Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Qexida Qabyalada

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

Qeexida Qabyaalada

Runtii qabyaalada dadka Soomalidu ku dhaqmaan waa wax aad u fogaaday si sahlana aan loo joojinkarin, lakiin waa layeerayn karaa.

Marka hore waxaad kala fahan taa Qabiil iyo Qabyaalad, hadii aynu sharax yar oo gaaban ka bixino waa laba wax oo aad u kala duwan intabadana dadka qaar iskaga khaldama.

Qabiil

Qabiil waa koox bulshada ka mid ah kuwaas oo wadaaga abtirsiin kooban, waxaanay u si qaybsamaan Jilibo, Qoysas ugu danbayn waxaa kala baydha oo reero kala noqda laba Nin oo walaalo ah markay inama badan dhalaan ee inamadiina caruuro sii yeeshaan. Markastoo tirada abtirsiinta qoysku gaadho laba saddex awoow waxay isku badashaa jilib yar oo hoose, dadka walaalaha ahi markay guursadaan ee ay caruur sii dhalaan caruurtoodu waxay isku noqdaan ilmaadeer1, ilmaadeer2, Ilmaadeer3 xaga aabaha. Kadib wixii intaas ka danbeeya waxay isku badashaa "Tol" halkaas oo hadana qabiilkii kor uga unkamo oo uu marka hore noqdo jilib yar oo hoose deedna Qolo,Qabiil.

Badanaa isxidhiidhinta qaraabonimo & iscaawintu wuxuu isku taagaa ilmaadeerka 3aad wixii intaas ka danbeeyana waxa laysku noqdaa uun tol taas oo micnaheedu yahay waxaa yimid habkii Qabiilka oo magta iyo xeerarka qabiilka uun lawadaago. ilaahay SWT isagoo ka hadlaaya qabiilka wuxuu yidhi:Dadoow waxaan idiinka abuuray lab iyo dhadig, waxaana idiinka yeelnay shucuub iyo qabiilooyin si aad isugu aqoonsataan, ruuxiise ugu sharaf badan Eebe agtiisa waa ka idiinku dhawrson”49:13

 Qabyaalad

Qabyaaladu waa hab Somalidu cadeeysatay oo ay mudo dheer ku soo dhaqmayeen kaas oo lagu amaanaayo qoys ama qabiil, qabiil kalana lagu yasaayo laguna caayaayo oo lagu fogeeynaayo. Marka qabyaalada la’oogaayo waa marka larabo in qolo kale la dulmiyo laguna hamiyo jiritaanka qabiilka aad tahay oo qudha lagana diriro jiritaanka bulshada inteeda kale. Qofku malaha ma'adi uu isagu rumaysanyahay inay sax tahay iyo nadaam bulsho oo kale midna ee wixii qabiil kiisa  ka soo fula ayuunbuu sax u arkaa waxa umada kalena qalad.

 Dhibaatooyinka ay arintaasi abuurto waa dhibaato aad u weyn waxana kamida arimahan soo socda:

  • Bulshada oo noqota umad dulmi iyo darxumo ku noolaata waligeed.
  • Jaahilnimada oo noqota mid lagu faano.
  • Xaqa & Cadaalda oo noqota in daciifnimo loo arko.
  • Bulshada oo aan waligood is aaminin shakina kala qabta markasta.
  • Danta guud iyo Dawladnimada oon waligeed si daacada loogu heshiin, qofkastaana diido cidii madax loo doorto hadii anu qabiilkiisa ahayn, kuna diido qabiilkiisa awgii, iyadoo laga yaabo ka reer kooda ah ee uu jagada larabo in uu yahay mid aan xilka loo dhiibayo u qalmin.
  • Marka ay dorasho noqoto in qofku dantiisa ilaawo oo uu ka fikiro dan qof kale oon waxaba ka quseyn dorashadana qof qabiil ku doorto halkaasna dantiisii iyo xornimadiisii ku waayo.
  • Hogaamiyaha dalka loo doorto & Masuuliyiinta kalaba inay waxay doonaan oo xumaan ah, sameeyaan cidna ka baqiwaayaan illayn waa umad qabyaaladi qaybisay oo awoodi iyo sharaftiiba ka qaadaye.

 Hadaba qabyaaladu waa isxaqirid, isdulmin, iyo sharciga islaamka oo lajabiyo taasina waa xaaraan cad oo cidii sidaas u dhaqanta ama ku fikirta uu ifka dulmi iyo duli ku noolaanayo akhirana cadaabta jahanama tagaayo siduu ilahay inoo sheegay. Allahna (SW) wuxu inoo sheegay in umada muslimiinta ahi ay dhamaan walaalo yihiin, markaas dad isku qabiila oo wada dhashayna hadalkoodaba daa.

Akhristow miyaad qodobada xaga sare ku qoran & kumanaan kale oo aanan halkan ku soo koobi karin igu diidantahay? Waxaan aamin sanahay inay jawaabtu tahay maya. Hadaba marka aynnu ogsoonahay waxa dawladnimadeena iyo horumarka dalkeena hortaagani inuu yahay qabyaaladda iyo qabiillaysiga uu qof walba iyo qabiil walba wax ku doonaayo ay tahay, ee inaga oo wadaniyiintii wadanka iska lahayd ah, maxaa sababay in kolba ka madax weynaha aynu u doorano uu inoo khiyaameeyaa? ee hantidada umada oo dhami ka gaajoonayso uu siduu doono ugu tagrifalaa? ama inanka yar ee aynu xafiiska cashuuraha ama meel illaha dhaqaalaha ah u dhiibanaa uu xaqeena u lunsadaa? ma iswaydiiseen su'aalahan? mise waxaabad tahay ka aan ka sheekaynaayo?.

Runtii waxa aan sheegaayo oo dhami waa wax jira oo aan soo xaqiijiyay, waxba kama helaayo inaan madaxda dalkayga iyo masuuliiinta dalkayga fadeexadeeyo. Xaqiiqadu waxaa weeye inaynu maanta dhibaatada inahaysta hadii aynu soomali nahay dhanka aad doonto kasoojeedo, waxaa inala gudboon in aynu si dhab ah ugu fiirsano mushkilada ina haysata ee waligeedna soo jirtay, oo ka talino bal aayaha ubadka kobabkeena ku jira, kolay inagu nolasheenii baabi'inaye.

Waxaad moodaa inaynaan laba socon caalamkan casriga ah. Wali waxaynu ku jirnaa meel mugdi iyo jaahilnimo ah oo dunidu boqolaal sano ka hor soo dhaaftay taas oo ah, qabiil-qabiil & qabyaalad indha la'aan ah. Umada inay ku dhacdo mushkilad ah in ay qofkii ay xilka u dhiibteen khaladka uu galaayo ka joojin kari waayaan ama kalidii taliye qabsado (Dictatorship) waxaa u sabab ah in shicibku kala qaybsan yahay oo iska soo horjeedo. shicibkuna hadii aanu is raacsanayn oo danta guud & dawladnimada ka midaysnayn, cid kastaa gumaysan karta oo xukumi karta, waxy doontana ku samayn karta. Umad midaysan kuma dhacdo dhibaatada inahaysta oo kale.

Gabogabo, walaalayaal aynu si wanaagsan oo caafimaad qabta u fahano dhibta inoogu xun ee dhibaatadeena u salka ahi inay tahay Qabyaalada aynu ku dhaqmayno iyo siday wax inoo yeelayso ee ay ula fal galayso ficil kasta oo aynu sameeyno, hadii ay dawlad tahay, hadii ay diin tahay, cadaalad darada ina haysata dhan walba waxa nolasheena hortaagani waa qabyaalada iyo qayb qaybsanaanta anu midna kakale waxba u ogalayn. Qabiilka iyo is haybsigu dhib malaha sidaynu horeba u soo sheegnay.

lasoco qaybaha danbe.

ilahay xaqa ha ina waafajiyo.

Qabyaalada1
 

Qabyaalada2
 
Qabyaalada3

       Qabayaalada4

Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:18