Alimuse.com
Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Majlisu-ashuuraa3

Home
Up

 Sideebay Gudida Shuuradu u Dooranayaan Hogaamiyaha Cusub?

Waxaa jira afar shardi oo ay waajib tahay in la helo si ay gudida shuuradu si sharciya u doortaan hogaanka cusub.

  1. Waa inaan khilaafa islami ahi jirin, (micnaha mid jira midkale lagama dul dooran karo)
  2. Qof raba oo buuxiyey shuruudihii laga rabay khaliifka marka gudida shuuradu u magacawdo khaliif (Hogaamiye) waa inuu aqbalaa oo aanu diidin sabab la’aan.
  3. Gudida shuuradu waa inay si xor ah u soo doortaan khaliifka oo anay jirin cid gudida shuurada dibada ka ah oo soo fara galisa. Waana in gudida shuuradu lagalaan beeco hogaamiyaha cusub.
  4.  Beecada waa in lagaga qaado khaliifka meel shaaraca oo cid walba ogtahay, inkastoo culimada islaamku arintan isku khilaafsan yihiin.

Culimada qaarbaa aaminsan beecada waxaa lagali kara laba markhaati oo qudha halka kuwa kalena aaminsan yihiin ilaa marka khaliifka la dooranaayo waa in arrintu noqoto wax umada oo dhami wada ogtahay.

Marka gudida shuuradu u codeeynayaan khaliifka waa inay ka soo doortaan musharaxiinta mid ka mida. Gudidu shaqsiga ay soo doortaan ee iyagu isla gartaan inuu hogaamiye noqon karo, daliil cadna u hayaan inuu shuruudihii laga rabay buuxiyey waxa waajib ah in la adeeco oo anay jirin wax diidmo ah oo lagaga soo horjeedo. Hadaba waxaa jirta in culimada islaamku ay fikrado kala duwan ka qabaan tirada loo baahan yahay Majlisu Ashuura ee ka soo dooran karta Hogaamiyaha cusub musharaxiinta dhexdooda.

  • Culimada Islaamka qaar waxay leeyihiin waa in Majlisu Ashuura intooda ugu badan ay isku raacaan oo isla aqbalaan khaliifka.
  • Al-Acshari wuxuu aaminsanyahay in khaliifka laga dhigo qof u qalma jagada xataa hadii qof qudhi codka siiyo maadaama uu ka yimid majlisu ashuura. Cilmi iyo aqoon wanaagsan oo islaamnimo ahna leeyahay. Waana waajib inaan la diidin cid ka hortimaadaana jrin daliilada iyo markhaatiyada cadaynaaya inuu khaliif noqon karo una qalmo.
  • Qaar kale oo culimada ka mid ah figradoodu waxay tahay: ugu yaraan khaliifku waa inuu helo labo cod oo ka tirsan majlisu ashuura labadaa qofoodna waa inay yihiin laba ruux oo islaamnimadoodu aad u wanaagsan tahay umaduna ku kalsoontahay maxaayeelay majlisu shuuraa waa jamac ugu yaraan ka kobnaan kara seddec ruux.
  • Figrada afraadna waxay leedahay: Khaliifku waa inuu ka helo majlisu ashuuraa cod afar ruux ugu yaraan oo anay wax diidmo ahi ku jrin. Maxaayeelay marka qof qaan-gaadh ah xukun lagu ridaayo diinta islaamka waxaa loo baahan yahay in la helo afar markhaati oo muslim fiican ah.
  • Figrada shanaad na waxay leedahay:  Seddex qofood codkooda in la helo waa laga maarmaan si go’aan jameeco ah loo gaadho.
  • Figrada lixaadna waxay leedahay: ugu yaraan shan cod ayaa loo baahan yahay codkooda in lahelo si go’aan ka la samaynaaya u noqdo mid adag.
  • Ugu dambayn, todobo kooxood oo culimada islaamka ka mid ah ayaa waxay aaminsanyihiinh in loo baahan yahay inuu majlisu ashuura noqdo 40 ruux si ay codka u siiyaan qofka khaliifka cusub noqon kara. Figradooduna waxay ku salaysan tahay sida culimada qaar qabaan salaada jimcaha waxaa loo baahan yahay in la helo 40 ruux si qudbada jimcaha loo akhriyo.

Doorashada Khaliifka oo Xoog Loo Isticmaalo

Habka kale ee hogaamiyaha islaamka lagu dooran karaa waa in xoog la isticmaalo. In badan oo culimada islaamka ka mid ahi waxay leeyihiin: Hadii uu marka horeba jiro qof maamulka gacanta ku haya waa in la aqbalo madaxnimadiisa oo aan xoog lagu isticmaalin si looga hortago dhiig daata, mar hadii uu masuuliyada u hayo sida khaliifada umada muslimka ah oo kale. Micnaha uu umada ku maamulaayo Qur’aanka iyo Sunada Rasuulka SCW.

  • Axmed binu Xambal wuxuu qoray hadii ay jirto khaliifa Islaamiya oo maamulka umada haya waa xaaraan in lala dagaalamo. Sikastaba ha noqotee waa inuu ku socdo oo wax ku maamulaayo sharciga islaamka.
  • Ashaaficina wuxuu aaminsan yahay: Qokaas mamulka gacanta ku hayaa deedna ay dadku aqbaleen wuxuu noqonayaa khaliifa sharciya waana inuu sida khaliifada u shaqeeyo.
  • Imaam Nawaawina wuxuu aamiinsan yahay: Hadii qof umada xoog ku qabsado, laakiin uu u qalmo hogaamiyaha umada oo aqoon iyo khibrad u leeyahay hogaaminta umada islaamka ah, waa in la aqbalo hogaamintiisa si looga hortago dhiig muslim oo daata iyo kala taga umada muslimka ah. Imaam Nawaawi wuxuu kaluu yidhi: Xataa hadii khaliifada cusubi aanu si sax ah oo joogta ah u raaci waayo sunihii Nebiga (S.C.W.), looma baahna in lala dagaalamo ee waxaa banaan in la hadlo oo cadaadis lagu saaro sababta uu uga baydhay sunihii Rasuulka iyo sharciga Ilaahay ba, iyadoo laga hortagaayo dhiig muslim oo daata iyo midnimada muslimiinta oo burburta.
  • Ibnu Khaltuun, Al-Asqalaani iyo Al-Juwayni dhamaantood waxay isku raacsanyihiin inuu qof xoog ku qabsado maamulka waa wax banaan oo sharciya kolhadii uu sharciga islaamka u raacaayo sidii khaliifadii islaamka oo kale wuxuu noqonayaa khaliifa islaamiya oo cusub.
  • Ibnu Taymiyah wuxuu qoray: Qofkii umada xoog ku qabsada wuxuu noqonayaa khaliifa sharciya mar hadiii uu raacaayo oo wax ku xukumaayo oo ku maamulaayo sunihii nebiga (S.C.W.) iyo Qur’aanka.

Sidaad aragto dhamaan culimada islaamku waxay isku raacsanyihiin inay wax reeban oo madnuuca tahay in xoog lagu qabsado oo xilka lagaga wareejiyo khaliifada islaamka ee talada umada haya kol hadii uu masuuliyada iyo waajibka saaran gudanaayo.

Culimada xaga sare ku xusani waxay daliil u soo qaadanayaan oo u cugsanayaan figradahooda axaadiistan:.

  • Xadiiska Saxiixul Muslim ku yaal: Xudayfa (A.K.R.) oo asxaabtii Rasuulka ka mid ahaa ayaa Rasuulka (S.C.W.) waydiiyey: yaa islaamka hogaamin doonta mustaqbalka? Nebigu (S.C.W.) wuxuu ku jawaabay: waxaa hogaamin doona qaar aan dadka xaqooda siinin laakiin xaqooda waydiisata. Hadana  wuxuu nebigu (S.C.W. ku daray muslimiintu waa inay adeecaan hogaamiyayaashaas.
  • Xadiiska Saxiixul Bukhaari iyo Muslim warinayaan:  Aayaa Rasuulku (S.C.W.) wuxuu yidhi: Waxaa iman doona hogaamiyayaal ay dadku necebyihiin oo aan sunada si saxa u raacayn ee ka baydha, nebigu hadalkiisii buu sii watay oo yidhi: Xuquuqdooda siiya idina xuquuqdiina Ilaahay waydiista oo ugu samra.
  • Xadiis kale oo Saxiixul Muslim kusugan: Rasuulku (S.C.W.) wuxuu dadka waydiiyey inay bixiyaan Zako taas oo nebigu (S.C.W.) uu dadka ka adeeca waydiinjirey wakhtiga dhibta, wakhtiga ladnaanta, wakhtiga dheraga iyo wakhtiga gaajadaba. Iyana taas oo kale ayey idinka codsan ee siiya ilaa aad ku aragtaan calaamad kufaarnimo.

Khilaafida iyo Ridida Khilaafada Islaamka

Inbadan oo culimada islaamka ka mid ah ayaa ka rayi bixiyey marka la ogolyahay ama ay banaan tahay in hogaamiyaha islaamka la khilaafi karo ama la ridi karo oo xilka laga xayuubinaayo. Khilaafida ama xilka qaadida khaliifada islaamka oo caadiyan ah wax madnuuc ah mar hadii hogaamiyaha islaamku xilkiisa ka soo baxaayo oo sharciga islaamka oo khaasa wax ku maamulaayo waxna ku xukumaayo.

  • Al-Mawardi wuxuu aaminsan yahay: Hadii Hogaamiyaha Islaamku uu sifiican u raacaayo Qur’aanka iyo Sunada Rasuulka (S.C.W.) waxaa dadka waajib ku ah inay adeecaan oo taageeraan. Laakiin hadii hogaamiyuhu noqdo mid aan cadaalad ku dhaqmayn ama uu tabar gabo oo caafimaad darro ku dhacdo sida; indhala’aan ama awoodaro kale ku timaado waa in xilka laga wareejiyaa oo cid qaadi karta loo dhiiba.
  • Al-Baqdaadi wuxuu aaminsan yahay: Hadii hogaamiyahu (khaliifa) uu cadaalad daro layimaado, waa in umadu u digto si uu jidka toosan ee islaamka ugu soo noqdo, hadii uu markaas maqli waayo oo diido waxay dadku xaq u leeyihiin inay xilka ka xayuubiyaan.
  • Al-Juwayni wuxuu qabaa mar hadii umada islaam noqotay oo hadafkeedu yahay mabda islaamka waa in khilaafa kasta oo ka baydha wada islaamka markiiba xilka laga xayuubiyo.
  • Ashiqistani wuxuu qoray: Hadii Khaliifka islaamku uu umada iska dhaga tiro, dulmi layimaado ama calaamada muujinaaya kaafirnimo lagu arko kadib intii la doortay, waa in xilka laga xayiibiyo.
  • Al-Ghazali wuxuu aaminsan yahay: Hadii Hogaamiyaha umadu ku kaco dulmi iyo caddaalad darro waa in xumaantiisa loo sheego inuu joojiyo oo dariiqa xaqa ah ku tooso markaas haduu diido oo joojin waayo waa in xoog wax lagaga qabto oo xilka laga xayuubiyo.
  • Al-Iji wuxuu isna aaminsan yahay: Umadu Islaamka ahi waxay leeday sababo badan oo aan shaki ku jirin lana ogolyahay oo qeexaaya in hogaamiyaha umada xilka laga xayuubin karo.
  • Al-Asqlaani wuxuu qoray: Hadii hogaamiyaha umadu uu bilaabo inuu u dhaqmo sida gaalada, waxaa madnuuc ah in la adeeco, waxaana waajib ah in lala dagaalamo. Qof kasta waxaa ku waajib ah inuu diido oo ka hor yimaado, qofkii isku daya inuu wax ka qabto haduu kari waayana uurka ka naca wuxuu ilaahay ku abaal marin doonaa jano iyo ajri weyn. Qofkii xaalada noocaas ah iska dhaga tira ama ku raacsan xumaanta uu samaynaayo waxay ku sugan yihiin dambi weyn. Dadka markaas aan awood u lahayn inay la dagaalamaan waxaa u banaan inay ka haajiraan oo aadaan meel ay isku soo abaabuli karaan si ay ciidamo u samaystaan ay ku dagaalamaan. Al-Asqlaani wuxuu daliil u soo qaatay labo aayadood oo qur’aan ah. Aayada hore waa: Al-Axzaab:67-68. “ Waxay odhan doonaan Ilaahayow waxaanu adeecnay madaxdayadii iyo kuwii noogu waaweynaa, waxaanay naga lumiyeen jidkii toosnaa, ee Alloow u laba-laab adaabka kuwaas na lumiyey”. Aayada labaadna waa Al-Baqrah:167. “ Kuwaas raaca madaxdooda waxay odhan doonaan: Hadii aanu helilahayn fursad dambe oo aduunkii nalagu celiyo nafahayaga ayaanu khayr u samayn lahayn oo dambigan ka soo maydhi lahayn, markaasaa ilaahay cadaabka u laablaabi doona, xaaladooduna qoomamo noqon doontaa.”
  • Muslim wuxuu ka soo weriyey ibnu Cumar (A.K.R.) inuu Rasuulku (S.C.W.) amray qof kasta oo muslim ah inuu adeeco hogaamiyaha talada haya ilaa uu amro wax xun oo dambi ah mooyaane, markaas oo kalena waa inay dhageystaan ama adeecaan. Muslim sidoo kale wuxuu ka soo weriyey Ibnu Maalik (A.K.R) inuu yidhi: Hogaamiyaha ugu fiicani waa ka dadkiisu jecelyihiin isna jecjel,  Madaxa ugu xunina waa ka dadkiisu necebyihiin isna dadkiisa neceb. Xaalku si kastaba ha noqdee waa xaaraan in khaliifka muslimiinta la la dagaalamo, ilaa uu la yimaado oo uu galo waxyaabo gaalinimo ah, tusaalo ahaan: hadii uu Salaada joojiyo ama Zakada diido si cadaana.
  • Ibnu As-Samiid (A.K.R.) wuxuu rasuulka ka soo weriyey: inuu Nebigu (S.C.W.) yidhi: Waa in aad wax kasta ku adeecdaan ninka madaxda idiin ah ilaa uu ku dhaqmo oo la yimaado calaamado gaalinimo ah mooyee.
  • Abu Daa’uud na wuxuu ka soo wariyey ibnu Ujraax (A.K.R.) inuu yidhi: maalin ayaa Nebigu (S.C.W.) Masjid soo galay deedna wuxuu yidhi: Waxaa iman doona madax dabadey, kuwaas oo ka baydhi doona Qur’aanka  iyo xaqa Ilaahay. Markaas qofkii caawiya ama raali ka noqda maaha muslim. Qofkii diida ee ka soo horjeestana wuxuu ka qaban karana ka qabta ama uurka ka naca wuxuu ka mid ahaan doona  umadayda.

Hadaba waxa lagaga hor imanaayo khaliifka muslimiinta ama lagula dagaalamayaa waa inay noqoto xaalad halisa, oo uu si toosa uga baydhay jidkii toosnaa ee Rasuulkii Alle (S.C.W.) umadan u jideeyey kaas oo ah Qur’aanka iyo Sunada. Haduu falal kaafirnimo ah la yimaado sida:. Salaada iyo Soonka uu ka tago, Qur’aanka iyo Sunada oo uu wax gaboobay oo aan dunidan casriga la jaanqaadeyn ku sheego waxyaalahaas oo dhami waa calaamadaha muujinaaya inuu dambi weyn oo kaafirnimo ah la yimid marka laga hadlaayo khilaafada islaamka dhexdeeda. Xaaladaha noocan oo kale ah haduu khaliifka ama madaxa dalka islaamka ahi layimaado, inagoo hadalkeena dulucdiisuna tahay waxa laga yeelaayo madaxda hada ka jirta wadamada islaamka oo dhan. Marka hore waxaa haboon bay culimada islaamku leeyihiin in loo digo waliba siyar oo qaboow oo aan xamaasad iyo dagaal midna ku jirin. Hadaba marka hogaamiyaha umadu aanu ahayn kaafir ee laakiin u yahay mid xumaan, dulmi, dagaal iyo gardarro jecel, tusaalo ahaan mararka qaarkood dhulka iyo hantida guud ee umada cadaalad daro ku qaadanaaya dadku xaqbay u leeyihiin inay ku qayliyaan oo ka xumaadaan cadaalad daradiisa laakiin waa inaanay wax gacan ah kor u qaadin iyagoo ka hor tagaaya dhiiga muslimka oo dhulka lagu daadiyo. Waxaa la gudboon inay samraan, cibaadada badiyaan oo ilaahay baryaan oo inuu cadaalad iyo xuquuqdooda siiyo uguna badalo khaliifa caadila.

Yaa Awooda Xilkaqaadista Hogaamiyaha Xun Leh?

 Marka umada Islaamka ah hogaamiye xumi madax u noqdo hadii ay islaamka oo dhan tahay iyo hadii ay wadan qudha tahayba, waxaa loo baahan yahay in Majlisu Ashuuraa noqdo golihii umada oo dhan matalaayey cod koodana hayay. Markaas waa in Majlisu ashuuraa uu amro inuu xilka ka dago iyagoo marka hore uga digaaya dambiyadiisa inuu joojiyo haduu diidana waa inay ku qasbaan inuu xilka ka dago. Hadii aanu jirin majlisu ashuuraa sida xaaladu maanta tahay oo kale, waxaa waajib ku ah dadka shicibka ah inay magacaabaan cidii samayn lahayd Majlisu ashuuraa. Cidaasina waa inay magacaabaan Majlisu Ashuuraa , ilaa masjlisu shuuraa la sameeyo majirto cid loo ogolyahay inay la dagaalanto ama mudaharaadyo samayso waayo! Hogaamiye daalina ma fududa xaalkiisu mana suurowdo inuu aayar iskaga dago waana xaalad keeni karta inuu dhiig badani qubto. Mawduucan culimada islaamku aad bay uga hadleen oo u sharaxeen.

·        Al-Juwayni wuxuu qoray: Hadii khaliifka umada islaamku uu talaabooyin xun-xun ku dhaqmo oo aan caadi ahayn waa inaanay umadu marnaba u ogolaanin in shakhsi ama koox gaar ahi isyidhaahdaan wax ka qabta waayo! Arrinta noocan ahi waxay umada u hogaaminaysaa boqor tooyo iyo qabiilaysi jaahilnimo ah. Waxaa waajiba in talaabo kasta oo la qaadaayo ay ka fusho Majlisu ashuuraa.

·        Al-Mindaad wuxuu aaminsan yahay: Qof dulmi ku dhaqma ma noqon karo Khaliifa, Xaakiim, Imaamka Salaada dadka tujiya iyo markhaati midna. Markaas hadii uu hogaamiye dulmi ku socda uu xilka hayo waa in Majlisu Ashuura xilka ka qaado oo qof ku haboon u dhiibo.

·        Ash-Shahastani isna wuxuu qabaa: Madaxa Umada Islaamka ahi aad buu muhiim u yahay, markaas lacala hadii uu khilaaf dhex maro isaga iyo dadka, waa inaanu shakhsi qudhi isku dayin inuu kalidii wax ka qabto khilaafka ama anuu abuurin mudaharaad iyo wax kasta oo xaalada sii murgin kara. Dadka Islaamka ah waa in wax walba sii maraan majlisu ashuuraa,

·        Al-Ash'ari  wuxuu yidhi: Fidnadii u horeysay ee muslimiinta ku timaada Geeridii Rasuulka (S.C.W.) kadib waxay ka kacday Khalifa cidii noqon lahayd. Markaas waa in mar walba laga taxadiro arintyaas.

·        Ibn Taymiya wuxuu qoray: Hogaamiyaha Dulmiilaha ah waa inaan markiiba lala dagaalamin ee waa in loo daayo arinta Majlisu ashuura waxay go’aamiyaana lagu dhaqo.

·        An-Nawawi wuxuu qoray: Madaxa umadu hadii u la yimaado dambiyo xun-xun iyo dulmi waxaa waajib ah in Majlisu ashuura markiiba xilka ka qaadaan. Laakiin hadii xilka qaadista Madaxa (khalifa) ay keenayso in dhiig badan ay Muslimiinta dhexdeedu iska daadinayaan waa in aan laladagaalamin, waayo! Madax xun oo ku haysta waxaa ka daran muslimiinta oo is dila dhiigna iska daadiya. Umada waxaa la gudboon inay tab iyo xeelad kale layimaadaan oo aanay dhiig iskaga qubayn dhexdoodu.

·        Ghazali wuxuu aamin sanyahay: Madaxweynaha xun xil ka qaadistiisu hadii ay keenayso dhimasho badan oo muslimiinta dhexdooda ahi waa in aan lala dagaalamin ee loo dulqaato iyadoo laga hortagaayo muslmiinta oo dhiig iska daadsha dhexdooda. Majlisu Ashuura waa inay digniin siiyaan Hogaamiyaha Umada marka hore, markaas hadii uu digniintaas waxba ku qaadan waayo waa in umadu qiimayn ku sameeyaan dhibaatada kaga imanaysa ladagaalankiisa iyo faa’iidada ku jirta, iyagoo ka cararaaya dulmi. Hadii khasaaraha iyo dhimashadu badato waa in layska daayo ee farsamo kale looga wareego, loona dulqaato dulmigiisa.

Xilka Qaadista Madaxa Umada

Majlisu Ashuuraa ayaa leh awooda xilka qaadista madaxa umada waa marka uu xilkiisa ka soo bixi waayo ama uu ka leexdo dariiqa Islaamka (Quraanka iyo Sunaha). Marka hore waa inay talo wanaagsan siiyaan oo u sheegaan inuu joojiyo dulmiga iyo wixii dhibaato ah ee uu umada ku hayo dariiqa xaqaana ku tooso. Hadii uu markaas diido hadana waa inay digniin kama dambaysa siiyaan, hadii uu waxba iska badali waayo oo iska dhago tiro waa in Majlisu Ashuuraa u sheegaan inuu xilka ka dago si bilaa shuruuda oo aan dhib lahayn. Hogaamiyuhu hadii uu diido inuu xilka ka dago ama uu isku dayo inuu xoog ku haysto umada isagoo isticmaalaaya askarta iyo ciidamada xooga, markaas Shicibka Muslimka ah waxaa la gudboon seddex arrimood inay mid yeelaan:.

1.      In lala dagaalamo oo xoog wax lagaga qabto sida culimada qaar qabaan.

2.      In layska samro oo layska daayo si looga hortago dhiiga muslimiinta ee daadanaaya ama sababaaya muslimiin iyagu isdila. Figradani waa mida ugu adag ee Culimada islaamka iyo Ehlu Cilmiga axaadiista badidoodu isku raacsanyihiin sida: Maaliki, Ashaafici iyo Axmed binu Xambal.

3.      In xaalada qiimayn lagu sameeyo oo laysku miisaamo qaladaadka uu samaynaayo madaxa umadu iyo mushkilada ka iman karta xilka qaadistiisa maraka la eego (sida culimada qaar kamidii qabaan)

Su’aasha iswaydiinta u baahani waxaa weeye: Goorma ayey tahay in umadu la dagaalanto Hogaamiyaha xun ee dulmiga layimaada ama wax aan diinta islaamku ogalayn?

Dhamaan culimada Islaamku way isku raacsanyihiin inay waajib tahay in lala dagaalamo qofka umada u madaxdaa hadii uu bilaabo inuu badalo sharciga islaamka cadaystana arintaa, sharciga islaamka oo uu ka baydho una arko wax gaboobay oo aan dunidan casrigaa la jaan qadayn ayaa ah waxa muujinaaya inuu yahay kaafir aan rumaysnay diinta islaamka si dhaba. Xataa shaqsi kasta oo islaam ahi hadii uu qawado Quraanka iyo Sunada Rasuulka (s.c.w.) oo ka doorto wax kale sida dimuqraadiyada iyo iwm waa kaafir ka baxay diinta islaamka. Culimada qaarbaa leh waa in lala dagaalamo khalifada xataa hadii uu noqdo faasiq tusaalo ahaan: wuu aamin sanyahay salaada in la tukado laakiin uu ka tago oo aanu tukan, waliba culimada qaarbaa qaba hadii qofku uu ka tago salaada waa kaafir sida imaam Shaafici oo kale. Marka la eego sababaha qofka islaamka ah diinta lagaga saaraayo xaga madaxtinimada culimada Islaamku arrintan labo qaybood ayay ku kala yihiin.

  1. Badh aaminsan oo leh hadii qofku uu wax ku xukumaayo wax aan ahayn Quraanka iyo Sunada waa kaafir diintana wuu ka baxay.
  2. Qaar leh lagulama degdegaayo gaalnimo ee horta waa in la weydiiyaa oo marka lagu yidhaahdo Quraanka iyo Sunadu miyaanay waajib ahayn in laysku xukumo oo anay ka wanaagsanayn waxa kale oo dhan? Haduu ku jawaabo Quraanka iyo Sunadaa xaq ah waana waajib wax kalena ku cudur daarto wuxuu doono ha noqdee, lama odhanaayo waa gaal laakiin waa daalim ama faasiq. Waxaana haboon in sharciga islaamka lala tiigsado oo xeerciqaabeed la mariyo.

Allaahu Aclam

Ilaahay baan dambi dhaaf ka dalbaynaa wixii qalada ee naga dhaca.

Qore: Cali Muuse Jaamac

www.alimuse.com

Hit Counter


Home
Up

Qur'aan Self-Study

Islamic Media Share, Alimuse.net

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Islamic Media Share

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Abubakor Islamic

Duruus

SomaliQuraan.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu. Fadlal waxaad nagala soo xidhiidhikartaa info@alimuse.com
                                              
Copyright© 2014 Alimuse.com/                                                                  
13/01/2015 01:33:36