Alimuse.com
Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Casharka19

Home
Up

Casharka 19aad ee Siirada Nebiga Muxammed (S.C.W.)

DHEELMINTII RASUULKA SCW ISRAA-WAL-MICRAAJ

Dheelmintii Rasuulka SCW waa la isku khilaafaa waqtigii ay ahayd ama sannadkii ay dhacday. Waxayna culimada qaarkood weriyaan inay hal sano ka hor hijrada ahayd, qaarna waxay weriyaan in ay hal sano iyo laba bilood ka horreysey hijrada, qaar kalena waxay weriyaan waqtiyo kale oo kala duwan. Hase yeeshee Allaah ayaa garanaya waqtiga saxa ah, mana ku soo aroorin qur'an iyo axaadiis saxiix ah oo ka hadlaya waqtigay ahayd.

Sidoo kale waxaa la isku khilaafaa inta jeer oo Nabiga SCW la dheelmiyey, laakiin sida saxiixa ah oo culimadu u badan tahay, adilladana laga fahmayo waxa weeye in hal mar la dheelmiyey. Sidoo kale waxaa iyadana khilaaf ku jiraa habkii loo dheelmiyey iyo waxyaabihii uu Rasuulku SCW habeenkaa soo arkay, kutubaha qaarkood markay arrimahaas ka hadlayaan waxay soo arooriyaan arrimo badan oo sixadooda aan la hubin loona baahnayn in la iska dhex dabbaasho.

Rasuulka SCW waxaa la dheelmiyey jasadkiisa iyo ruuxdiisa sida saxiixa ah. Waqti habeennimo ah ayaana la dheelmiyey, waxayna saxiixaynku wariyeen in Rasuulka SCW markii la dheeelminayey malaku Jibriil uu guriga saanqaafkiisa ka soo galay oo jeexay xabadka Rasuulka SCW soona bixiyey galbigiisa kuna dhaqay biyo samsam ah oo ka buuxiyey xikmad iyo iimaan. Waxaana laga dheelmiyey masjidka Xaramka ah ilaa Beytul-Maqdis. Rasuulku SCW wuxuu sarnaa Buraaqo, waxaana la socday Jibriil. Wuxuu Nabiga SCW ku degey Baytul-Maqdis oo uu halkaa ku tujiyey anbiyadii, buraaqadiina waxaa lagu xiray masaajidka albaabkiisa. Ka dib wuxuu ka baxay Baytul-Maqdis isaga iyo Jibriil isla habeenkiiba, waxayna tageen oo koreen samadaan dhow. Ka dib Jibriil ayaa dalbay in laga furo (Albaabka samada) waana laga furay. 

Nabiga SCW wuxuu samada 1aad ku arkay Nabi Aadam, wuuna salaamay, isna wuu ka qaaday oo wuu soo dhoweeyey.

 Wuxuuna Allaah Rasuulka SCW tusay dadkii wanaagsanaa arwaaxdoodii oo dhinaca midig ka taalla Nabi Aadan, iyo kuwii xumaa oo dhinaca bidix ka yaalla. Ka dib wuxuu tegey samada labaad oo uu ku arkay Nabi Yaxye iyo Nabi Ciise. Markaasuu la kulmay oo salaamay, iyaguna waa ka ajiibeen salaantii wayna soo dhoweeyeen. Samada saddexaad ayuu markaas u gudbay wuxuuna ku arkay Nabi Yuusuf, wuu salaamay isna waa ka ajiibey, waana soo dhoweeyey. Ka dib wuxuu koray samada 4aad, wuxuuna ku arkay Nabi Idriis, wuu salaamay, isna waa ka aqbalay, wuuna soo dhoweeyey. 

Ka dib samada 5aad ayuu koray oo uu ku arkay Nabi Haaruun, wuu salaamay, isna waa ka qaaday waana soo dhoweeyey. Samada 6aad ayuu dabadeed koray halkaas oo uu ku arkay Nabi Muuse, wuuna salaamay, isna waa ka ajiibay waana soo dhoweeyey. Markuu Rasuulku SCW ka tegey Nabi Muuse ayaa ooyey. Markaasaa lagu yiri "maxaa kaa oohiyey", wuxuu yiri "waxaa iga oohiyey wiil gadaashay la soo diray oo ummaddiisa jannada gelaysaa ay ka badan tahay ummaddayda jannada gelaysa". Ka dib wuxuu Rasuulka SCW koray samada 7aad oo uu kula kulmay Nabi Ibrahim, wuu salaamay, isna waa ka qaaday waana soo dhoweeyey.

Nebiga SCW ka dib waxaa loo kor yeelay Sidratul-Muntaha dabadeedna waxa lo sii kor yeelay Baytul-Macmuur. Intaa ka dib Allaah ayuu u sii koray oo la hadlay. Waxaa asxaabtii Rasuulka SCW isku khilaafeen in Nabiga SCW arkay habeenkaas Rabbigiis iyo in kale. Waxayse asxaabta badankoodu ku tageen, nusuusta iyo adilladuna tusinayaan in uusan Nabigu SCW Rabbigiis arag ee uu nuur arkay, sidaa xadiiska ay saxiixaynku wariyeen markii la waydiiyey Rasuulka oo lagu yiri: "Rabbigaa ma aragtay? Wuxuu yiri nuur baan arkay.

Rasuulka SCW markuu Ilaahay u tegey waxaa isaga iyo ummaddiisa lagu soo farad yeelay 50 salaadood, hase yeeshee markuu la soo laabtay ayuu la kulmay Nabi Muuse. Markaas ayaa Nabi Muuse ku yiri "maxaa lagu soo amray?" wuxuu Rasuulku SCW yiri "50 salaadood". Wuxuu yri Nabi Muuse "ummaddaadu ma karto intaas ee Rabbigaa ku laabo oo weydiiso in laga fududeeyo ummaddaada". Rasuulka SCW sidii ayuu yeelay oo Rabbigiis ayuu la hadlay, waxaana laga soo dhimay 10 salaadood. Hase yeeshee markuu Muuse ku soo laabtay ayuu Muuse mar labaad sidii oo kale celiyey, Nabiguna SCW waa laabtay. Sidaa ayuuna Rasuulka SCW waa laabtay. Sidaas ayuu Rasuulka SCW ugu dhexeeyey Muuse iyo Rabbigiis ilaa 5 salaadood laga soo reebay. Markaasuu mar kale Muuse celiyey, hase yeeshee Rasuulka SCW wuxuu yiri "waan ka xishoonayaa Rabbigay, intan ayaanna ku raalli ahay oo ugu hoggaansamayaa".

Rasuulku SCW isla habeenkiiba wuxuu ku soo laabtay Makka, subixii markuu waagu baryeyna wuxuu u tegey qureysh oo u sheegay in la dheelmiyey. Laakiin qureysh waxay arrintaas ka qaadeen carar, waxayna weydiiyeen Nabiga SCW inuu u tilmaamo Baytul-Maqdis oo ay aqoon u lahaayeen. Allaah ayaa markaas Rasuulkiisa u muujiyey Baytul-Maqdis, Rasuulkuna waa uga warramay oo si fiican ayuu ugu tilmaamay, iyaguna wax tilmaamahaa ka mid ah kuma diidin, noloshiisana Rasuulka SCW ma tegin Beytul-Maqdis markaan mooyee. Waxaa kale oo Nabiga SCW uu qureysh uga warramay safarkoodii oo uu dhexda ku soo arkay iyo weliba waqtiga uu ku soo beegan yahay Makka iyo ratigii u soo horreeyey. Intaas oo dhan waxay noqdeen siduu Nabigu SCW u sheegey, hase yeeshee qureysh uma siyaadin wax aan ka ahayn kufri iyo gaalnimo, waxaa kale oo shakiyey markay qisadaan maqleen kuwa muslimiinta ka mid ahaa wayna riddoobeen, waxaana lala laayey Abii-Jahal. 

Hase yeeshee dadkii iimaanku dhabta ka ahaa oo yaqiinsanaa in Allaah subxaanahu watacaalaa uu wax walba awoodo, Maxamedna SCW uu yahay Rasuulkiisii, aysanna dhici karin in uu Allaah ku been abuurto waxa ay arintaani u siyaadisay imaan iyo taqwo sida Abuu-Bakar siddiiq oo markii ay gaaaladu warkii ula yimaadeen ku yiri: "waa run", waxay dheheen: "ma waxaad u rumaynaysaa in uu xalay tagay Baytul Maugdis kana soo laabtay waagii oo aan baryin" wuxuu yiri: "waxaan u rumeeyaa wax taa ka fog oo ah khabarka samada uga yimaada subax iyo galaba", sidaas ayaa marka Abuu-Bakar kula baxay siddiiq.

Rasuulka SCW wuxuu habeenkaas la dheelmiyey soo arkay arrimo waa weyn oo Ilaahay aayaadkiisa ka mid ah siduu Alleba ku sheegay aaayaddaan.

((XAQIIQDII WUXUU ARKAY AAYAADKII RABBIGIIS EE WAAWAYNAA)), (Suuratu-Najmi 18).

Arrimuhuu Rasuulka SCW arkay habeenkaas waxa ka mid ahaa malaku Jibriil oo uu ku arkay suuraddii Alle ku abuuray isagoo leh lix boqol oo garab, sidoo kale wuxuu arkay oo tilmaamay webiga Kawthar ee Jannada ku yaal, sidoo kale wuxuu tilmaamay Siiratul Muntahaa iyo caleenteeda, Beytul Macmuur oo ku yaal samada toddobaad iyo habkay malaa'iktu u takto oo ugu tukato. Allena isagoo arrimahaas wax ka tilmaamaya waxa uu yiri:

((XAQIIQDII WUXUU (NABIGA) ARKAY JIBRIIL MAR KALE, (OO UU KU ARKAY ) SIDRATUL-MUNTAHAA AGTEEDA, AGTEEDANA WAXAA AH JANNATUL-MA'WAA, WAQTI UU DABOOLAY SIDRADA WIXII DABOOLAY, (NABIGA) ARAGIISUNA MATAGIN MANA XAD GDUBIN)), (Suuratu-Najmi 13-17).

Sidoo kale Rasuulka SCW wuxuu soo arkay habeenkaas la dheelmiyey dad la cadaabayo sida kuwa dadka xanta, iyagoo leh ciddiyo bir ka samaysan oo wejiga iyo xabadka iska diiranaya.

Sidoo kale waxaa Rasuulka SCW habeenkaas malaku Jibriil u keenay saddex weel oo ay ku kala jiraan caano, malab, iyo khamri wuxuuna cabbay kii caanuhu ku jireen markaasaa malaku Jibriil ku yiri: "waa fitradii", sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW habeenkaas maqlay sharqanta qalimaanta maal'igta.

Back Home Next

admin@alimuse.com

Home
Up

Qur'aan Self-Study

Islamic Media Share, Alimuse.net

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Islamic Media Share

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Abubakor Islamic

Duruus

SomaliQuraan.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu. Fadlal waxaad nagala soo xidhiidhikartaa info@alimuse.com
                                              
Copyrightę 2014 Alimuse.com/                                                                  
13/01/2015 01:33:38