Alimuse.com
Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Casharka23

Home
Up

Casharka 23aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muxammed (s.c.w.)

HIJRADII RASUULKA SCW

Markuu Rasuulku SCW amray in loo hijroodo Madiina oo noqotay daartii islaamka loona hijrooday oo asxaabtii qof kasta siduu ku bixi lahaa ku baxay, loogana dhammaaday Makka laba bilood gudohood, laga soo bilaabo beycadii Caqaba 2aad oo ahayd bishii Dul-xija sannadkii 13aad ee soo diriddii Rasuulka SCW ilaa bishii Safar sannadkii 14aad ee soo diriddii Rasuulka SCW, ahaydna bishii 2aad ee sannadkii 1aad ee hijriga, uusanna Rasuulku SCW weli hijroon isaga, Abuubakar iyo Cali, ayaa odeyaashii qureysheed waxay ogaadeen in asxaabtii Rasuulka SCW ka wada bexeen Makka oo Madiina isku urursadeen, reer Madiinana ay soo dhoweeyeen oo ay raaceen Rasuulka SCW, isagana la filayo inuu u tago, haddii uu u tagana ay arrintu khatar ku sugan tahay, oo ay suurtowdo in dad badani raacaan oo uu xoogeysto ka dibna uu Makka ku soo duulo, waxay markaa qabteen shir ay ka soo qayb galeen odeyaashii qabiillada qureysh oo dhan, reer binu Cabdimanaaf oo Rasuulku SCW ka dhashay maahane. Shirkaas, oo ajendahalagu falanqeynayey ahaa go'aankii kama dambaysta ahaa ee laga qaadam lahaa Rasuulka SCW, waxa la qabtay 26kii Safar sannadki 1aad ee hijriga (sannadkii 14aad ee soo diridda Rasuulka SCW).

Waxaa shirkaas lagu qabtay daartii la oran jirey Daaru-Nadwa (ooahayd gurigii baarlamaanka qureysh ku shiri jirey). Hoggaamiyayaashii Qureysheed ee halkaa isugu tegey waxaa ka mid ahaa: Abii Jahal ibnu Hishaam Jubey Ibnu Mudhcim, Ducayna ibnu Cadiyi, Xaarith Ibnu Caamir, Sheyba ibnu abii Rabbiica, Cutba ibnu abii Rabbiica, Abuu Sufyaan ibnu Xarbin, Ubay ibnu Khalaf, iyo Ummaya ibnu Khalaf, Nadar Ibnu Xaarith, Abul Bakhtari Binu Hishaam, Samca binu aswad, Xakiim Ibnu Xisaam, Nabiith Ibnu Xajaj, iyo walaalkiis Munabih Ibnu Xajaaj.

Markii shirkii waqtigiisii la gaaray oo uu bilaabmay ayaa waxaa soo galay sheydaan iska soo dhigay nin oday ah. Markaas ayay dheheen "waa kuma ninkaan odeyga ha?", markaasuu intuu hadlay yiri "waxaan ahay nin oday ah oo dhinaca Najdi ka yimid, waxaanna maqlay shirka iyo meesha aad ku ballaanteen, waxaan ahay nin ra'yi u saaxiib ah, marka waan idin dhegaysanayaa waxaa la arkaa inaan ra'yi idinku biiriyo". "waa yahay" ayaa loogu jawaabay.

Waxaa bilaabmay shirkii oo waxaa la yiri "waxaanu maanta isug nimid mushkilaaddaan khatarta ah ee uu wado Maxammed, welina dhexdeenna ayuu jooga, haddaba sidee baanu ka yeelnaa?". Waxaa hadlay nin la oran jirey Abuu Aswad wuxuuna yiri "aan musaafirinno oo ka fageyno waddankeenna, ka dibna aan isku duubnideenna iyo wada jirkeenna xojinno mar hadduu tafaraaruqiisu naga baxo". Odeygii lahaa Najdi ayaan ka imid (sheydaan) ayaa hadlay oo yiri "maya, Ilaah baan ku dhaartaye miyeydaan arag ninka faseexaddiisa, codkarnimadiisa iyo sida hadalkiisa loola dhacayo. Ma aamin baad ka noqoteen in qabiil ka mid ah qabiillada carbeed uu raaco oo uu hadhow idinku soo duulo, beledkiinnana qabsado. Ra'yi kale keena kaasi ra'yi maahane". Waxaa ku xigsaday oo hadlay Abii Bakhtari wuxuuna yiri: "waa inaanu xabsi ku ridnaa oo uu halkaas noogu jiraa ilaa uu ka dhinto. Sidii gabayahanadii isaga ka horreeyeyba ay u dhinteen buu u dhiman doonaaye". Odeygii (sheydaan) ayaa ka daba hadlay oo yiri "haddaad xabsi gelisaan sow nimankii uu ka dhashay ee reer Cabdimanaaf, oo awalba difaaci jirey, xanaaqi mayaan lana safan mayaan wiilkooda oo aad xirteen". Dabadeed waxaa hadlay mujrimkii ugu weynaa Abii Jahal oo yiri "anigu waxaan hayaa ra'yi cid soo jeedisey aysan idinku jirin". Markaasaa la yiri "muxuu yahay ra'yigaasi Abul-xakam?", wuxuu yiri "qabiil kasta oo ka mid ah qabiillada aan meesha ku fadhino waa inuu soo saaraa wiil dhallinyaro ah oo xoog leh geesina ah, ka dibna wiilashaasi hal mar ha ku kulmiyeen seefaha (maxamed) si aan dilkiisa hal qolo loogu raacan, ciddiisuna lama dagaallami karto intaas oo qabiil oo kala duwan, magtiisana waynu bixineynaa waana ka istareexaynaa'. Odeygii (shaydaan) ayaa hadlay oo yiri "ra'yiga saxa ihi waa kaas oo aan la dhacay waana in la fuliyaa". Ugu dambasyntii waxaa la isku raacay oo la go'aansaday ra'yigaas, waxaana fulintiisa lo xil saaray Abii Jahal binu Hishaam, Xakam ibnu Abil Caas, Cuqba ibnu abii Muceyd, Samca ibnu Aswad, Ubay ibnu Khalaf, Nadar ibnu Xaarith, Dhuceyma ibnu Cadiyi, Nabih ibnu Xajaja, Munabih ibnu Xajaaj, Ummaya ibnu Khalaf, iyo Abi Lahab, Raggaasi maalinkii oo dhan ayey khiddadii dejinayeen, hawshiina kala habaynayeen waxayna go'aan ku gaareen in caawo markuu Rasuulku SCW gurigiisa tago la hareereeyo, markii habeenka aakhirkiisa la gaarana la miro oo laga tahaluso. Hase yeehsee intay dabinkaas maleegayeen oo ay u qabeen inuu u fudud yahay, Ilaahayna tiisa ayuu watay wuxuuna qur'aankiisa ku yiri isagoo arrinta ka hadlaya:

((XUSUUSO (Rasuulkow) WAQTI KUWII GAALOOBEY AY KU DHAGARSANAYEEN INEY KU DILAAN AMA KU BIXIYAAN AMA KU HAYAAN (KU XIRAAN), WAYNA DHAGRAYEEN, ALLAAHNA WAA DHAGRAYEY, WUXUUNA ALLE AHAADAY INTA WAX DHAGARTA KAN UGU KHEYRKA BADAN)), (Suuratul-Anfaal 30).

Rasuulka SCW Rabbigiis ayaa u waxyoodey makrigoodii waxaana la amray inuu isla habeenimadiiba baxo oo uu Madiina u hijroodo. Wuxuu Rasuulku SCW isla maalinkiiba u tegey Abuu Bakar Al-sidiiq waqti duhur ah. Markuu albaabka ku garaacay, ayuu Abuubakar loo sheegay oo la yiri "ww Rasuulkii". Abuubakar wuxuu yiri "Rasuulku waqtigan oo kale nooma imaan jirin ee maanta arrin weyn ayaa jira". Markaa Rasuulku SCW gurigii soo galay ayuu Abuubakar ku yiri "saar cidda kula joogta", markaasuu Rasuulku SCW yiri "waxaa la ii idmay inaan baxo". Abuubakar, oo ahaa nin kheyr jecel, ayaa yiri "Rasuulkii Allow waxaan jeclahay saaxiibtinnimadaada ee aan ku raaco" Rasuulkuna SCW wa ka aqbalay.

Rasuulku SCW wuxuu ku laabtay gurigiisii. Markii habeennimadii la gaarey ayey gurigii hareereeyeen raggii rabey iney Nabiga SCW dilaan hase yeeshee Rasuulku SCW markii la gaaray saacadii uu bixi lahaa ayuu Cali ku yiri: "seexo gogosheyda oo huwo maradii aan huwan jirey, waxba kuma yeeli doonaane". Rasuulku SCW ka dib wuxuu soo dhex maray safafkoodii markaasuu ciid madaxa uga wada shubay (raggii), Ilaahna wuu ka indho saabay. Markii Rasuulkku SCW baxay ayaa waxaa iyagii u yimid nin soo arkay Rasuukii SCW wuxuuna ku yiri maxaad meesha ka dhowreysaan?", markaasey yiraahdeen "Maxammed", wuxuu yiri "Maxammed aniguu hadda i daba maray". Gurigii ayey meel daloosha ka fiiriyeen oo yiraahdeen "waa kaa weli hurda". Habeenkii oo dhan ayey Cali dusha ka ilaashanayeen, markii la gaaray waqtigii ay qorshohooda fulin lahaayeen ayey arkeen in ninka meesha jiifaa uu yahay Cali binu Abii-dhaalib> Cali ayey markaa xirxireen oo bugabugeeyeen oo dheheen "sheeg Maxammed" hase yeeshee Cali wuxuu yiri "anigu arrinkaas waxba kalama socdo".

Rasuulku SCW markuu iyagii dhaafay wuxuu tegey gurigii Abuubakar oo ay halkaas iska sii raaceen waxay ka bexeen irriddii dambe. Uma aysan bixin dhinicii Madiina ee waxay u bexeen dhinicii Yaman illaa ay ka tageen buurta la yiraahdo Qaaru Tawr oo Makka u jirta 3 km, halkaas oo ay ka galeen god. Markii ay godka gelayeen ayaa Abuubakr yiri "aniga ayaa ku hormaraya" isagoo uga baqaya Rasuulka SCW inuu godka bahal ka qaniino. Waxay qorsheysteen iney godkaa ku jiraan 3 maalmood inta qureysh baadi doonkeedu uu ka dhammaanay. Waxaa kale oo heegan la geliyey qoyskii Abuubakar. Cabdullaahi binu Abuu bakar (wiilkii Abuubakar) waxaa loo xilsaaray inuu maalin oo dhan qureysh ku dhex jiro, habeenkiina uu godka ugu yimaaddo Rasuulka SCW iyo aabihiis oo uu u soo sheego wixii warar ah ee yaalla Makka iyo wixii go'aan ah ee odeyaashii qureysheed ay qaataan. Asmaa' bintu Abuubakar (gabadhii Abuubakar) waxay iyana u keeni jirtey raashinka habeenkii. Caamir ibnu Suheyr oo isna ahaa addoonkii Abuubakar, arigana u raaci jirey, waxaa lagu qeybshey inuu ariga ku raaco agagaarka godka si uu habeenkii iyo subaxdiiba u baabi' iyo raadka Cabdullaahi iyo Asmaa'. Sidoo kale Cabdullaahi ibnu abii Ureyq oo ay Abuubakar saaxiibbo ahaayeen, gaalna ahaa wuxuuu Abuubakar u hayey laba neef oo geel ah oo Abuubakar sii iibiyey uguna talo galay inay ku baxaan (isaga iyo Rasuulka SCW), waxayna ku ballameen saddex beri markey godka ku jiraan inuu u keeno, (labada neef) ninkaasna kalsooni ayaa lagu qabay.

Qureysh markay ogaatay in Nabiga SCW iyo Abuubakar ka fakadeen waxay isla markiiba tageen gurigii Abuubakar, waxaana albaabkii ka furay Asmaa' Abuubakr. Abii Jahal ayaa Asmaa' weydiiyey oo ku yiri "xaggee aabbahaa aadey" iyana waxay ugu jawaabtey "ma aqaan meel uu aadey", Dharbaaxo ayuu markaa dhabanka ku fujiyey. Ka dibna waxaa ciidan loo diray dhinicii Madiina, markii laga soo waayeyna waxaa waddooyinka Makka ka baxa iyo meel walba loo diray ciidamo ayey waxay yimaaddeen godkii ay Rasuulka SCW iyo Abuubakar ku jireen hase yeeshee ma aysan arag. Markay tageen ayaa Abuubakar wuxuu Rasuulka SCW ku yiri "Rasuulkii Allow haddii mid ka mid ahi uu lugihiisa fiirin lahaa wuu na arki lahaa". Rasuulka SCW oo Rabbigiis kalsooni dhab ah ku qabay wuxuu ugu jawaabay Abuubakar "waa maxay malahaagu labo Ilaahay saddexeeyo". Halkaas waxaad ka arkaysaa in Rasuulka SCW oo nimankii intaa raadinayey ay dushiisa taagan yihiin uusan haddana kala jeclayn oo uu Rabbigiis tala saartay, waana kaas tawakulka saxa ah, markuu asbaabtii oo dhan la yimid ayuu Rabbigiis talo saartay.

Markii ay dhammaatay muddadii saddexda beri ahayd oo ay ugu talo galeen inay godka ku jiraan ayaa Cabdullaahi binu Ureyq keenay labadii neef oo geela ahaa oo ay ku bixi lahaayeen. Abuubakar ayaa Rasuulka SCW siiyey labada neef kii wanaagsanaa, markaasaa Rasuulku yiri "qiimihiisa ayaan kuu celinayaa oo aan ku qaadanayaa", Abuubakarna arrintaas wuu diiday, hase ahaatee Rasuulku SCW wa ku adkaystay go'aankiisa isagoo laga yaabo inuu rabay kheyrkaas iyo ajarkaas hijrada inuu ku maro wax uu leeyahay. Asmaa' bintu Abuubakar waxay iyaduna keentay jiscinkii waddada lagu mari lahaa hase yeeshee waxay soo illowday xariggii lagu rari lahaa alaabta markaasay boqonkeedii dhexda ugu xirnaa laba u kala jeexday oo midna siisay midna la hartay. Sidaa dardeed Asmaa' waxaa lagu naaneysi jirey laba boqonley.

Dabadeed Rasuulka SCW iyo Abuubakar way baxeen iyadoo uu la socdo Cabdullaahi ibnu Ureyq oo ahaa ninkii labada neef oo geela haa keenay, ahaana nin dhulyaqaan ah, safarkana hogaaminayey, wuxuuna ratiga la fangashanaa (lasaarnaa) Abuubakar. Wuxuu ka bixiyey meel aan la marin oo dhinacii koonfureed ah, ka dibna hoos iyo dhinaca bari oo badda ah ayey mareen. Abuubakar maaddaama uu ahaa nin aad loo yaqaan oo ummad badani garanaysey markii la weydiiyo oo lagu yiraahdo "waa kuma ninkan kula socda?" wuxuu ku jawaabayey "waddaduu igu hanuuninayaa" isagoo ula jeedda waddada xaqa ah ayuu igu hanuuninayaa.

Nimankii reer Makka markay mel walba ka raadiyeen Rasuulka SCW iyo Abuubakar oo ay 3 maalmood baadi goob iyo orod ku jireen oo ay ka quusteen ayey waxay bixiyeen ogeysiis ay u direen beled iyo baadiyaba oo ay ku leeyihiin "ninkii Maxammed ama saaxiibkii Abuubakar midkood nolol ama geeri ku keena wuxuu leeyahay boqol halaad". Reer baadiyihii oo ahaa dad aad u xoolo jecel waxaa galay hunguri iyagoo u hanqal taagaya geelaas tirada badan, nin walbana dhinaciisa ayuu u orday. Muddo saddex maalmood ah markay Rasuulka SCW iyo Abuubakar sii socdeen ayaa ninka la yiraahdo Sureyqa binu Maalik isagoo rag la fadhiya waxaa u yimid nin markaasaa ninkii la weydiiyey oo lagu yiri "ma aragtay nimankaas", maasuu ninkii ku jawaabay "wax ma arag laakiin meel halkaas ah waxaa iiga muuqanayey bidhaan dhowr qof oo wax saaran ah". Sureyqa markuu hadalkaas maqlay dhareerkii ayaa ka daatay isagoo rajaynaya in ay boqolkii halaad u soo gacan galeen, wuuna fahmay in ay raggaas la tilmaamayo yihiin Rasuulka SCW iyo Abuubakar. Sidaa darteed wuxuu sameeyey khiddaad uu ku rabo in raggaa meesha fadhiya aysan arrinta fahmin si aysan geela ula qaybsan, wuxuuna yiri "war aamus waxaad aragtay waa nimankii reer hebel oo geelu ka baxsaday oo halkaa marayaye'. Halkaas arrintii looga aamusay oo waxaa loo qaatay in Sureyqa arrintiisu dhab tahay.

Sureyqa markii muddo meeshii la fadhiyey oo arrintii la hilmaamay ayuu wuxuu yiri "intaan kacay oo guriga galay ayaan gabar la hadlay oo ku iri "faraskeyga gadaal iiga bixi oo buurtaa gadaasheeda ii gee", aniguna intaan labistay oo hubkeygii qaatay baan dhuumasho ahaan faraskii ugu tegey, dabadeedna waxaan ka daba tegey Rasuulka iyo Raggii la socday. Markaan u dhowahay ayaan qori tuurtay, markaasaa waxaa iii soo baxay kii aan nebcaa oo ah inaanan wanaag ka helayn (oo aan ku khasaarayo), aniguse kama yeelin arrintaa oo hore ayaan u sii socday. Markaan ku dhawaaday ayuu faraskii cagaha dhulka si fiican ula galay, qaacna ka baxay meeshii, markaasaa waxaa ii caddaatay in Maxammed aanan waxba gaarsiin karin uuna guuleysan doono sidaa darteed intaan qeyliyey ayaan ku iri 'ammaan ayaad iga helaysaan waana idin nabad gelinayaa ee Maxammedow ii qor warqad amaan ah si haddii aad berri wax qabsato oo aad guuleysato aan u heysto'. Rasuulku SCW wuxuu amray Caamir ibnu Fuhayr in uu waraaqadda u qoro. Suraaqa ayaa markaa hadlay oo ku yiri Rasuulka SCW "maxaad iiga baahan tihiin cunto iyo wax walba wan hayaaye', markaas ayaa lagu yiri "waxba kaagama baahnin ee wixii aad aragto naga jeedi" "waa yahay' ayuu isna ku jawaabay, dabadeedna markuu laabtay cidduu arko wuxuu ku oranayey "dhinacaa anigaa soo maray oo cidi adinkama jirto".

Rasuulku SCW iyo raggii la socday waxay gaareen Quba oo xoogaa ka baxsan Madiina. Waqtigaasi wuxuu ahaa maalin Isniin ah 8dii Rabbiicul-awal sannadkii 1aad ee hijriga.

Dadkii muslimiinta ahaa ee Madiina joogey oo isugu jirey muhaajiriintii Makka ka timid iyo Ansaartii degganeyd Madiina markay maqleen in Rasuulu SCW ka soo baxay Makka ayey heegaan galeen oo maalin walba waxay tegi jireen duleedka Madiina iyagoo fiirinaya wax soo socda. Sidey sidaa u ahaayeen ayey maalinkii dambe iyagoo sidii u sugaya markay qorraxdii ku kululaatay meeshii ka tageen, markii ay tageen ayaa waxaa Rasuulka SCW arkay nin yahuudi ah markaasuu aad u dhawaaqay oo yiri "waxaad jecleydeen oo aad suggeyseen ayaa yimid". Muslimiintii ayaa soo firxaday iyagoo hubkoodii wata oo takbiirsanaya Rasuuulkana SCW soo dhoweynaya. Dabadeedna hareeraha ayey ka galeen. Rasuulka SCW wuxuu ku degey reer bini Camar bini Cawf Xaafadooda, gaar ahaan wuxuu ku sii degay ninka lay yiraahdo Kaltuum ibnu Hadiyi. Dad badan oo muslimiinta reer Madiina ka mid ahaa ma aysan kala garaneyn Rasuula SCW iyo Abuubakar hase yeeshee markii dambe ayey ogaadeen. Ka dib Rasuulku SCW waa fadhiistay, Abuubakar waa istaagey isagoo dadkii soo dhoweynaya. Intii Rasuulku SCW meesha joogey waxaa Makka ka yimid Cali binu Abii-dhaalib oo soo dhameeyey hawshii uu Rasuulu SCW u xilsaaray iyo ammaannadii uu uga soo tegey.

Rasuulku SCW wuxu Quba joogey dhowr maalmood, wuxuuna ka dhisay masaajidka la yiraahdo Masjidu Quba. Ka dibna wuxuu Rasuulku SCW ka tegey Quba maalin jimce ah oo uu Madiina aaday isagoo ay muslimiintii dhinacyada ka socdaan. Markaas. Maruu sii maro qabiil walba oo Ansaar ka mid ahna waxay lahaayeen "annaga nagu soo deg" laakiin Rasuulku SCW wuxuu lahaa 'hashaani way amran tahay meeshii ay fariisato ayaan ku degayaa". Waxay ugu dambayntii hashii fariisatay oo uu ku degay meesha masaajidkiisa uu ka dhisay oo ay degganaayeen reer bini Cabdinajaar oo Ansaar ka mid ahaa, Nabiga aabbihiisna reer abti u ahaa. Gaar ahaan wuxuu ku sii degay guriga ninka la yiraahdo Abaa Ayuub Al-ansaari.

Waxaa iyaguna woo hijrooday oo waqtigaas Madiina yimid xaaskii Rasuulka SCW Sawda bintu Samca iyo laba gabdhood oo uu dhalay oo kala ahaa Faadumo iyo Ummu Kaltuum, waxaa lake oo la socday Usaama binu Seyd iyo hooyadiis Ummu Ayman iyo qoyskii reer Abuubakar oo ay Caa'isha ku jirtey.

Caa'isha waxay tiri "markii aan Madiina imid ayaa waxaan ugu imid aabbahay iyo Bilaal oo qandhadii Madiina ku dhacday markaasaan Abuubakar ku iri 'aabbe sidee tahay' isagoo xoogaa qandhadu deysey oo leh "qof walba wuxuu ku dhex waabariisanayaa ehelkiisa isagoo ay geeridu uga dhowdahay kabihiisa suunkooda'. Bilaal ayaan isna ku iri "sidee tahay Bilaal" isagoo isna tirinaya beyt yar oo tilmaamaya u hiloobidda iyo jaceylka Makka. Rasuulka ayaan u tegey oo u sheegay hadalladoodii, markaasuu Rasuulku SCW yiri "Ilaahow Madiina na jecleysii sidaad Makka noo jecleysiisey ama si ka daran , Ilaahow Madiina caafimaadi oo barakee saaceeda iyo mudkeeda, kana rar xanuunka iyo qandhada oo u rar Juxfa". Ilaahay ducadaa Rasuulka SCW wuu ka aqbalay waxayna Madiina noqotay Meel ay aad u jecel yihiin, saxadeeduna fiican tahay.

Sidoo kale Rasuulku SCW isagoo asxaabtiisa ku sabir siinaya daltabyada Madiina waxa uu yiri: "Qofkii ummaddayda kamid ah oo ku sabra Cudurka iyo dhibka Madiino waxa aan maalinka qiyaamaha u noqonayaa shafiic iyo markhaati".

Sidoo kale Rasuulku SCW isagoo Madiina u ducaynaya waxa u yiri: "Allahayow noo barakee magaaladayadan, miraheeda, mudkeeda, ikyo saaceeda, barako ay lasocoto, Allahayow Ibraahiim waxa uu ahaa addoonkaagii , Nabigaagii iyo khaliiilkaagii, anna waxaan ahay addoonkaagii iyo nabigaagii, wuxuuna (ibraahiim) kuu basryo weydiiyey Makka, anna waxaan kuu baryayaa Madiina siduu Makka kuugu baryo weydiyey iyo si la mid ah.

Rasuulka SCW iyo asxaabtiisii waxay heleen dhul cusub oo ay diintoodii iyo dacwadoodii ka faafin karaan, joogitaankiisana ay xor u yihiin. Magaalada Madiina waxay noqotay magaalo islaam, in kastoo dadkii deggenaa aysan wada ahayn muslimiin, waxayna ka koobnaayeen 3 qaybood oo kala ahaa:

1) Muslimiinta oo isugu jirey muhaajiriin Makka ka yimid iyo Ansaar oo Madiina degganayd oo laba qabiil ka koobnaa lana kala oran jirey Awas iyo Khasraj, hase yeeshee Rasuulku SCW uu u bixiyey Ansaar.

2) Mushirikiintii ka hartay Ansaar

3) Yahuud oo ka koobnayd saddex qabiil oo la kala oran jirey Banuu Qeynuqaac, banuu Nadiir iyo banuu Qureyda.

Back Home Next

admin@alimuse.com

Home
Up

Qur'aan Self-Study

Islamic Media Share, Alimuse.net

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Islamic Media Share

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Abubakor Islamic

Duruus

SomaliQuraan.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu. Fadlal waxaad nagala soo xidhiidhikartaa info@alimuse.com
                                              
Copyrightę 2014 Alimuse.com/                                                                  
13/01/2015 01:33:38