Alimuse.com
Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Daalacashada Alle

Home
Up

CUTUBKA 5

DAALACASHADA ALLE IYO U JEEDKIISA ADOOMAHA

 Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

 16. “ Waa kan ku arka marka aad kacayso iyo marka aad wax ka sujuudaysaba” Suuradda Ash-Shucaraa:Aayaddaha: 218-219

 Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

17. “ Waa uu idinla joogaa ( macnaha idinka warqabaa Ilaahay) meel aad joogtaanba”. Suuradda al-Xadiid: Aayadda 4

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

18: “ Ma jiraan wax Alle ka qarsoon oo cirka iyo dhulka ku sugan”. Suurada Al-Cimraan5.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

 19. “ Rabbigaa kaabiguu joogaa ( oo u darban yahay abaal marinta). Suurada al-Fajar 14.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

20. “ Wuxuu og yahay Rabbil Cisa Wajalaala wixii ay ishu khiyaanto iyo wixii ay laabtu qarinaysaba” Suuradda Qaafir:Ayadda 19.

60. Cumar bin Khadaab (A.K.R.) wuxuu yiri: Annagoo maalin la fadhinna nebiga (S.C.W.) si kedis ah nin baa soo muuqday kaasoo ay dharkiisu ahaayeen kuwa aad u cad. Timahiisuna ay aad u madoobaayeen, ayanna ka muuqan wax astaan safar ah, cid garaneysana ayan nagu jirin. Wuxuu la fadhiistay nebiga (S.C.W.) oo jilbaha jilbaha u saaray, bawdyahiisana calaacalahiisa saartay, oo yiri: Muxammadoow waa maxay Islaamku? Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Islaam waxaa weeye inaad qirto Ilaah xaq ah ma aan Alle ahayni inuusan jirin iyo in Muxammad yahay Rasuulkiisii, iyo inaad Salaadda aad oogtid, Sekadana aad bixisid (oo ah xaqa saboolka iyo baahanaha), Bisha Ramadaana soontid, soona xajidid haddii aad kartid (mar nolosha). Ninkii wuxuu yiri: waa runtaa. Waxaan markaas la yaabnay inuu wax su’aalo (sida qofaan wax garaneyn) waa runtaana leeyahay oo wuxuu sugayaa inay jawaabtu sax tahay.

Dabadeena wuxuu yiri: Wax iiga sheeg Iimaanka? Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Waa inaad rumaysaa Alle iyo malaa’igtiisa iyo rusishiisa iyo kutubtiisa, iyo maalinta dambeysa ee aakhiro, iyo qaddarka khayrkiisa iyo sharkiisaba. Ninkii wuxuu yiri: waa runtaa ee haddaba ixsaankana ii sheeg?  Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: waa inaad Alle u caabuddid sidii adigoo u jeeda, illeen haddii aadan adigu u jeedin isagaa kuu jeeda’e. Ninkii wuxuu yiri: Maalinta qiyaamo goortay tahay ii sheeg? Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu yiri: taa iskuma dhaano, oo cid og ma jirto (goorta qiyaamuhu dhici) Alle maahee. Ninkii wuxuu yiri: waa hagaag, ee wax iiga sheeg calaamooyinka maalinta qiyaamaha iyo astaamaha muujinaaya inay soo dhowdahay. Nabigu (S.C.W.) wuxuu ku jawaabay: waa inay addoontu wax u dhasho sayidkeeda, oo aad aragto ari jirtii cagaha caddayd ee qaawanayd ee cayrta ahayd oo dhismayaal ku tartamaysa. Dabadeed waa uu tegey ninkii, cabbaar baana halkii joogay Nebigu (S.C.W.) wuxuu igu yiri: Cumaroow ma garaneysay ninkii wax Su’aalayey ciduu ahaa? Waxaan iri: Alle iyo Rasuulkiisa baa iiga cilmi roon. Markaa buu wuxuu yiri: wuxuu ahaa Jabriil oo idiinku yimid inuu idin baro mabaadida iyo qodobbada asaaska u ah diintiinna.”

Fiiro gaar ah: Imaam Nawawi wuxuu yiri inay addoonta wax u dhasho sayidkeeda iyo qofka iska leh waxaa loola jeedaa inay badan doonaan dumarka addoomaha ah eek u hoos nool boqoradda iyo suldaannada kuwaasoo laga yaabo inay carruur u dhalaan sayidkooda ama carruurtiisa oo markaa caado iyo dhaqan ahaan loo yiraahdo waa reer boqor, halka ay hooyadood weli tahay addoon kuwaa ay dhashay ka amar qaadaneysa, ama waxaa loola jeedi karaa inay carruurta ay ku caasin doonaan waalidkood carruurtaa oo hooyooyinkood ula dhaqmi doona sida ay yihiin booyoosooyin ama addoomo guriga u jooga.

61. Abuu Darr iyo Mucaad ibn Jabal (A.K.R.) waxay yiraahdeen: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “ Alle ka cabso, meel aad joogtidba, samaanna ka daba gee xumaantii kaa dhacda waa ay dhaqaysaaye, kulana dhaqan dabci wanaagsan dadka”. (Tirmidi) Wuxuu yiri waa xadiis cuskasho iyo sanad wanaagsan leh).

62.” Ibn Cabbaas (A.K.R.) wuxuu yiri: anigoo maalin Nebiga (S.C.W.) daabbad (xoolo ah) la saaran gadaashina fadhiya buu wuxuu yiri: Maandhow, waxaan doonayaa inaan ku baro kelmado ee iga xafid kelmadahan: Taxaddar oo fuli Alle wuxuu ku amray oo si wanaagsan u ilaali. Alle ha iskakaa xilsaaro oo ha ku dhowro’e. Waana inaad dhowrtaa xuquuqdiisa, Waxaad mar walba ka heli doontaa la jirkaaga, haddii aad wax dooneyso, Alle weydiiso, markii aad kaalmo dooneysidna, ka dalab Alle oo keliya kaalmo. Waxaadna ogaataa haddii ay ummaddu isugu tagto inay wax ku tarto, kuma tari karto wax Alle kuu qorey maaahee, haddii ay isugu tagto inay wax ku yeeshana kuma yeeli karto wax Alle kuu qoray maahee. Qalinkii waa la joojiyey, wixii lagu qorayna buugga qaddarka iyo waraaqihiisiina waa qallaleen. (Tirmidi) wuxuuna yiri waa xadiis sanad wanaagsan oo cuskasho leh.

Kutub kale oo sunanka ah waxay dhigayaan siyaadadan: Fuli oo dhowr amarrada Alle, waxaad ka heli hortaada’e. Xusuusnow Alle goorta barwaaqada, wuxuu ku xusuusanayaa goorta dhibta. Waxaadna ogsoonaataa wax kugu dhacay inuusan ku seegeen, Wax ku seegeyna uusan kugu dhaceen. Waxaad ogaataa in guushu ay sbarka ku jirto, kurbedana ferej ku xigo; culeykana fudayd ka dambeeyo.”

63. Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaa (badnaa) aad fashaan waxyaalo tin idin kala yar (oo waxba aan idiin kugu fadhiyin, dembi inay yihiinna aadan u qabin sida aad u yareysaneysaan) ha yeeshee waagii Nebiga (S.C.W.) aan ku tiring jirney waxyaalaha lagu rogmado ee halista ah”.  (Bukhaari)

64. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Alle kor ahaaye waa qiiroodaa, waxayna timaaddaa qiiradiisu markuu arko qof ku dhex jira fal uu ka reebay, markaasoo uu  qiiroodo, kana caroodo taa, qofkiina uu ciqaab ka muto inuu toobad keeno maahee qofku, ama Alle naxariistiisu haleesho.’ (Bukhaari Muslim)

65. Abuu Hurayra (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan maqlay nebiga (S.C.W.) oo leh: Alle si uu u imtixaano seddex nin oo reer banii Israa’iil ah, mid baras qabeen ah, kan kalena bidaarleh (timihii ka go’een), kan seddexaadna idhool yahay, ayaa Alle wuxuu u soo  diray malag qaab Aadane leh. Malagii wuxuu u yimid baras qabeenkii wuxuuna weydiiyey: Maxaad wax ugu jeceshahay? Wuxuu yiri: Midab iyo dub Wanaagsan iyo inaan ka bogsado cudurkan dadkii igu nacay. Malagii baa gacantiisa mariyey korkiisii markaasaa cudurkii ka ba’ay, jirkiisiina yeeshay midab wanaagsan. Malaggii baa sii weydiiyey maal waxa uu ugu jecel yahay? Ninkii wuxuu yiri: Gee lama lo’ (weriyihii xadiiska ayaa shakiyey labadaas miduu yiri). Ninkii sidaa baa waxaa lagu siiyey hal riman oo toban sidda ah; malaggiina yiri: Allaha kuu barakeeyo.

Markaa kaddib buu wuxuu u tagey malaggii kii timuhu ka madheen oo weydiiyey: Maxaad wax ugu jecelshahay? Ninkii wuxuu ku jawaabay: Timo qurxoon iyo inaan ka bogsado cudurkan dadku igu nacay. Malaggii baa gacantiisii mariyey madaxiisii, cudurkiina waa laga bogsiiyey. Waxaana la siiyey timo wanaagsan. Dabadeedna malaggii baa weydiiyey: Maal maxaad ugu jeceshahay? Ninkii wuxuu yiri: lo’. Markaa baa sac rimman la siiyey; malaggina yiri: Allaha kuu barakeeyo.

Markaa kaddib malaggii wuxuu u yimid ninkii indhaha la’aa oo weydiiyey: Maxaad wax ugu Jeceshay? in Alle araggayga ii soo celiyo oo aan dadka arko hareerahayga ah. Malaggii baa gacanta mariyey indhaha indhoolkii Allaana araggiisii u soo celiyey. Dabadeedna  malaggii baa wuxuu weydiiyey: Maal waxa uu ugu jecel yahay? Ninkii wuxuu yiri: Ari ‘ . markaa baa la siiyey ri rimman oo ilmo caloosha ku sida. Xoolihii baa kulligoodba u tarmay oo u batay oo mid wuxuu yeeshay kadin geel ah, kii kalena wuxuu yeeshay lo’ fadhi ah, kii seddexaadna wuxuu yeeshay diigaanyo ari ah.

Muddo kaddib, buu malaggii soo booqday kii barasqabeenka ahaa malaggii oo u eeg siddii uu isagu ahaan jirey oo ku yiri: Waxaan ahay nin sabool ah, oo baahan, safar ah, sahaydiina ka go’day, Alle dabadina ciirsi aan adiga ahayn heysan ee si aan u gaaro meeshii aan safarka u socday. Waxaan kugu waydiisanayaa magaca Allihii ku siiyey midabka iyo dubka wanaagsan iyo maalka inaad i siiso rati aan safarka u kaalmaysto. Ninkii wuxuu muujiyey inuusan kari-karin inuu wax u qabto malaggii oo wuxuu yiri: qaaman badan baan ku jiraa oo layga rabo inaan gudo. Malaggii wuxuu yiri: waxaad mooddaa  inaan hadda ka hor ku arkay. Sow ma aadan ahayn barasqabeenkii, dadku ka carari jiray, fiqiirkana ahaa, Allena uu deeqda siiyey? Ninkii wuxuu yiri: Mayee waxaan ka dhaxlay maalkan awoowayaalkey. Malaggii wuxuu yiri: Haddii aad been sheegaysid, sidaadii hore Allaaha kugu celiyo. Dabadeedna wuxuu u yimid malaggii kii ay timuhu ka madhan jireen isagoo sidii uu ahaan jirey oo kale ah, oo yiri: wixii uu kan hore ku yiri oo kale, isna sidii barasqabeenkii ku jawaabay oo kale buu ku jawaabay. Isagana sidoo kale wuxuu ku yiri: haddii aad been sheegaysid, sidaadii hore Allaha kuu celiyo.

Kaddib malaggii wuxuu booqday kii indhaha la’aa isagoo malaggu iska soo dhigay sidii uu ahaan jirey oo kale kaa indhoolaha ahaa oo ku yiri: Waxaan ahay nin sabool ah, safar ah, sahaydiina ay ka go’day Alle dabadina aan wax ciirsi heysan ii suuro geliya inaan gaaro meeshii aan ku socday. Waxaan magaca Allihii araggaaga kuu soo celiyey kugu weydiisanayaa ri’ aan safarka u kaalmaysto. Ninkii wuxuu yiri: Alleylehe indhool waa ahaa araggaygiina Alle waa ii soo celiyey ee wixii aad doontana kaxayso, wixii aad doontana ka tag, Allaan ku dhaartay, inaanan kuu diideyn waxa aad doonayso inaad ku qaadato magaca Alle, Rabbiga cisada iyo sharafta iyo weynanka u saaxiib ahaaday. Malaggii wuxuu yiri: Heyso xoolahaaga oo dhan. Seddexdiina waa la idin wada imtixaanay. Alle, run ahaan, raalli buu kaa yahay, wuxuuna u careysan yahay labadaadii saaxiib. (Bukhaari iyo Muslim)

66. Abuu Yaclaa Shayddaad ibn Aws (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qof  caqli lihi waa kii naftiisa iyo jirkiis xaaraan ka dhowra iyo wax dhibaya, naftiisana wax xille leh ka fogeeya kuna dadaalo wixii anfacaya geerida kaddib. Caaquna waa kii naftiisa xarigga uga fura wax kastoo ay doonto oo hawa raaca ah, Allena ka sugaayo fulinta ididdillada iyo hawadiisa xun. (Tirmidi)

 Sh. Al-Baani wuxuu yiri xadiiskan waa daciif, xujo iyo cuskasho aan gelin. Inkastoo uu macno ahaan sax yahay.

67. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebgu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qofka Islaam wanaagiisa waxaa ka mid ah inaanu isku howlin arrimo aan faa’ido ugu jirin adduunka ama aakhiradiisa” (Tirmidi) wuxuuna yiri waa xadiis xasan ah.

68. Cumar ibn Khaddaab (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Xaq iyo dow ma aha in maxaad u dishay la yiraahdo nin naagtiisa u dilay (inu toosiyo) (Abuu Daawuud iyo rag kale baa weriyey).

Sh. Al-Baani wuxuu yiri xadiiskan waa daciif, aan xujo ahaan loo soo qaadan kareyn.

Allaahu Aclam, Fadlan lasoco Casharada dambe ee kitaabkan Riyaadu Saalixiin hadii Eebe idmo.

Back Home Next

admin@alimuse.com

 


Home
Up

Qur'aan Self-Study

Islamic Media Share, Alimuse.net

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Islamic Media Share

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Abubakor Islamic

Duruus

SomaliQuraan.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu. Fadlal waxaad nagala soo xidhiidhikartaa info@alimuse.com
                                              
Copyright© 2014 Alimuse.com/                                                                  
13/01/2015 01:33:35