya oo anfacaad kuu leh adduunka iyo aakhirada. mar walibanaAlle kaalmo weydiiso ha iscandadawalin oo ha is dhiibin. haddii ay waxkugu dhacaana ama dhibaato kugu timaaddo ha oran haddaan sidaas iyo sidaayeeli lahaa sidaa iyo sidaa bay arrin noqon laheyd; waxaadse dhahdaa oo keliya: Qaddarallaahu wamaa shaa'a facal. "Haddaan" waxay oo keliya furfurtaa irdaha camal shaydaanka". (Muslim)

101. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri:Naarta waxaa laga helaa oo ay ku gabban tahay waxyaalaha ay naftu jeceshahayee macmacaanka adduunka ah gadaashooda, Jannadana waxaa lagu xayndaabaycamal adag oo ay naftu neceb tahay '. (Bukhaari iyo Muslim)

102. Xudayfah ibn Yamaan (A.K.R.) wuxuu yiri: Habeen baan salaatul leylla tukaday nebiga (S.C.W.) wuxuu billaabay akhrinta Suuradda al-Baqarah.waxaan islahaa wuxuu ku rukuuci doonaa Aayadda boqolaad, waa uu sii wadayseakhrintii. Haddana waxaan is iri ragcadda horuu ku dhammaynayaa suuraddaal-al-Baqarah, Waa uu sii wadayse akhrinteeda oo markaa billaabay aali-Cimraan,dabdeedna suuradda an-Nisaa. Wuxuu u akhrinayey si kala dhig dhigan ooloo bogayo oo cad. Goortuu akhriyo Aayad ay tasbiixi ku ku jirto, waa tasbiixsadaaooIlaahay ammaanaa, ceeb iyo nuqsaanna ka hufaa, markuu gaaro meel weydiisileh Alluu wax weydiistaa, markuu soo gaaro meel cowdu ballaysi lehna waacowdu billaystaa, oo Ilaahay buu ka magan galaa sida naarta iwm. Dabadeedwaa uu rukuucay wuxuu ku celceliyey ducada: Subxaana Rabbiyal Cadiim (Waxaaceeb iyo nuqsaan ka hufan oo kaamil ah Rabbigaya weynÓ wuxuu rukuucsanaaintii uu taagnaa oo kale. Dabadeedna waa istaagay oo yiri: Samicallaahuliman xamidah Rabbanaa lakal Xamd (Alle waa maqlayaa midka u mahad celinayaoo xusaya Rabbigayow Adigay mahaddu kuu sugnaatay). Dabadeed wxuu taagnaadeyin badan oo intii uu rukuucsanaa ku dhow. Dabadeedna waa sujuudey oo yiri:Subxaana Rabbiyal Aclaa (Waxaa ceeb iyo nuqsaan ka hufan oo kaamil ah RabbigayaSare) wuxuuna sujuudsanaa intii uu taagnaa oo kale. (Muslim)

103. Ibn Mascuud (A.K.R.) wuxuu yiri: Habeen waxaan salaatul leyl latukaday nebiga (S.C.W.) Markaasuu istaaggii dheereeyey jeer aan fekereyinaan falo waxille. Waxaa la weydiiyey: Maxay aheyd waxaasi xun? Wuxuuyiri: Inaan iska fariisto, oo aan ka goosto nebiga (salaaddii). (Bukhaariiyo Muslim)

104. Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:Seddex waxyaalood baa raaca meydka: Ehelkiisa, maalkiisa iyo camalkiisa-Labada hore waa ka soo noqdaan (ehelkiisa iyo maalkiisa) kan seddexaadnawaa ku haraa (oo ah camalkiisa). (Bukhaari iyo Muslim)

105. Ibn Mascuud (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ' Jannaduidiinkaga dhow kabtiinna suunkeeda, waana sidoo kale Naartuna '.(Bukhaari)

106. Abii Firaas Rabiicah ibn Kacab (A.K.R.) oo adeege rasuulka ahaaiyo mid ka mid ah raggii Suffa wuxuu yiri: Waxaan habeenka isku dhaafinjiray la joogidda nebiga (S.C.W.) waxaana u keeni jiray biyo uu ku weeseystoiyo kuwo uu la galo suuliga. Maalin buu wuxuu igu yiri: " I weydiisowaxaad rabto? " Waxaan iri: Waxaan ku weydiisanaya inaan rafiiq kugulaahaado Jannada. Wuxuu i weydiiyey: " Wax kalase? ' Waxaan iri:Waa taas keliya oo ah inaan jannada kugula rafiiqo. Wuxuu yiri: Haddabaigu caawi sujuudda (salaadaha sunnooyinka ah) oo aad badiso.' (Muslim)

107. Thowbaan (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Nebiga (S.C.W.) ooleh: ' Badi sujuudda (salaadaha sunnada ah) Sujuud waliba waxay koru dhigeysaa meeqaankaaga hal derejo, kaana tireysaa mid ka mid ah dembiyadaada'. (Muslim)

108. Abii Safwaan Cabdullaah ibn Busril Aslami (A.K.R.) wuxuu yiri:Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ' Dadka waxaa u kheyr roon qofkii cimrigiisudheeraado, camalka iyo dhaqankiisuna suubbanaado' (Tirmidi) wuxuuyiri waa xadiis xasan ah.

109. Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: Adeerkay Anas ibn Nadar baawuxuu ka maqnaaday dagaalkii beder. Wuxuu ku yiri: nabiga (S.C.W.): RasuulAlloow! waxaa Alle qaddaray inayan ii suura gelin inaan kaala qayb galodagaalkii u horreeyey oo aad la gashay mushrikiinta. Haddii aan helo fursadan kula dagaalo mushrikiinta Alle (wuu ii suura gelin doonaa) inaan muujiyodagaal aqoonteyda. Maalintii dagaalkii Uxud dhacay bay muslimiintii kalayaaceen oo jab soo gaaray. Wuxuu yiri: Alloow adaan kaaga cudur daarteywaxa ay muslimiintu faleen, ka barii yeelayaana naftayda waxa ay gaaladufaleen." Dabadeedna wuxuu sii aaday horay jidkana wuxuu kula kulmaySacad ibn Mucaad. Wuxuu yiri: Sacad ibn Mucaadoow Rabbigii Kacbada ayaanku dhaarane waa Jannadii, waxay iiga carfeysaa udgoonkii jannada Uxud sokadeeda.Sacad wuxuu yiri: Rasuul Alloow ma sifeyn karo waxa uu falay (oo geesinninimoiyo dagaal aqoon ah). Anas bin Maalik wuxuu yiri: Waxaan ku aragnay jirkiisadhowr iyo siddeetan dhaawac oo seef iyo waran iyo fallaar ah, sidaa buuku shahiitay oo loo dilay. intaana ugama harina mushrikiintu waxay kidfeenjirkiisa oo gobol gobol ka dhigeen, sanka iyo dhegaha ka jareen heer qofgarta la waayey walaashiis oo garatay maahee farihiisii. Anas wuxu qabayinay aayaddan soo socota ay tilmaameyso isaga iyo wixii la mid ah:

" Waxaa ka mid ah mu'mininta rag ka run sheegay wixii aykula galeen axdiga Alle. Qaar way ka soo baxeen axdigii iyo ballantii ayqaadeen oo waxay ku hureen naftooda dagaalka Waxaana jira kuwo kale oodhowraya. Wax dacfi iyo dabacsanaan ah kuma dhicin ga'aanka iyoaxdigoodii haba yaraatee." Suuradda al-Axsaab: Aayadda 23 (Bukhaariiyo Muslim)

110. Abuu Mascuud Cuqbah ibn Camar (A.K.R.) wuxuu yiri: Markii ay aayaddiifareysay sadaqada soo degtay baan waxaan billownay inaan dhabarkayaga waxku xamaalanno si aan u shaqeysanno, waxna aan ula baxno (wax ka mid ahwaxa aan shaqeysannay) sadaqo ahaan. Nin naga mid ahaa baa xoolo badankeenay oo sadaqa ah. Munaafiqiintii waxay ku sheegeen inuu sidaa u yeelayistustus. Nin kalaa wuxuu baxsahay suus timir ah, Markaa bay waxay yiraahadeen:Alle waa ka deeqtoon yahay timirtiisa.' Markaasay soo degtey: " Kuwatarta ku tiiqaya kuwaa mu'miniinta ah ee la baxa sadaqooyinka iyagooraalli ah iyo kuwa aan heli karin waxaan aheyn dadaalkooda, ee ku jeesjeesaya,Allaa ku jeesjeesaya iyagana. waxayna yeelan doonaan cadaab xanuun badan'.(Bukhaari iyo Muslim)

111. Saciid bin Cabdul Casiis wuxuu ka soo xigtay Rabiica bin Yaziid,oo isna ka soo xigtay Cali Idriis al-Khawlaani, oo isna ka soo xigtay AbuuDarr (A.K.R.) oo sheegay inuu Rasuulkii Alle yiri: " Alle kor ahaayewuxuu yiri: ' Addoommadaydoow anigu waan ka xaaraantimeeyey nafteydadulmiga, waxaana ka dhigay xaaraan dhexdiinna. Ee cidna yaan la dulim;Addoommadaydoow, dhammaantiin waa aad wada dhunsan tihiin mid aan hanuuniyomaahee ee hunuun i weydiista aan idin hanuuniyo'e. Addoomadaydoowdhammaantiin waa aad wada baahan tihiin mid aan quudiyo maahee, ee quudi weydiista aan idiin quudiyo,e. Addoommadaydoow dhammaantiin waa aad wadaarradan tihiin mid aan hu' siiyo ma ahee ee hu' i weydiista aan idin arad tiro'e. Addoommadaydoow, habeen iyo maalinba waa aadgefeysaan aniguna dambiyada oo dhan baan dhaafaa, ee dambi dhaaf i weydiistaaan idiin dembi dhaafo'e. Addoommadaydoow, awood uma yeelan kartaaninaad dhib ii geystaan, sidoo kalena awood uma yeelan kartaan inaad waxtariyo wanaag ii gashaan. Addoomadaydoow, haddii kiinni u horeeyey iyo kiinniiu dembeeyey iyo jin iyo insiigiinnuba aad yeelataan qofkiinna u taqwo iyoAlle ka cabsi badan qalbigiisa, waxay taasu mulkigayga ku kor dhinaysolama arko. Addoomadaydoow, haddii kiinnii u horeeyey iyo kiinna u dambeeyabaiyo jinikiinna iyo insigiinnuba aad yeelataan qofkiinna u faajirsan qalbigiisawaxay taasu mulkigayga ka dhimayso lama arko. Addoommadaydoow, haddii kiinniiu horreeyey iyo kiinii u dambeeyey iyo insigiina iyo jinkiinnubba aad bansoo wada istaagtaan oo i baridaan oo aan ruux walba siiyo wixii uu igabaryey, wax ay taa iga naaqusinayso lama arko waa uun sida irbad bad ladhex geliyey oo laga soo bixiyey. Addoommadaydoow, anigu waxaan qof walibau tixgelin camalkiisa oo qof waliba ka jaza siin. Marka qofkii abaalgudwanaagsan hela iyo kheyr waa inuu Alle uga mahad celiyaa taa, kii wax kalelagu abaalmariyaana yuusan ku eedin taa cid aan naftiisa aheyn. (Muslim)

Saciid ibn Cabdulcasiis wuxuu yiri: Abuu Idriis al-Khawlaani kolkuuxadiiskan sheegayo jilbaha ayuu dhulka dhigan jiray xurmo iyo qaddarinAlle (S.W.T.) awgi .

Fiiro gaar ah: Mujaahida waxaa la yiraa in loo halgamo arrin wanaagsanoo xaq ah ama dar Alle sida fidinta iyo kor yeelidda diinta Islaamka. Culimadunawaxay yiraahdaan taa baa ah jihaad kan u wanaagsan. Xadiisyada qaarbaawaxay leeyihiin inuu qofku ka hortago sharka ka dhici kara, xumahana naftiisakala dagaalo iyo hawada xun baa ah jihaad kan u wanaagsan.

Back Home Next

admin@alimuse.com


Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:11