Alimuse.com
Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Casharka32

Home
Up

DAGAALKII BADAR (Qaybtii 4aad)

Markii dagaalkii dhamaaday ayaa Rasuulu SCW yiri “yaa soo eegaya waxa Abii Jahal lagu sameeyey?” markaas ayaa asxaabta qaar ka mid ah baadi goob u galeen. Waxaa helay Cabdullaahi ibnu Mascuud isagii oo naf xumi ku jirto, Cabdullaahi qoorta intuu cag ka saaray, garkana qabtay ayuu madaxa ruxay kuna yiri “ma wuusan Alle ku hoojin cadowgii Allow?”. Abii Jahal wuxuu yiri “maxaa i hoojiyey, ma nin tolkiis diley baan u horreeyey, yaase maanta guusha helay?”, Cabdullaahi wuxuu yiri “Alle iyo Rasuulkiisa SCW ayaa helay”. Markaasuu Abii Jahal yiri “ari raaciiyow waxaad maanta kortay meel sarreysa”, Cabdullaahi wuxuu yiri “weligeedba islaamka ayaa sarrayn jirey”. Ka dib Cabdullaahi intuu madaxii ka soo gooyey ayuu u keenay Rasuulka SCW oo yiri “Rasuulkii Allow, cadowgii Alle ee Abii Jahal madaxiisii waa kan”. Rasuuku SCW markuu arkay wuxuu yiri “Allihii isaga maahane uusan Ilaah kale jirin baan ku dhaartaye ma isagii baa?! Allaah ayaa weyn, Allaah ayaa mahad leh, Allihii yaboohiisii ku run sheegay, addoonkiisii u gargaaray, axsaabtiina keligiis jebiyey”. Ka dib wuxuu Rasuulku SCW yiri “kani (Abii Jahal) waa fircoonkii ummaddaan”.
    
     Wuxuu Nabigu SCW yiri “waxaan aqoonsaday in rag reer bini Haashim ka mid ah iyo kuwo kaleba la soo khasbay oo ay san dagaalkeenna dooneyn, haddaba qofkii la kulma qof reer banii Haashim ah yuusan dilin, qofkii la kulma Abaa Bakhtari binu Hisham yuusan dilin, qofkii la kulma Cabbaas binu Cabdimudhalibna yuusan dilin waa la soo khasbaye”. Markaas ayaa Abuu xudeyfa binu Cutba, oo aabbihiis, walaalkiis iyo adeerkiis lagu dilay goobta, yiri “ma waxaan leyneynaa aabbayaashayo, walaalahayo iyo qaraabadayo, Cabbaasna waa iska deynaa? Ilaah baan ku dhaartaye haddii aan la kulmo seef baan ku dilayaa”. Arrintii ayaa Rasuulka SCW loo sheegay, markaas ayaa Cumar binu Khadhaab yiri “ii daa Rasuulkii Allow aan seef qoorta uga gooyee, Ilaah baan ku dhaartaye waa munaafaqoobey”. Abuu Xudeyfa wuxuu dhihi jirey “kama aammin ihi kalimadii aan iri maalinkii Badar, waana ka cabsi qabaa in la ii dhaafi doono ilaa in shahaado (shahiidnimo) la iig dhaafo maahane”. Abuu Xudeyfa wuxuu aakhirkii ku shahiiday dagaalkii Yamaama.
    
     Ninkii la oran jirey Abaa Bakhtari oo Rasuulku SCW yiri yaan la dilin, waxay ahayd sababta loo yiri, markii Makka la joogey ayuu Rasuulka SCW ka celin jirey dadka, Rasuulka SCW iyo islaamkana wax dhib ah uma geysan jirin, wuxuuna ka mdi ahaa raggii baabi’ieyey warqaaddii kacbada ku dhegsaneyd ee lagu cunaqabateeyey rer banii Haashi, hase ahaatee ninkaas waa la diley oo rag asxaabtii ka mid ah ayaa arkay isaga iyo nin kale oo saaxiibkiis ah, markaasay ku dheheen “adiga kula dagaallami mayno oo waa nalaka reebay dilitaankaaga”, markaasuu yiri “saaxiikayna” waxay dheheen “ma deyneyno saaxiibkaa”, markaasuu ku yiri “haddaba waa wada dhimanaynaa aniga iyo saaxiibkey”, markaas ayey dagaallameen oo labadoodiiba halkaas lagu diley.
    
     Sidoo kale Cabdirahmaan binu Cawf oo wata canbuur bireedyo uu soo qaniimeystey ayaa wuxuu soo maray Umaya ibnu Khalaf oo ahaa ninkii Bilaal addoonsan jirey, ciqaabka daranna mariyey (markii uu Bilaal islaamay) iyo wiil uu dhalay Umaya oo la oran jirey Cali oo meel taagan markii ay arkeen in aysan fakan karin, markaasaa Umaya la hadlay Cabdiraxmaan oo ay ahaan jireex saaxiibbo waqtigii jaahiliga ee Makka la joogey, wuxuuna ku yiri “canbuur bireedyadan aad wadato anigaa kaga faa’iido badan ee miyaadan xoolo dooneyn “oo uu ula jeeday in isaga iyo wiilkiisa uu qafaalo si aan loo dilin, dabadeedna ay hadhow xoolo tiro badan isku furtaan. Cabdirahmaan, intuu canbuur bireedyadii tuurey, ayuu kexeeyey Umaya iyo wiiliisi”, goor uu sii wado ayuu Umayd ku yiri Cabdiraxmaan; “kumuu ahaa ninkii riishadda xabad ku watay? markaasuu Cabdiraxmaan yiri “wuxuu ahaa Xamsa ibnu Cabdimudhalib”, Umaya wuxuu markaa yiri “kaas ayuu ahaa ninkii arrinta nagu sameeyey (na laayey)”. Cabdiraxmaan wuxuu yiri “goon aan dhexda sii marinayo ayaa waxaa arkay Bilaal, markaasuu dhawaaqay oo yiri “waa madaxii kufriga Umaya ibnu Khalaf magangal kuuma sugnaan”, markaasaan iri “waa u sugnaaday magangal”, Bilaal ayaa markaa aad u dhawaaqay oo yiri “Ansaartii Allaay waa kufriga Umaya ibnu Khalaf magangal uma sugnaan”. Ka dib way na hareereeyeen, aniguna waan isku daboolay, markaas ayey wiilkiisii seef lug uga gooyeen, Umaya ayaa markaa qaylo aanan weligey iyadoo kale maqal ku qeyliyey, markaas ayaan ku iri “badbaadi naftaada magangal kuuma sugnaanine, aniguna Ilaah baan ku dhaartaye wax kuuma tari karo”. Ka dib seefihii ayaa lagu boobey ilaa laga takhalusay labadoodiiba”. Cabdiraxmaan mid ka mid ah seefihii muslimiinta ayaa dhudhunka uga dhacday, ka dib Cabdiraxmaan wuxuu dhihi jirey “Alle ha u naxariisto Bilaal dhudhunkeygii ayuu dhaawacay, asiirkieygiina (qafalkeygiina) waa diley”.
    
     Cumar binu Khadhaab sidoo kale wuxuu maalinkaas diley abtigiis Caasin binu Hishaam, Abuubakarna wuxuu u dhawaaqay wiilkiisii Cabdiraxmaan oo dhinaca gaalada ka soo jeedey isagoo leh ‘qurunyahow meeyey maalkeygii”, markaasuu Cabdiraxmaan yiri “waxaa ka haray hub, faras carbisan iyo seef dileysa duq baadiyoobey”.
    
     Waxyaabihii mucjisaadka ahaa ee meeshaa ka dhacay waxaa ka mid ahaa; ninka la yiraahdo Cukaasha binu Muxsin ayaa waxaa jabtay seeftiisii, markaasuu Rasuulka SCW u yimid isagoo seef ka doonaya. Rasuulku SCW, wuxuu siiyey qori wuxuuna ku yiri “ku dagaal Cukaash”. Markii uu Cukaasha qaatay ayey ruxantay oo noqotay seef dheer oo adag, birteeduna caddahay, dagaalkii ayuuna ku galay Cukaasha, waxaana seeftaa la dhihi jirey Cawn, wuuna heysan jirey oo wuxuu ku geli jirey jikhaadyada ilaa uu aakhirkii ku shahiidey dagaalkii uu Abuubakar ku qaaday dadkii riddoobey markuuu Rasuulku SCW geeriyoodey. Sidoo kale waxyaabihii uu iimaanku ka muuqday ee goobtii badar ka dhacay waxaa ka mid ahaa; markuu dagaalku dhammaaaday ayuu Muscab binu Cumeyr soo maray walaalkiis Abii Casiis binu Cumeyr oo nin muslim ihi soo qafaalay. Markaasuu ku yiri “si fiican u adkee hooyadiis xoolo ayey leedahay oo waxaa la arkaa in ay furato”. Abuu Casiis aya markaas yiri “ma taas ayaad ii dardaarantay walaalkayow”. Muscab wuxuu yiri “kan ayaa walaalkay ah” oo uu ula jeeday saxaabigii waday.
    
     Arrimahaas oo ku tusinaya sida uu asxaabta Rasuulka SCW iimaanku qalbigooda u degey oo aysan wax yar oo naxariis ah ugu hayn dadkaas Ilaahay diintiisii iyo manhajkiisii la colleytamay haba ahaadeen aabbayaashood, addeeradood, walaalahood, abtiyaashood ama qaraabadoodii. Waxayna ku run shegeen aayaatkii Allaah sida kuwaan:
    
     ((KUWA MU’MINIINTA AHW HAKA YEELANINA AABAYAALKIIN IYO WALAALIHIIN WALIYO HADDAY GAALNIMO KA JECLAADAAN IIMAANKA, CIDII KA WALI DHIGATA (GAALO) OO IDINKA MIDA, KUWAASAA UN DAALIMIIN AH)), (Suuratu-Tawbah 23).
    
     ((MA HELAYSID DAD RUMEEYEY ALLE IYO MAALINKA AAKHIRO IN AY JECLAADAAAN CID KHILAAFTAY ALLE IYO RASUULKIISA, HABA AHAADAAN AABAYAALKOOD, CARUURTOODA, WALAALAHOOD, IYO QARAAABADOODA, KUWAAS (AAN JECLAANIN GAALADA) WAA KUWA QULUUBTOODA LAGU QORAY IIMAANKA, WUXUUNA (ALLE) KU XOOJIYEY GAG GAAR XAGIISA KA AHAADAY, WUXUUNA GALINAYAA JANNOOYIN AY HOOSTEEDA SOCONAYAAN WABIYAAL, WAYNA KU WAARAYAAN DHEXDEEDA, ALLE WAA KA RAALI NOQDAY IYANA WAA KARAALI NOQDEEN, KUWAASI WAA XISBIGA ALLE, XISBIGA ALLE UN BAANA LIIBAANAY)), (Suuratul-Mujaadala 22).

    
     Ugu dambayntii markii dagaalkii dhammaaday, jab iyo halaagna ku habsaday ciidankii kufriga ee difaacayey waddada baadhilka ah ee sheydaanka, ayna u qaybsameen wax dhintay, wax la qafaashay iyo wax cararay oo uu dhaawac ka buuxo, Allaahna uu guul iyo nasri u soo hooyey xisbigiisii u dagaallamayey in kalimadda Allaah kor noqoto, kalimadda sheydaankuna hooseyso, goobtiina ay iyagu furteen oo u hareen, ayaa Rasuulku SCW wuxuu amray in ceel ka mid ahaa ceelashii Badar lagu guro bakhtigii gaalada, markaas ayaa lagu guray iyadoo qof qof laagu ridayo.
    
     Dadkii muslimiinta ahaa ee goobtaas ku shahiiday waxay dhammaayeen 14 nin; 6 Muhaajiriin ah iyo 8 Ansaar ah, gaaladana waxaa ka dhintay 70 nin oo u badnaa madaxdoodii iyo odeyaashoodii, waxaana laga qafaashay 70 nin oo kale. Rasuulku SCW raggii odeyaashooda ahaa ayuu magacyadoodii ugu yeeray oo ku yiri “ma idin farax gelineysaa in aad Ilaah iyo Rasuulkiisa adeecdaan? annagu waan helnay wuxuu Rabbigayo noo ballan qaaday isaga oo xaq ah ee ma hesheen wuxuu Rabbigiin idiin ballan qaaday isaga oo xaq ah?” Cumar binu Khadhaab ayaa Rasuulka SCW ku yiri “Rasuulkii Allow maxaad ula hadlaysaa jir aan naf lahayn?”, wuxuu markaas Nabiga SCW yiri “Allihii nafsadda Maxammad gacantiisa ku jirtey baan ku dhaartaye ugama maqal badnidin waxa aan leeyahay, laakiin ma jawaabayaan”.

DAGAALKII BADAR [Qaybtii 5aad]

Ciidankii gaaladu markii ay hasiimo ku dhacday oo uu jabay ayuu kala firxaday iyadoo uu nin walba wejiga saaray meeshii ka horreysey. Magaaladii Makkana waxa ay suggeysey natiijada dagaalka iyo warka cusub ee ka soo yeeri doona goobta dagaalka.
     
     Ibnu Hishaam wuxuu yiri “ninkii ugu horreeyey ee Makka tagay wuxuu ahaa nin la oran jirey Xaysamaan binu Cabdullaahi Al-khusaaci, markaas ayaa lagu yiri “bal noo warran”, wuxuu yiri “Cutba binu Rabbiica waa la dilay, Shayba binu Rabbiica waa la dilay, Abii Jahal binu Hishaam waa la dilay, Umaya ibnu Khalafna waa la dilay”. Markuu raggii magaca lahaa oo dhan tiriyey ayaa waxaa hadlay Safwaan binu Umaya oo qolka dhexdiisa fadhiyey wuxuuna yiri “Ilaah baan ku dhaartaye kani waxba ma oga ee bal aniga i weydiiya (iga waraysta) xaalkeyga”, markaas ayey dheheen “ka warran Safwaan binu Umaya?”, wuxuu yiri “waa kaa halkaa fadhiya, Ilaah baan ku dhaartaye aabbihiis iyo walaalkiis ayaa arkayey markii la dilayey.
    
     Dhinaca Madiina, oo iyaguna sugayey akhbaarta cusub iyo waxa soo yeeri doona, ayaa markuu Rasuulku SCW helay narsirii Allaah waxa uu dhinaca Madiina u diray labo nin oo asxaabtiisa ka mid ahaa oo kala ahaa; Seyd binu Xaarith iyo Cabdullaahi binu Rawaaxa. Wuxuuna u kala diray labada dhinac ee magaalada Madiina. Dhinaca sare wuxuu u diray Cabdullaahi, dhinaca hoosena Seyd.
    
     Yahuuddii iyo munaafiqiintii joogey Madiina waxay intaa dagaalka lagu maqnaa fidinayeen dacaayado been ah ilaa ay markii dambe faafiyeen in Nabiga SCW la dilay. Nin munaafiqiinta ka mid ahaa ayaa wuxuu arkay Seyd binu Xaarith oo soo socda oo fuushan hashii Rasuulka SCW, markaas ayuu yiri “Maxammad waa la dilay waa tan hashiisii aannu ku naqaanay, kanina waa Seyd oo aan ogeyn waxa uu ku hadlayo argagax dartiis, firxadkii baana yimid.” Wax yar ka dibse markii ay labadoodii (Seyd iyo Cabdullaahi) galeen magaaladii ayaa dadkii muslimiinta ahaa isku soo hareereeyey iyagoo dhagaysanaya warka cusub ee ka soo yeeray goobtii dagaalka. Markii ay dhegaysteen guusha iyo nasriga uu Ilaah muslimiinta u soo hooyey waxaa la ruxantay tahliil iyo takbiir, Usaama binu Seyd wuxuu yiri “Waxa uu warku noo yimid annaga oo markaa ciidda ku rognay gabadhii Rasuulka SCW Ruqiya binu Maxammad SCW, oo uu qabay Cusmaan ibnu Cafaan. Xanuunkaas gabadha awgeed ayuu Rasuulku SCW Cusmaan uga soo reebay ciidanka, qaybtiisii dagaalka badarna waa uu u dhigay.
    
     Rasuulku SCW waxa uu sii degganaa goobtii Badar saddex maalmood, laga soo bilaabo markii uu dagaalku dhammaaday. Intii meeshii la joogay muslimiinta qayb ka mid ahi waxa ay ceyrsadeen gaaladii, qayb kalena waxa ay ururinayeen qaniimadii meesha laga helay, qayb saddexaadna Rasuulka SCW ayey waardiyeynaysay. Khilaaf yar ayey markaas asxaabtu isku khilaafeen xoolihii qaniimada ahaa ee gaalada laga furtay. Markaas ayaa Rasuulu SCW amray in xoolihii oo dhan la soo ururiyo oo isaga loo keeno. Waxaa markaas soo dagtay aayaddan:
    
     ((WAXAY KU WAYDIINAYAAN (XUKUNKA) QANIIMADA, WAXAAD DHAHDAA QANIIMADA WAXAA ISKA LEH ALLE IYO RASUULKA SCW, EE KA BAQA ALLE OO WANAAJIYA DHEXDIINA, WAXAADNA ADEECDAAN ALLE IYO RASUULKA SCW HADDII AAD TIHIIN MU’MINIIN)), (Suuratul-Anfaal).
    
     Ka dib Rasuulka SCW iyo ciidankiisii Madiina ayey aadeen iyagoo wata 70 nin oo qafal ah. Maxaabistaas waxaa waday Cabdullaahi ibnu Kacab. Rasuulku SCW wuxuu markaas degay meel dhexe oo uu ciidankiiiugu qaybiyey xoolihii gaalada laga soo furtay, ka dib markuu ka saaray khumuskii.
    
     Intaa ka dib Rasuulku SCW jidka ayuu sii qaaday, markuu marayo meesha la yiraahdo Safraa ayuu amray in la dilo Nadar binu Xaarith oo ahaa ninkii waday calanka gaalada, kana mid ahaa kuwii ugu waaweynaa dambiilayaasha qureysh, islaamkana aad u necbaa. Waxaa ninkaas qoorta u dheereeyey Cali binu Abii-dhaalib. Waddadii ayay ku sii socdeen Rasuulka SCW iyo ciidankiisii marki ay marayaan meesha la yiraahdo Cirqu Dubaya ayuu Rasuulku SCW amray in la dilo Cuqba ibnu abii Muceydh oo ka mid ahaa 70kii nin ee maxabiista ahaa. Ninkaas oo dhibaatooyinkiisa qaar ka mid ah aynu kitaabkan bilowgiisa kaga soo hadalnay wuxuu ahaa ninkii mandheerta saaray Rasuulka SCW markuu kacbada ku tukanayey, sidoo kale wuxuu ahaa ninkii marada ku ceejiyey Rasuulka SCW oo ku sigey inuu dilo. Haddaba ninkaa oo ka mid ahaa dadkii aadka u dhibay Rasuula SCW iyo diinta islaamka markii uu Rasuulku SCW amray in la dilo ayuu yiri “yaa maatada u jooga Maxammadow?” Rasuulkuna SCW wuxuu ugu jawaabay “naar”. Waxaa ninkaa isagana dilay Caasim binu Thaabit Al-ansaari, waxaa kale oo la dhahaa waxaa dilay Cali binu Abii-dhaalib. Rasuulku SCW qof kale kama dilin dadkii maxaabiista ahaa, laakiin labadaan si degdeg ah ayuu u amray dilkooda shartooda oo badnayd awgeed.
    
     Rasuulku SCW markuu marayo meesha la yirahdo Rawxaa ayaa waxa ka hor tegay qaar ka mid ahaa muslimiintii Madiina ku haray, iyagoo u tahniyadeynaya oo soo dhowaynaya Rasuulka SCW iyo ciidanka, waxaa markaas hadlay Salama ibnu Salaama oo ka mid aha ciidanka oo yiri “maxaad noogu tahniyadeyneysaaan Ilaah baan ku dhaartaye waxaan la kulannay habro fadhfadhiya sidii geelii”, markaas ayaa Rasuulku SCW dhoolla caddeeyey oo ku yiri “walaalkay wiilkiisiiyow kuwaasi waa madaxyoweyn”. Waxaa isna Rasuulka SCW la hadlay Useyd ibnu Xudeyr (oo ka mid ahaa dadkii madiina ku haray) wuxuu yiri “Rasuulkii Allow Ilaah ayaa mahad iska leh, Allihii ishaada qaboojiyey, Ilaah baan ku dhaartaye rasuulkii Allow ma ahayn dib uga dhiciddeyda Badar in aan malaynayey in aad cadow la kulmaysaan, laakiin waxa aan malaynayeey safarkii (in aad lakulmaysaan), haddii aan malayn lahaa cadowgana ma hareen”, Rasuulku SCW wuxuu yiri “run baad sheegtay”.
    
     Rasuulka SCW wuxuu intaas ka dib soo galay magaalada Madiina isaga oo soo guuleystey oo Ilaahay soo ciseeyey. Maxaabiistiina waxaa Madiina la keenay maalinkii ku xigey, wuxuuna u kala dhiibay asxaabtiisa, wuxuuna u dardaarmay in la wanaajiyo. Asxaabtu aad ayey u wanaajiyeen maxaabiistaas oo waxay siinayeen cuntooyinkooda kuwii ugu wanaagsanaa. Rasuulku SCW waxa uu kala tashaday asxaabtiisa sidii uu u geli lahaa maxaabiista. Waxaa hadlay oo fikrad soo jeediyey Abuubakar oo yiri “Rasuulkii Allow, wuxu waa walaalaheen, ilma adeerradeen iyo qaraabadeen, waxa aan anigu u arkaa in aad maal ka qaadatid si wixii aan ka qaadano aan gaalada ugu xoogeysana, iyagana waxaa la arkaa in Ilaahay soo hanuuniyo oo ay garab inoo noqdaan”.
    
     Wuxuu markaa Rasuulku SCW yiri “maxaa aragtaa ina Khadhaabow”, Cumar wuxuu yiri “Ilaah baan ku dhaartaye ma arko ra’yiga Abuubakar ee waxaan arkaa in aad aniga ii dhiibtid hebel qoorta aan ka gooyee, Calina aad u dhiibtid walaalkiis Caqiil binu Abii-dhaalib qoorta ha ka gooyee, Xamsana aad u dhiibtid walaalkiis Cabbas qoorta ha ka gooyee si Ilaahay u ogaado in aannaan wax jacayl ah qalbiga ugu heyn mushrikiinta, kuwanuna waa madaxdoodii iyo hoggaamiyayaashoodii”. Rasuulku SCW wuxuu markaa qaatay ra’yigii Abuubakar, wuxuuna ku xukumay in ay xoolo isku furtaan.
    
     Cumar wuxuu yiri “maalinkii dambe ayaan u imid Rasuulka SCW iyo Abuubakar oo ooyaya, markaas ayaa ku iri “Rasuulkii Allow ii sheeg waxa kaa oohiyey adiga iyo saaxiibkaa? haddii aan oohin iska helo waan ooyayaa, haddii kalena waan iska raadinayaa arrintiinna darteed”. Markaas ayaa Rasuulku SCW yiri “arrintii ay ii soo bandhigeen saaxiibbadaa, oo ahayd in xoolo laga qaato (maxaabiista), sababteed waxa uu cadaabkeedu iga soo dhowaaday geedkan”. Allaahna isagoo arrintaa tilmaamaya wuxuu qur’aankiisa ku yiri:
    
     ((UMA HABOONA NABI IN AY U AHAATO KUWA LA QAFAASHAY (MAXAABIIS) ILAA UU KAGA JILCIYO (GAALADA) DHULKA, (OO AY TABAR DHIGAAN) WAXAAD DOONAYSAA MUUQA ADUUNYADA (XOOLO), ALLENA WAXA UU DOONAYAA AAKHIRO (IN AAD GAALO BAABI’ISAAN), ALLE WUXUU AHAADAY (ALLE) QAALIB AH OO XAKIIM AH)), (Suuratu-Anfaal 67).
    
     Allaah SW wuxuu aayaddaan ku canaantay Rasuulka SCW oo qafaashay gaaladii kana aqbalay in ay is furtaan, nimankan oo aan weliba ahayn askar keliya ee ahaa hoggaamiyayaashii ugu khatarsanaa gaalada. Sidaa darteed Allaah wuxuu ku ayiday fikradii Cumar ee ahayd in madaxa laga guro maxaa yeelay Allaah diintiisii ayey la dagaallameen, xoog baan lagu soo qabtay, in la dilona waxaa ku jirey xikmado badan oo Allaah keliya uu koobi karo, waxaana ka mid ah:
    
     1. In aysan mar kale cadowga u soo dagaallamin, Ilaahay diintiisana uga hor imaan sida dhacday in markii la sii daayey ay qaar badan oo ka mid ahi ka soo qayb galeen duuullaamadii dambe ee islaamka lagu soo qaadday.
    
     2. In la tuso in Rasuulka SCW iyo muslimiintu aysan wax naxariis ah u hayn ciddii Ilaahay diintiisa ka hor timaadda.
    
     3. In kuwo badan oo ku dhiirran lahaa dagaalka muslimiinta ay ku quus qaatan oo aysan ku soo degdegin duullaan dambe.
    
     Waxaa lagu xukumay maxabiistii xoolo qiimohoodu u dhexeeyo kun Dirham ilaa Afar kun oo Dirham, qofkii aan waxba haysanna waxaa la amray in uu qoraalka baro toban wiil oo muslimiinta reer Madiina ka mid ah, maxaa yeelay reer Madiina sidaa wax uma qori jirin oo reer Makka ayaa uga horeeyey. Rasuulku SCW wuxuu iska cafiyey oo uusan waxba ka qaadin dhawr nin oo qaarkood u dan sheegtay ayna ka mid ahaayeen; Mudhlab binu Xandal, Seyfi ibnu Abii Rufaaca iyo Abuu Ciisa Al-jumuxi. Abuu Ciise, oo nabiga SCW aad ugu dan sheegtay, kana ballan qaaday in uusan duullaan dambe soo raaci doonin, wuxuuu soo racay duullaankii ku xigey ee Uxud markaas ayaa mar labaad la qabtay oo qoorta loo dheereeyey. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa maxaabiista la cafiyey Abil-Caas oo qabay gabdhii Rasuulka SCW ee Seynab oo wakhtigaas Makka joogtay. Si ay ninkeeda u furato waxay Makka ka soo dhiibtay qoor xirkeedii, oo ay arooskeedii hooyadeed Khadiija siisay. Rasuulku SCW markii loo keenay qoor xirkaas wuxuu asxaabtii ka codsaday in ay u sii daayaan Abil-Caas, iyaguna way ka yeeleen, dabadeedna wuxuu Rasuulku SCW Abil-Caas u shardiyey in uu Seynab soo diro, isaguna waa aqbalay oo markuu Makka tegey ayuu soo diray, ka dibna wuxuu Rasuulku SCW u direy Seyd binu Xaarith iyo labo nin oo Ansaar ah in ay Seynab dhex ka soo wadaan. Waxaa kale oo ka mid ahaa maxaabiista nin la oran jirey Suheyl binu Camar oo u hadli jirey gaalada. Cumar binu Khadhaab ayaa markaas Rasuulka SCW ku yiri “Rasuulkii Allow Suheyl foolasha ka siib, carrabkana jeex si uusan mar kale mowqif dambe ugaga soo hadlin”, hase yeeshee Rasuulku SCW wuu ka diiday Cumar fikraddaa uu soo jeediyey maxaa yeelay waa tamthii (dhalan rogid iyo jir xumayn) Islaamkuna ma ogala.
    
     Intaa aan maxabiistii la sii deyn ayaa waxaa Makka aaday nin mulimiinta ka mid ah oo la oran jirey Sacad binu Nucmaan si uu u soo cumraysto. Markii uu Makka tegay ayaa Abuu Sufyaan xabbisay, dadka maxaabiista ahna waxaa ku jirey wiil uu dhalay Abuu Sufyaan oo la oran jirey Camar. Dabadeedna waxaa loo sii daayey wiilkiisii isna wuxuu sii daayey Sacad.
    
     Maxaabiista oo isugu jirey dad la cafiyey iyo dad xoolo isku furtay, sidaa ayaa loo sii daayey. Arrintoodiina waxa ay noqotay siduu Abuubakar soo jeediyey Rasuulkuna SCW ku raacay oo xoolona waa laga helay, badankoodiina aakhirkii waa islaameen. Dagalkii Badarna sidaa ayuu ku dhammaday, waxaana ku soo degtay oo si fiican u qaadaadhgtay suuradda la yiraahdo Anfaal. Dagaalkaas, oo ahaa dagaal qureysh dulleeyey, una keenay khasaare iyo hoog, ummada badan oo awal musliminta u soo miciyo lisanayeyna candhuuftii ayey dib u leqeen ka dib markii ay arkeen waxa ku dhacay qureysh oo ahayd libaaxii carbeed. Waxaana islaamkii qaatay baqdin ay u baqayaan maalkooda iyo naftooda kooxdii awal ka hadhay labadii qabiil ee Ansaar. Waxaana kooxdaas madax u ahaa Cabdullaahi ibnu Ubay ibnu Saloo, oo ahaa ninkii ay reer Madiina rabeen in ay madax ka dhigtaan intii aysan islaamin ka hor. Dadki muslimiinta ahaa Ilaahay wuxuu siiyey ciso iyo guul, wuxuuna ka saaray cabsidii iyo tabar yaridii haysey.


Back Home Next

Home
Up

Qur'aan Self-Study

Islamic Media Share, Alimuse.net

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Islamic Media Share

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Abubakor Islamic

Duruus

SomaliQuraan.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu. Fadlal waxaad nagala soo xidhiidhikartaa info@alimuse.com
                                              
Copyright© 2014 Alimuse.com/                                                                  
13/01/2015 01:33:39